Nin isku qarxiyay goob lagu caweeyo dalka Jarmalka oo taageersanaa ururka IS

0
Monday July 25, 2016 - 23:14:36 in Wararka by
  • Visits: 538
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin isku qarxiyay goob lagu caweeyo dalka Jarmalka oo taageersanaa ururka IS

    Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Bavaria ee dalka Jarmalka Joachim Hermann ayaa sheegay in ninkii isku qarxiyay shalay deegaanka Ansbach ee u dhashay dalka Siiriya uu duubay kahor inta uusan is miidamin cajalad muuqaal ah oo uu ku sheegayo inuu daac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Bavaria ee dalka Jarmalka Joachim Hermann ayaa sheegay in ninkii isku qarxiyay shalay deegaanka Ansbach ee u dhashay dalka Siiriya uu duubay kahor inta uusan is miidamin cajalad muuqaal ah oo uu ku sheegayo inuu daacad u yahay ururka ISIS.

Ninkan is qarxiyay oo lagu naaneysayay ‘Rambo’ ayaa isku hor qarxiyay meel xaflad muusik ah ay ka dhacaysay waxaana la sheegay in laga helay gurigiisa qalab awooda in bam kale laga sameeyo.

Wiilka 27 sano jirka ah oo magaciisa caadiga ah loo yaqaan Mohamed Daleel ayaa qaraxa ismiidaaminta ah ee uu ku kacay ay ku dhaawacmeen 12 ruux meel dibad ka ah goob qamriga lagu cabo ee Ansbach una dhow Nuremberg xalay tobankii fiidnimo xilliga dalka Jarmalka.

Booliska oo baaritaan ku sameeyay guriga uu ku noolaa wiilkan is qarxiyay ayaa hore loogu diiday in magangalyo la siiyo waxana la qorsheynayay in loo dhoofiyo dalka Bulgaria.

Guriga wiilkan is qarxiyay ayaa laga helay muuqaal video ah taleefankiisa gacan qaadka ah, waxana uu ku dhowaaqayay inuu taageersan yahay ururka IS.

Ninkan ayaa ku sheegay muuqaalka uu iska sii duubay inuu magaca Alle ugu aargudayo dadka Muslimiinta ah ee ay dileen Jarmalka waxana uu magacaabay hogaamiyaha ururka IS Abu Bakr al-Baghdadi.

Daleel ayaa la sheegay in uu diidanaa in dib loogu celiyo dalka Bulgaria oo uu ka soo galay wadanka Jarmalka balse waxaa ay sheegeen Boolisku inuu hore isugu dayay inuu is dilo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip