17 ruux oo ku geeriyootay Qarax gaari loo adeegsaday dalka Ciraaq

0
Monday July 25, 2016 - 15:10:13 in Wararka by
  • Visits: 451
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    17 ruux oo ku geeriyootay Qarax gaari loo adeegsaday dalka Ciraaq

    Qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray Magaalada Al Khaalis ee ku taalo Gobolka Diyaali ee dalka Ciraaq. Weerarkaan ayaa waxaa ku geeriyooday 17 ruux, waxaana weerarka uu ka dhacay meel ku dhaw Bar Koontaroo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray Magaalada Al Khaalis ee ku taalo Gobolka Diyaali ee dalka Ciraaq. Weerarkaan ayaa waxaa ku geeriyooday 17 ruux, waxaana weerarka uu ka dhacay meel ku dhaw Bar Koontarool oo ciidamada Booliska ay halkaasi kuleeyihiin.

Sidoo kale 22 kale ayaa ku dhaawacmay oo rayid iyo Boolis isugu jira , sida wararka horudhaca ah lagu helayo.

Telefishin Maxalli ah oo soo xiganaya Masuul dowladda ka tirsan ayaa sheegay in Qaraxu uu ahaa mid aad u xoogan.

Ma cadda cidda ka dambeysa weerarkaasi Al Khaalis ka dhacay , Magaaladaaso oo Baqdaad u jirta 70 Km.

Qaraxaan ayaa ku soo beegmaya maalin kadib weerar Ismiidaamin ah oo ay sheegteen Ururka Daacish oo ka dhacay Bar Kontarool oo ay Ciidamada Ciraaq ku leeyihiin gudaha Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Daacish ayaa intii lagu guda jiray Bilihii u dambeeyay lumiyay gacan ku heynta Magaalooyin iyo deegaanno Istiraatiiji ah kuwaas oo ay horay ula wareegeen sanadkii 2014.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip