Madaxa Howlgalka Amisom oo booqday Degmada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe (SAWIRRO)

0
Monday July 25, 2016 - 15:02:16 in Wararka by
  • Visits: 547
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxa Howlgalka Amisom oo booqday Degmada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe (SAWIRRO)

    Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya, ahna Madaxa Howlgalka Amisom Ambassador Francisco Madeira, oo ay wehliso Ku xigeenkiisa, Taliyaha cusub ee ciidamada Amisom Jeneraal Subagle, ayaa booqday Ciidamada Amisom ee ku sugan Gobolka Shabellaha Dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya, ahna Madaxa Howlgalka Amisom Ambassador Francisco Madeira, oo ay wehliso Ku xigeenkiisa, Taliyaha cusub ee ciidamada Amisom Jeneraal Subagle, ayaa booqday Ciidamada Amisom ee ku sugan Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ambassador Francisco Madeira, ayaa ciidamada Amisom ee ku sugan Gobolka Shabellaha Dhexe, wuxuu baray Taliyaha cusub ee ciidamada Amisom Jeneral Subagle oo u dhashay dalka Jabuuti.

Intaasi kadib Saraakiisha ciidamada Burundi ee Jowhar ku sugan ayuu Madaxa Amisom kala hadlay xaqiijinta ammaanka Degmada Jowhar iyo qaadista dagaalo lagu wajahaayo Ururka Al Shabaab.

"Ujeedada Booqashadeena waxa ay ku saleysan tahay inaan idin baro Taliyaha cusub ee ciidamada Amisom Osmaan Nuur Subagle iyo inaan ka hadalo amniga iyo Dagaalka Shabaabka.” Ayuu yiri Madeira.

Taliyaha cusub ee ciidamada Amisom Jeneral Cismaan NUur Subagle oo la hadlay ciidamada ayaa u sheegay in shaqada Somaliya loo joogo ay tahay nabadeynta dalka iyo la dagaalanka Al Shabaab.

Wuxuu sheegay howlgalka ciidamada Amisom inuu wajahaayo marxalad cusub oo isbedel hogaaneed ah, sidaasi awgeedna loo baahan yahay in ciidamada ay la qabsadaan.

Ciidamada Burundi ee ku sugan Degmada Jowhar ayaa degan Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladaasi.

MadeiraMadeira (1)Madeira (2)Madeira (3)Madeira (4)Madeira (5)Madeira (6)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip