Toogasho ka dhacday Gobolka Florida ee Wadanka Mareykanka

0
Monday July 25, 2016 - 14:58:12 in Wararka by
  • Visits: 444
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Toogasho ka dhacday Gobolka Florida ee Wadanka Mareykanka

    Abaarihii 12:30 saqdii dhexe ee xilliga Gobolka Florida, ayaa waxay toogasho ka dhacday baar ku yaala Magaalada Fort Myers, xilli ay xaflad uga socotay dhalinyaro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abaarihii 12:30 saqdii dhexe ee xilliga Gobolka Florida, ayaa waxay toogasho ka dhacday baar ku yaala Magaalada Fort Myers, xilli ay xaflad uga socotay dhalinyaro.

Baarka Blu oo xilliyada habeenkii lagu caweeyo, ayaa toogashada ka dhacday waxay sababtay dhimashada laba qof iyo dhaawaca lix iyo toban kale.

Syreeta Gary oo ah hooyada gabar ka mid ahayd dhalintii xafladda ku laheyd baarka Blu, ayaa waxay Alle uga mahadcelisay gabadheeda oo ka badbaaday weerarkaasi.

Syreeta Gary, ayaa sheegtay in kuwa falal dembiyeedyada gaysanaaya aanay xitaa carruurta u ogolayn in ay ka damaashaadaan.

Xoogaga ammaanka oo gaaray halka uu weerarku ka dhacay, ayaa waxay ka bilaabeen baaritaano ku aadan waxa dhabta ihi ee keenay toogashadaasi.

Laamaha ammaanka, ayaa gacanta ku soo dhigay hal ruux oo lala xiriirinaayo weerarkaasi, kaasoo iminka su’aalo lagu weydiinaayo xarumaha dembi baarista.

Weerarka aroornimadii hore ee saakay ka dhacay Magaalada Fort Myers, ayaa waxaan jirin cid sheegatay masuuliyadiisa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip