Xukuumadda oo amar ku bixisay inaan la qaban karin Kulamo aanay la socon Wasaarada Amniga

0
Monday July 25, 2016 - 13:36:30 in Wararka by
  • Visits: 511
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda oo amar ku bixisay inaan la qaban karin Kulamo aanay la socon Wasaarada Amniga

    Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in aan kulamada siyaasadeed lagu qaban karin Hoteellada ku yaalla Muqdisho, iyadoo milkiilayaasha iska leh hoteellada Muqdisho loo jeediyay digniin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in aan kulamada siyaasadeed lagu qaban karin Hoteellada ku yaalla Muqdisho, iyadoo milkiilayaasha iska leh hoteellada Muqdisho loo jeediyay digniin.
ujeedadiisu tahay in lagu hor-joogsado kulamada siyaasadeed, maadaama ay soo dhaw yihiin Doorashooyinka Sannadkan ka dhacaya Dalka, iyadoo Xibsiyada Siyaasadeed ee dalka ay ku tilmaameen arrintaan mid lagu caburinayo axsaabta madaxa-bannaan.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Somalia, C/kaamil Macalin Shukri oo hadal siiyay warbaahinta ayaa ku tilmaamay amarka kasoo baxay Wasaaradda mid aan lug ku lahayn Arrimo Siyaasadeed, laakiin ay la xiriirta dhinaca amniga.

"Wasaaradda Amniga Sooomaaliya, waxaa kasoo baxay amar ah in haddii kulamo la qabanayo ay ka dhacdo goob ammaan ah iyo in Wasaarada lagu soo war-geliyo si amaanka loo sugo, laakiin ma ahan mid ujeeddo kale laga leeyahay," ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga.

Amarkan ayaa waxaa 

Sidoo kale, Warbixin todobaadkii hore ka soo baxay agaasimaha Wasaarada Amniga Gudaha Somalia, ayaa loogu baaqay Hoteellada inaan lagu qaban karin kulammo Siyaasadeed aanay wasaarada Amnigu ogeyn, iyadoo hoteelkii u hoggaansami waaya amarkaas tallaabo adag laga qaadi doono.

Ugu dambeyn, Xubnaha Ururrada Siyaasadda Dalka, ayaa dhankooda sheegay in Amarkaas uu ka hor-imaanayo Dastuurka, maadaama Dastuurku uu dhigayo in la qaban karo kulammo, isla markaana lagu soo beegay waqti lagu wado inay dalka ka dhacdo doorasho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip