Duqayn culus dhinaca cirka oo xalay ka dhacday Deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo

0
Monday July 25, 2016 - 13:13:18 in Wararka by
  • Visits: 582
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqayn culus dhinaca cirka oo xalay ka dhacday Deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo

    Duqayn culus oo dhinaca cirka ah, ayaa caweysnimadii xalay ka dhacday Deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo, halkaasoo ay ka arrimiso Al Shabaab, ka dib markii horaantii sanadkan ay ka qabsatay Ciidanka Militariga Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqayn culus oo dhinaca cirka ah, ayaa caweysnimadii xalay ka dhacday Deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo, halkaasoo ay ka arrimiso Al Shabaab, ka dib markii horaantii sanadkan ay ka qabsatay Ciidanka Militariga Kenya.

Abaarihii sagaalkii caweysnimo, ayaa waxaa Deegaanka Ceelcadde laga maqlay jug is xig xigtay, oo lagu ekeeyay xerada ay Al Shabaab ku leeyihiin Deegaankaasi.

Nin ka tirsan dadka reer Ceelcadde oo codsaday inaanan magaciisa la soo xigan, ayaa ku waramaaya in ay arkayn hillaac iftiin sameeyay, ka dibna ay xigtay duqaynta ka dhanka ah xeradaasi.

"Intii aysan duqayntan bilaaban waxaan aragnay wax aad mooddo buleer oo iftiin bixinaayay, ka dib waxaa xigtay duqayn xoogan. Gantaalo is xig xigay ayaa xerada lala beegsaday.” Ayuu yiri ninkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan.

Sidoo kale waxaa uu inoo sheegay in xerada oo ay ku sugnaayeen dagaal-yahano fara-badan oo Shabaabka ka tirsan, ay dadka deegaanka isla dhex marayaan in lagu laayay duqayntaasi.

"Waxaa leesla dhex marayaa in ciidan badan oo Al Shabaab ah ay ku sugnaayeen xeradan, cid ka badbaaday oo naloo sheegayna ma jirto. Dhammaan wixii ciidan ahaa inay dhinteen ayaa la hadalhayaa.” Ayuu yiri goobjoogaha.

Goobjoogahan, ayaa intaa ku daray "Markasta oo duqayn noocaan oo kala ah ay dhacdo, dadka deegaanka waxba kama ogaan karaan khasaaraha Al Shabaab ka soo gaara duqaynta. Meesha waxaa markiiba xira ciidamada Al Shabaab, dhaq dhaqaaqyada dadkana way xadidaan.”

Shabaab, ayaa 15-kii bishii January weerar ballaaran ku qaaday xeradii Ciidanka Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceelcadde, iyagoona kaga dilay ciidan aanay weli tiradoodu shaacin Dowladda Kenya.

Weerarkan, ayaa noqday noociisii ugu khasaaraha badnaa ee Ciidanka Kenya markeliya ka soo gaara Al Shabaab, tan iyo markii ay gudaha u soo galeen Gobolada Koonfurta Somaliya, bishii October ee sanadkii 2011-ka.

xigasho:-dhacdo.com.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip