Qaxooti Suuriyaan ah oo baangad ku dilay Haweeney gudaha Jarmalka

0
Monday July 25, 2016 - 09:59:36 in Wararka by
  • Visits: 507
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaxooti Suuriyaan ah oo baangad ku dilay Haweeney gudaha Jarmalka

    Qaxooti Suuriyan ah ayaa baangad ku dilay haweeney uur leh magaalo ku taal Koofur galbeed Jarmalka, iyadoo booliska ay ninkan gacanta ku dhigeen. Goob joogayaal ayaa sheegay in falkan uu ka dhacay magaalada Reutlingen oo ku dhow magaalada Stuttgar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaxooti Suuriyan ah ayaa baangad ku dilay haweeney uur leh magaalo ku taal Koofur galbeed Jarmalka, iyadoo booliska ay ninkan gacanta ku dhigeen. Goob joogayaal ayaa sheegay in falkan uu ka dhacay magaalada Reutlingen oo ku dhow magaalada Stuttgart.

Sidoo kale nankin ayaa dhaawacay labo kale oo mid ay aheyd haweeney, waxaana durbaba markii falka dhacay goobta soo gaaray Booliska, kuwaasoo xiray wadada.

Wararka ayaa sheegaya in ka hor inta aanu ninkan dilin haweeneyda uu muran dhex maray, waxaana ay ka wada shaqeynayeen maqaayad laga cuno cuntada fudud.

Booliska ayaa sheegay in falkan aanu aheyn mid muujinaya inuu ahaa fal argagixiso, hase ahaatee waxaa uu ku soo aadayaa, iyadoo maalmo ka hor nin hubeysan uu dad ku laayay xarun ganacsi ku taal magaalada Munich.

Jarmalka ayaa sare u qaaday ammaanka dalkiisa, inkastoo weerarkii hore aanay sheegin koox, hadana ninka fuliyay weerarkaas oo u dhashay dalka Iiraan ayaa muddo sanad ah diyaarinayay inuu weerar geysto.

machetebangadbangad5




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip