Wararkii ugu dambeeyay dagaal Khasaare geystay oo ciidamada Dowladda iyo Shabaab ku dhexmaray Sh/dhexe

0
Monday July 25, 2016 - 09:50:18 in Wararka by
  • Visits: 508
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay dagaal Khasaare geystay oo ciidamada Dowladda iyo Shabaab ku dhexmaray Sh/dhexe

    Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe, dagaal u dhaxeeyay ciidamada Dowladda Federalka Somaliya iyo kuwa Shabaab ayaa ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe, dagaal u dhaxeeyay ciidamada Dowladda Federalka Somaliya iyo kuwa Shabaab ayaa ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolkaasi.

Dagaalkaan ayaa wuxuu ka dhacay duleedka Degmada Cadalle, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Shabaabka ay soo weerareen Saldhig ciidamada Dowladda ay halkaasi ku leeyihiin.

Waxaa ka dhashay dagaalka Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamaayay.

Inta la xaqiijiyay labo ruux oo dhinacyada dagaalamay ah ayaa halkaasi ku geeriyootay, iyadoo ay dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Maamulka Degmada Cadalle.

Cali Cabdulle oo ah Guddoomiye ku xigeenka Degmada Cadalle ayaa u sheegay in ay iska caabiyeen Al-shabaab, islamarkaana ay wadaan weeraro cusub oo Al-shabaab looga saarayo deegaanno dhowr ah oo ay dagaal ku qabsadeen.

Wuxuu sheegay dhanka ciidanka inuu ka geeriyooday halka Askari, halka Shabaabna uu sheegay inuu ka dhintay hal Askari inta ay ka war hayaan, balse ay jirto Khasaare dhaawacyo ah oo Shabaabka soo gaaray.

Ciidamada Dowladda ayaa muddooyinkii dambe waxa ay baneynayeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaasi oo Shabaabka ay gaarayeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip