Jabriil Ibraahim Cabdulle oo si diirran loogu soo dhoweeyay Beledweyn (Sawirro)

0
Monday July 25, 2016 - 09:34:55 in Wararka by
  • Visits: 538
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabriil Ibraahim Cabdulle oo si diirran loogu soo dhoweeyay Beledweyn (Sawirro)

    Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ka mid ah Wafuuda ka qeyb galeysa caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa shalaya si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ka mid ah Wafuuda ka qeyb galeysa caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa shalaya si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Mr Jabriil ayaa markii uu ka degay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif waxaa uu booqasho sharafeed ku tagay Hoyga Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, isagoo u rajjeeyay in alle uu la garab galo xilka culus ee bulshada u haayo.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa lagu wadaa in Maanta lagu caleema saaro magaalada Beledweyn, iyadoo meel fagaare ah oo aad loo diyaariyay lagu caana shubi doono.

Wafuud ka socota dowladda Federaalka, Siyaasiyiin, aqoonyahano, salaadiin, ugaasyo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb galaya xaflada caleema saarka iyo caana shubka Ugaas.

Marti sharafta ka qeyb galeysa caleema saarka ayaa ka kala yimid dalka dibadiisa iyo gudihiisa, waxaana mashquul ahaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ay diyaaradaha si aan joogsi laheyn uga dagayay, kuwaasoo waday wafuud kala duwan.

Ammaanka magaalada Beledweyn ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo sugida amniga ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamada dowladda iyo ciidanka AMISOM.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa noqonaya Ugaaskii 20-aad ee saldanada reer Ugaas ee Beesha Xawaadle, waxaana uu beddelayaa Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo horraantii Bishii Jannaayo ee sannadkan Geeriyooday.



jbjijjjjijwjabr



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip