Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Jeneral Cabdiraxmaan Warsame Cilmi

0
Sunday July 24, 2016 - 20:12:06 in Wararka by
  • Visits: 502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Jeneral Cabdiraxmaan Warsame Cilmi

    Muqdisho, 24 July 2016 (Villa Somalia): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee S/ Guuto Cabdiraxmaan War

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, 24 July 2016 (Villa Somalia): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee S/ Guuto Cabdiraxmaan Warsame Cilmi "Caare".

Marxuumka oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho, ayaa ka mid ahaa saraakiisha sare ee udub dhexaadka u ahaa horumarkii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

"Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan shacabka, qoyska, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka la wadaagayaa tacsidan murugada leh. Waxaa marxuumka lagu xusuusan doonaan doorkii wanaagsanaa iyo sida hufan ee uu ugu adeegay shacabkiisa’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka tegeyna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

--------------------DHAMMAAD----------------


Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

IB0A2083

 
1px


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip