Ciyaaryahan C/salaam Dhiidhiye oo Nambarka 5aad u sitay Kooxda Ciyaartoyda Puntland ayaa wacdaro ka dhigay tartanka Maamul goboleedyada, iyadoo qaab ciyaareedkiisa uu soo jiitay dadkii u daawasho tagay ciyaaraha ka socday garoonka Koonis Stadium.
Inkastoo ciyaartii Sema Finalka ee shalay dhacday ay guusha raacday ciyaartoyda Puntland ka socotay, sidaasna Final ugu gudbeen, ayaa waxaa soo baxaya in ciyaartii Finalka ee berri oo isniin la ciyaari lahaa dib loo dhigo arrimo ku saabsan baaritaanka socda.
Sida uu goor dhow shaaciyay Idaacada ka faaloota ciyaaraha ee GoolFM, ciyaaryahan C/salaam Dhiidhiye oo Kabtan u ahaa Kooxda ciyaartoyda Puntland ayaa horay uga soo muuqday Ciyaartoydii Xulka Qaranka Soomaaliya uga qeyb galay Tartankii Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee lagu qabtay Uganda sanadkii 2012.
Lama oga go’aanka ay qaadan doonaan Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Dhalinyarada Iyo Isboortiga oo Tartankan soo agaasintay, waxaana horay u yaalay sharci ah in tartanka Gobolada aanay ciyaari karin ciyaartoyda Seria A-da iyo kuwa u soo saftay Xulka Qaranka Soomaaliya.
Xiriirka K/Cagta oo baaraya jiritaanka in Ciyaartoy ka mid ah Puntland uu horay ugu soo saftay Xulka Qaranka
Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa baaraya warar soo baxayay saacadihii la soo dhaafay, kaasoo sheegaya in mid ka mid ah ciyaaryahanadii u saftay Xulka K/cagta Puntland inuu horay ugu soo ciyaaray Xulka Qaranka Soomaaliya.