NISA oo xalay qabatay gaari waxyaabaha qarxa ka buuxay

0
Sunday July 24, 2016 - 12:18:38 in Wararka by
  • Visits: 488
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NISA oo xalay qabatay gaari waxyaabaha qarxa ka buuxay

    Ciidamada Hey'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee NISA ayaa xalay qabatay gaari waxyaabaha qarxa ka buuxay oo la dhigay wado dhinaceeda ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Hey'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee NISA ayaa xalay qabatay gaari waxyaabaha qarxa ka buuxay oo la dhigay wado dhinaceeda ah.

Gaarigan oo ahaa kuwa raaxada ee loo yaqaano NOAH ayaa la dhigay agagaarka wadada Boondheere, iyadoo markii dambe dadka oo ka shakiyay ku wargeliyay Ciidamada.

Qaasim Cabdulle Xasan oo ah Guddoomiyaha Boondheere ayaa sheegay in qaraxan la doonayay in lagu waxyeeleeyo shacabka.

"Gaarigan waxaa saarnaa qarax aad u ballaaran, fuusto aaladaha qarxa ku jira, rasaasta qoriga RBG, suujino iyo jawaano birar iyo boolal ku jirayā€¯ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Boondheere.

Waxaa uu uga mahad celiyay shacabka in markii gaariga ay arkeen, kana shakiyeen ku wargeliyay ciidamada, iyadoo markii la baaray laga helay waxyaabaha qarxa.

Ciidamada Nabadsugida ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxay meelo ka mid ah magaalada Muqdisho ku qabteen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyo.

gaari-qaraxgaari-qarax-1gaari-qarax-2gaari-qarax4




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip