Muxuu yahay wadaadka Fethullah Gülen?

0
Tuesday July 19, 2016 - 10:19:28 in Wararka by
  • Visits: 507
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu yahay wadaadka Fethullah Gülen?

    Fethullah Gülen oo ah wadaad u dhashay dalka Turkiga, ayaa wuxuu ku nool yahay dalka Mareykanka, waxaana Sabtidii lagu eedeeyay in uu soo maleygay afgambiga fashilmay ee Turkiga ka dhacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fethullah Gülen oo ah wadaad u dhashay dalka Turkiga, ayaa wuxuu ku nool yahay dalka Mareykanka, waxaana Sabtidii lagu eedeeyay in uu soo maleygay afgambiga fashilmay ee Turkiga ka dhacay.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa si cad saaxiibkiisii hore ugu eedeeyay in uu soo maleygay afgambigii la damacsanaa in talada dalka looga xayuubiyo, inkastoo wadaadkan uu eedeymahaasi iska fogeeyay.

Madaxweynaha Turkiga waxaa uu Mareykanka weydiistay in loo soo gacangeliyo wadaadkaasi, maadaama ay ku haystaan in uu ka masuul yahay qalalaasihii Jimcihii ka dhacay dalkiisa, ayna ku dhinteen 290 qof oo rayid u badnaa.

Xoghayaha Guud Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, John Kerry, ayaa Turkiga ugu baaqay in uu soo cadeeyo eedeymaha ka dhanka ah Fethullah Gülen.

Dr. Sacad Sheekh Cismaan Nuur oo ah khabiir Soomaaliyeed, kuna nool dalka Mareykanka, ayaa sharaxaad ka bixinaaya waxa uu yahay Gülen iyo goortii ay kala irdhoobeen Madaxweyne Erdoğan.

XIGASHO:-BBc.com/somali



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip