WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 19-KA LUULYO 2016-KA

0
Tuesday July 19, 2016 - 09:18:16 in Wararka by
  • Visits: 496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 19-KA LUULYO 2016-KA

    CIIDAMMO CUSUB OO KA SOCDA DALKA UGANDA OO SOO GAARAY MAGAALADA MUQDISHO .. Ciidammo cusub oo ka socda Millateriga dalka Uganda, ayaa lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho, iyagoo qayb ka noqon doona ciidamada AMISOM ee ka hawlgala Soomaaliya. Guuta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

CIIDAMMO CUSUB OO KA SOCDA DALKA UGANDA OO SOO GAARAY MAGAALADA MUQDISHO .. Ciidammo cusub oo ka socda Millateriga dalka Uganda, ayaa lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho, iyagoo qayb ka noqon doona ciidamada AMISOM ee ka hawlgala Soomaaliya. Guutadan ciidanka ah ayaa bedeli doonaan guuto ciidammo ah oo ay hawshoodii u dhammaatay, sida ay sheegeen saraakiisha sar ee AMISOM.

Xukuumadda Kampala ayaa ah midda ay ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya, wa xaana kaga sugan 6,700 oo askari, marka la eego tirada guud ee ciidanka AMISOM oo ka badan 22,000 oo askari, waxaana ciidamada kale ay ka socdaan Waddamo ay ka mid yihiin; Burundi, Ken ya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Ciidamadan cusub ee ka socda dalka Uganda oo daraad soo gaaray Muqdisho ayaa waxaa taliye u ah sarkaal lagu magacaabo, Anthony Mbuusi Lukwago, iyadoo markiiba loo daabulay dhan aca gobolka Shabeellada Hoose.

"Waxay ciidamadan cusubi ka qaybqaadan doonaan hawlgallada Somalia ka socda, gaar ahaan dagaallada lagula jiro Alshabaab, muddo ayay ciidankan ku jiri doonaan hawlgalka," ayuu yiri taliyaha ciidamada Uganda ee AMISOM ka tirsan, Brig. Sam Okiding.

Isagoo intaas ku daray. "Ciidankan kuwo dagaalyahanno ah. Waxaana si aad ah ugu kal soonahay inay wax badan kusoo kordhin doonaan hawlgalka ka socda Soomaaliya."

Dhanka kale, Taliyaha Ciidamadan cusub, Col. Anthony Mbuusi Lukwago ayaa isagana rajo wanaagsan ka muujiyay ka qaybqaadashadooda Hawlgallada ka socda, isagoo yiri. "Waxaa naga go'an inaan hawlgallada socda qaybteena ka qaadanno, waayo tababar wanaagsan ayaan soo qaadanay ka hor intaan soo gaarin Muqdisho."

Ugu dambeyn, Col. Lukwago ayaa hadalkiisa ku daray inay rumeysan yihiin in hawsha loo xilsaaray ay kasoo bixi doonaan, ayna sameyn doonaan wixii ay awoodaan si ay uga guuleystaan cid walba oo ka hortimaadda.

MAREYKANKA OO ISKA FOGEEYAY INUU KU LUG LAHAA ISKU DAYGII AFGAMBIGA EE TURKIGA

Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka John Kerry ayaa iska fogeeyay wararka dhinaca Turkiga ka soo duul duulayay ee ku saabsan in Mareykanka ku lug lahaa afgambigii dhicisoobay ee jimcihii ka dhacay dalka Turkiga.

John Kerry ayaa cambiareeyay fikradaha ku saabsan inay ku lug lahaayeen afgambigaas fa shilmay, waxaana uu ku tilmaamay in hadaladaas ay yihiin kuwo mas’uuliyad darro ah.

"Waxaa u maleyneynayaa in tani ay tahay Mas’uuliyad darro in Mareykanka lagu eedeeyo in Af gambigaas ku lug lahaa, waana hadal xaqiiqda ka fog”ayuu yiri John Kerry.

Mr Kerry ayaa sheegay in Mareykanka oo lagu eedeeyo isku dayga afgambi ee fashilmay ay tahay mid dhaawici karta xiriirka labada dal.

Sidoo kale John Kerry ayaa sheegay in aanay jirin cod rasmi ah oo uga yimid dowladda Turkiga oo ku aadan musaafurinta Fethullah Gulen.

Wasiirka Shaqada ee Turkiga Suleymaan Soylu ayaa Sabtidii ku eedeeyay Mareykanka inay ka dambeysay isku daygii afgambiga ee dhicisoobay.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ugu baaqay dowladda Mareykanka inay ku soo wareejiso wadaadka lagu magacaabo Fethullah Gulen oo ku nool Gobolka Pennsylva nia ee dalka Mareykanka.

Wadaadkan ayaa lagu eedeeyay inuu abaabulay afgambigaas, hase ahaatee waxaa uu iska fogeeyay eedeyntaas.

Dowladda Turkiga ayaa illaa lix kun oo isugu jira Saraakiil iyo ciidan u qab qabatay afgamb igii fashilmay ee ka dhacay Turkiga.

QAAR KA MID AH DADKII LAGU DILAY AFGAMBIGII DHICISOOBAY EE TURKIGA OO LA AASAY ..

Wadanka Turkiga, ayaa waxaa aas loogu sameeyay qaar ka mid ah dadkii ku dhintay isku da ygii afgambi ee la doonaayay in talada dalka looga xayuubiyo Madaxweyne, Recep Tayyip Erdogan.

Madaxweynaha, ayaa waxaa uu Magaalada Istanbul kaga qaybgalay Salaadda Janaasada oo loogu sameeyay tiro ka mid ihi dadkii lagu dilay Magaaladaasi, habeenkii Jimcaha. Janaasadaan waxay ka dhacday Masaajidka Fatih.

Madaxweynaha, ayaa waxaa Salaadda Janaasada ku wehlinaayay masuuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore Turkiga, Abdullah Olcak iyo Ra’iisal Wasaarihii xilka iska casilay bishii May waa Ahmet Davutoglu.

Ka dib markii Salaadda Janaasada la tukaday, ayaa waxaa la arkaayay Madaxweynaha Tur kiga oo ilmeynaaya, haddii dadkaan loo laayay iyagoo difaacaya dowladda uu hogaamiyo.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo la hadlay dadkii ku sugnaa Masaajidka Fatih, ayaa tacsi u diray qoysaska, ehelada iyo asxaabtii ay ka baxeen dadkaasi.

Madaxweynaha waxaa uu wacad ku maray in la soo qab qaban doono kuwii soo maleygay afgambigan dhicisoobay, ayna horkeenayaan cadaaladda, si sharciga loogu qaado.

Turkiga waxaa ka soconaaya baacsiga loogu jiro xubnihii soo abaabulay afgambigan, waxa ana hadda xabsiga la dhigay sideed kun oo qof oo falkaasi lala xiriirinaayo.

Wasiirka Wasaaradda Garsoorka, Bekir Bozdag, ayaa Axadii xaqiijiyay inay korortay dadka loo soo qab qabanaayo isku dayga afgambi, waxayna tiradooda gaartay buu yiri sideed kun oo qof.

Wasiirka, ayaa ku goodiyay inay sii socon doonto qab qabashada, si cadaaladda loo horkee no kuwii ka masuulka ahaa qalalaasaha habeenkii Jimcaha ka dhacay dalkaasi.

DAGAAL U DHAXEEYAY CIIDAMADA PUNTLAND IYO SOMALILAND OO KA DHACAY GOBOLKA SANAAG

Wararka ka imaanaya Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in deegaan lagu magacaabo Booda Cad oo 30-KM u jira degmada Dhahar uu dagaal ku dhex maray Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaarooyin kala duwan, inkastoo aanay jirin faah faahin rasmi ah oo ku aadan khasaaraha dagaalka.

Taliyaha Ciidamada Milateriga Somaliland Ismaaciil Shaqalle ayaa ku eedeeyay in Ciid amada Puntland ay shalay weerar ku soo qaadeen fariisimahooda, isla markaana weerarka ku jebi yeen.

Ismaaciil Shaqalle ayaa sheegay in Ciidamada Puntland ay ka qabsadeen saddex gaari, isla markaana gacanta ku hayaan lix Maxbuus oo uu ku jiro Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland.

Xildhibaanka ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Somaliland ayaa lagu magacaabaa Maxa med Faarax Canjeex.

Dhaq dhaqaaq ciidan ayaa laga soo sheegayaa deegaano u dhaxeeya Xiingalool iyo Dha har, waxaana deegaanada Sanaag Bari ay Somaliland ka wadaa diiwaan gelinta cod bixiyeyaasha doorashada sanadka soo socda ka dhici doonta Somaliland.

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa u dhaxeeya muran la xiriira dhinaca deegaanada Sool iyo Sanaag oo mdiba midka kale sheeganayo inuu maamulkiisa hoosyimaado.

MADAXWEYNE KUXIGEENKA PUNTLAND CABDIXAKIIM CABDULLAAHI CAMEY OO LOOGU YEERAY BAARLAMANKA MAAMULKAAS

Baarlamanka Maamulka Puntland ayaa ku wargaliyay madaxweyne kuxigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay in uu xidhibaanada Horyimaado Maalinta bari oo Taariikhda ay ku beegan Tahay 19ka si wax loogu weydiiyo arrimaha Puntand iyo xiisada ka taagan Gobolka Sanaag.

Xildhibaanada Puntland oo ku guda jira Kalfadhigoodii 37aad ayaa shalay diiradda saaray dagaalka kasoo cusboonaaday gobolka Haylaan kaasoo ka dhashay dhaqdhaqaaqyo maamulka Somaliland ka bilaabay oo ku aadan diiwaangalinta codbixayaasha doorashadooda dhacaysa 2017.

Waxaa arrintaasi Barlamanku u saareen Guddi ka kooban Lix xubnood, waxaana loo xilsa aray lasocodka howlaha amniga iyo qaabkii xukuumaddu wax uga qaban lahayd arrintaasi.

Barlamanka ayaa markii hore qorshahoodu ahaa inay u yeeraan madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, balse waxay ugu cudurdaareen xaaladda gobolkaasi iyo howlaha madaxweynuhu ku mashquulsanyahay oo ay kamid tahay dhismaha golaha deeganka degmadaasi.

MAAMULKA PUNTLAND OO XAQIIJIYAY AFDUUBKA LOO GEYSTAY XILDHIBAAN MAXAMED FAARAX AADAN (CANJEEX)

Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soocadde oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in ciidamada Somaliland ay afduub cad u geysatay Xidhibaan Maxamed Faa rax Aadan (Canjeex) oo kamid ah xildhibaanada Baarlamanka Puntland.

Wasiir Soo cadde oo la Hadlay BBCda Laanteeda afka soomaliga ayaa sheegay in in shirq ool loo dhigay xidlhibaanka isagoo gurigiisa jooga ayna ka dambeeyeen kuwo ay isku deegaan yihi in oo Soomaaliland u shaqeeya waa siduu hadalka uu dhigee wasiirka warfaafinta Maamulka Puntland.

Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soocadde oo ka hadlay dag aalka ayaa tilmaamay In uusan jirin qasaaro sidaas u weyn oo so gaaray ciidmada Puntland marka laga reebo afduubka loo geysto xildhibaanka wuxuu Maamulka Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu ku eedeeyay in uu dib usoo celinaayo dagaal mar kale ka dhaca deegaa nada Gobolka Sanaag.

Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland, Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa waxaa uu xaqiijiyay in dagaalkii ay shalay Puntland kula galeen deegaanka Boodda Cad oo 40km u jirta Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag, ay ku qabteen Xildhibaan Baarlamaanka Puntland ka tirsan.

IBRAAHIM ISAAQ:14QOF OO ISUGU JIRA ODAYAAL IYO DAD SHACAB AHAA AYAA KU DHIMATAY DAGAAL DHEXMARAY AMISOM IYO ALSHABAAB

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowlada Soomaliya, Amisom iyo AlShabaab oo ka dhacay Deegaanka Awdiinle oo hoos yimaada Magaalada Baydhaba ee Gobalka Baay ayaa la xaqiijiyay In dagaalkaas ay ku dhinteen 14 Qof oo isugu jira Odayaal Dhaqameed iyo dad shacab ah, kuwaas oo shalay lagu aasay isla deegaanka.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda deegaanka Awdiinle oo hoos yimaada Magalada Baydhaba ee Gobalka Baay oo ay wehli yaan Wasiirka Hubkadhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka ee Koofurgalbeed Xasan Xuseen, Iyo Malaaq Malaboow oo ah Ugaaska Deegaanka, ayaa shalay waxa ay kormeer ku tageen deeg aanka uu dagaalka ka dhacay waxayna u kuur galeen qasaaraha soo gaaray shacabka.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow Ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA u sheegay in ay dhinteen 14 Qof oo isugu jira Odayaal Dhaqameed iyo dad shacab ah, kadib markii Ciidamada Amisom, Ciidamada dowlada soomaliya iyo Ciidamo ka Tirsan Alshabaab ay ku daga alameen deegaanka."in aan dadka deegaanka iyo AMISOM soo xog wareysano ayaan shalayy u baxnay, Meesha Waxaa ka dhacay xaafad ay kulan Duco ah ku lahaayeen dadka deegaanka ayaa Ciidamada looga soo sheegay in ay joogaan koox ka tirsan Alshabaab, markii ay ciidamada tageen ayay kasoo waayeen waxii loo sheegay, dadka ayaa ka baqay in ay sheegaan maleeshiyaadka ku dhex dhuumanayay deegaanka, mid kamid ah ciidamada alshabaab ayaa billaabay Xabad, wux uuna dilay mid kamid ah ciidamadii AMISOM ee goobta ku sugnaa, halkaas ayaa dagaal ka billaaw day waxa ay sababtay dhimashada 14 ruux oo ay kamid yihiin Odayaal dhaqameed ku sugnaa go obta” ayuu yiri Ibraahin Yarow.

KUMANAAN TAHRIIBAYAASHA AFRIKAANKA OO AY KU JIRAAN SOOMAALI DOONAYSAY INAY GAARAAN EUROPE OO KU LE’DA LAMA DEGAANKA LIBYA.

Hay’ad lagu magacaabo 4ml oo wada shaqeyn la leh Golaha Qaxootiga Denmark (The Dan ish Refugee Council) inay Tahriibayaal badan oo Afrikaan ah ku geriyoodaan Saxaraha Libya, halka Kumanaan kalena ay ku haftaan Badweynta Mediterranean Sea.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Tahriibayaasha iyo Qaaxootiga ka yimaada Geeska Afrika ee soo gaara dalka Libya ay in badan oo ka mid ah ku geeriyoodaan inta ay soo dhex jibaaxayaan Lama Degaanka Libya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay inaan la haynin Xog ku aadan tirada Qaxootiga ku geeriyootay dhulka Lama degaanka Libya, balse wareysiyo lala yeeshay in ka badan 1.300 Tahriibayaal labadii sanno ee la soo dhaafay waxay sheegeen kudhawaad 1,245 Qaxooti ku geeriyoodeen Lamadeg aanka Libya.

Warbixinta waxaa lagu sheegay inay inta badan Tahriibayaasha tiradeoda dhan tahay 1,245 qof ay u gereiyoodeen cudduro, macluul, Toogasho iyo Tooreyn.

Waxaa kaloo dadkaasi ka mid ah 44 haween oo inta la kufsaday ay dileen Kooxxo hubeysan oo ka qowleysta Lamadegaanka Libya.

Warbixinta waxay kaloo muujisay inay 2,505 Tahriibayaal sannadkan ku geeriyoodeen Ba dda, iskuday ay ku doonayeen inay ku gaaraan Xeebaha Libya.

Dhinaca kale, Hay’adda Calaamiga ee Muhaajiriinta ee The International Organization for Migration "IOM” ayaa horey u soo saartay Tirokoobka geerida Tahriibayaasha ku le’ata Saxaraha Libya.

Tirokoobka IOM, waxaa lagu ogaaday in sannadkii hore ay Saxaraha Libya ku geeriyoodeen ama lagu la’ yahay 104 Tahriibayaal.

HOGGAAMIYAHA SHIICADA IRAQ OO UGU BAAQAY TAAGEERAYAASHIISA INAY LA DAGAALAMAAN CIIDDANKA MARAYKANKA.

Sheekh Mukhtada Alsadar ayaa sheegay in Ciiddanka Maraykanka ay bar tilmaameed ka dhiganayaan Kooxdiisa, inkastoo faahfaahino kale bixinin.

Hoggaamiyahaasi oo leh Maleeshiyo lagu magacaabo Ciiddanka Mahdi waxay sannadkii 2003-dii dagaal la galeen Milliterigii Maraykanka ee Faragelinta ku sameeyey Iraq.

Hadalkiisa ayaa yimid, iyadoo boqolaal Ciiddamo Maraykan ah loo soo daad gureeyey Iraq, si ay ula dagaalamaan Kooxda Daacish.

NIN SOMALI OO KU BIIRI LAHAA DAACISH OO LAGU XIRAY MARAYKANKA.

Sarkaal ka tirsan Hay’adda Dembibaarista Boliska Maraykanka ee FBI oo lagu magacaabo Richard Gaylord waxa uu ku markhaati ku furay dacwad loo haysto Nin Somali ah oo lagu magaca abo Yuusuf Wehliye, kaasi oo lagu eedeynayo inuu haystay qori iyo inuu qorsheynayey inuu ku biiro Kooxda Daacish.

Yuusuf Wehliye oo 25jir ah ayaa la sheegay in lagu hayey ilaalo Sirdoonka Federalka ilaa bi shii December ee sannadkii hore.

Sida lagu xusay Dukumenti loo gudbiyey Maxkamadda Federalka ee magaalladda Alexan dria ee Gobalka Virginia waxa Yuusuf Wehliye la soo qabtay isbuucii hore, isagoo doonayey inuu u dhoofo magaalladda Minneapolis.

Sarkaal ka tirtsan FBIda ayaa Maxkamadda u sheegay inaysan ogayn halka uu u socday Yuusuf Daahir oo deggan magaalladda Fairfax, iyadoo Ninkaasi iyo Walaalkiisa 6 ISBUUC ka hor lagu xiray dalka Masar, inkastoo aan lagu oogin Falal Argagixiso.

Richard Gerlad waxa kale oo uu tilmamaay inuu Yuusuf Wehliye u sheegay ininuu jeclaan la haa Jihaad iyo inuu u hambalyedeyey falka Dilwareedka ee ay Kooxda Daacish geystaan.

Sida lagu qoray Wargeyska The Washington Post waxay Dacwadoogayaasha sheegeen in ay suurtogal tahay inuu Yuusuf Wehliye ku lug leeyahay Fal Argagixiso.

Kaaliyaha Xeer Ilaaliyaha Maraykanka, Brandon L.Van Grack ayaa ka hor sheegay Maaxka madda inuu Eedeysanaha kala sheekeystay Nin ka tirsan Hay’adda Ammaanka arrimaha Jihaadka iyo Daacish.

Waxa uu intaasi ku daray in Eedeysanaha sheegay qorshe uu ku fekerayey oo ahaa inuu Dibedda u dhoofo ama uu weeraro Ciiddanka Maraykanka ee joogta gudaha Maraykanka.

Qareenka u doodaysay Yuusuf Wehliye oo lagu magacaabo Cadence Mertz waxay iyada Maxkamadda ka hor sheegtay inuusan Eedeysanaha ahayn Nin Khatar ah, waxayna ku baaqday in la sii daayo.

Waxay kaloo sheegtay inuu Eedeysanahaa horey dhibaato kala kulmay shaqo la’aanta, loo na baahan yahay in laga daaweeyo xanuunka dhinaca Dhimirka.

Garsoore Ivan D. Davis waxa uu meesha ka saaray in Eedeysanaha la sii hayo damiin la’ aan, wuxuuma xusay inuu khatar ku noqday xaalladiisa aan la aqoonin ee Caafimaadka Dhimi rkiisa.

QALIIN MADAXWEYNAHA GALMUDUG LOOGA SAMEEYEY WADNAHA OO LAGU GUULEYSTAY.

Madaxweynaha Dowladgobaleedka Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed oo maalmahan ku jiray Isbitaal ku yaalla Caasimadda dalka Hinddiya ee New Delhi, ayaa lagu soo waramay in lagu guuleystay Qaliin looga sameeyey Wadnaha.

Madaxweynaha Galmudug ayaa isbuucii hore Socdaal Caafimaad ku tegay caasimadda dal ka Hindiya, kadib, markii uu ku soo booday xanuun dhinaca Wadnaha.

Qaar ka mid ah Eheladda Madaxweyne C/kariim Xuseen Guuleed ayaa u sheegay Radio Dalsan inuu caafimaad qabo, isla markaana ay soo hagaagayso Xaaladiisa Caafimaad.

Madaxweynaha Dowladgobaleedka Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed Guuleed ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo dib ugu soo laabto dalka hooyo, si uu u gudagalo Waajibaadkiisa Shaqo ee Hoggaaminta Dowladgobaleedka Galmudug ee Bartamaha Somalia

Si kastaba ha ahaatee, Xanuunadda ku dhaca Wadnaha iyo Qaliinkooda ayaa ah cuddur Normal ah, waxaana jira Dhakhaatiir Caalami ah oo Takhasus u leh Daaweynta iyo Qaliinka Cudd uradda ku dhaca xubinta Wadnaha ee Aadanaha, kuwaasi oo inta badan fuliya Qaliinadaasi.

Xigasho :radiodalsan.com

MADAXWEYNE SISI: MASAR WAXAY TAAGEERAYSAA XASILOONIDA IYO MIDNIMADA SOOMAALIYA

Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah El Sisi ayaa ku dhawaaqay in dowladdda Masar ay ka go’an tahay ka qeyb qaadashada soo celinta xasiloonida iyo midnimada Soomaaliya, sida la ga soo xigtay afhayeenka madaxtooyada Masar Calaa Yuusuf.

Hadalka madaxweyne Sisi ayaa yimid kadib markii uu magaalada Kigali ee dalka Rwanda uu kula kulmay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Ma xamuud xilli ay ka qeybgalayeen shir madaxeedka midowga Afrika oo Kigali ka socda.

Sidoo, kale madaxweynaha dalka Masar C/fitaax Al Sisi ayaa dhigiisa Soomaaliya u xaqii jiyay in ay sii wadayaan taageerada dhinac kasta leh oo lagu horumarinaayo Soomaaliya sida uu markale sheegay Calaa Yuusf.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda Masar ku bogaadiyay taageerada iyo garab istaaga Soomaaliya, caawimaada fars amo oo Masar ay siiso Soomaaliya.

TURKIGA OO SHALAY MAXKAMAD SOO TAAGEY SARAAKIIL CUL CULUS

Taliyihii hore Ciidamada Cirka Turkiga, General Akın Öztürk iyo Taliyihii Saldhiga ugu wayn ee ay ka hawlgalaan Ciidamada Cirka Turkiga (Incirlik) ninka lagu magacaabo General Bekir Ercan Van, ayaa waxaa shalay la horkeenay Maxkamadda Magaalada Ankara.

24 kale oo Janaraalo ahaa, ayaa sidoo kale ka soo muuqday Maxkamadda, waxaana si dhow loola xiriirinayaa afgambigii fashilmay ee habeenkii Jimcay gilgilay dalkaasi.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Turkiga, ayaa waxaa uu Saraakiishaasi uu ku soo oogay dacwad la xiriirta in si buuxdo ugu lug lahaayeen afgambigii dhicisoobay, ee qorshuhu ahaa in lagu burburiyo dowladda uu garwadeenka ka yahay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Xeer Ilaalinta Turkiga, ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuuli doonto, sidii ciqaab adag loogu qaadi lahaa Saraakiishaasi, laakiin waxaa la leeyahay ciqaabtaasi ka qayb maaha xukunka dilka.

Dhanka kale rasaas, ayaa laga maqlay agagaaraha Xarunta Maxkamadda Ankara, intii ay ka socotay dhageysiga eedeymaha loo haysto Saraakiishan. Ciidamada ammaanka ayaa toogtay nin la sheegay in uu rasaastaasi furay.

Turkiga, ayaa dad kumanaan gaaraaya u xir xiray afgambiga la fashiliyay, kuwaa oo u badan Saraakiil iyo ciidamaba. Waxaa kaloo jira ganacsato afgambiga lala xiriirinaayo oo xabsiga la dhigay.

Laamaha ammaanka, ayaa weli baadigoob xoog lihi ugu jira xubno kale oo lala xiriirinaayo afgambigan. Waxaa la soo sheegayaa in Saraakiil iyo ciidamaba ay bilaabeen in ay ka baxsadaan gacanta sharciga, waxaana la aaminsan yahay in ay ku dhuumaaleysanayaan magaalooyinka dalkaasi.

PUNTLAND OO GAROWE KU TOOGATAY NIN ITOOBIYAAN AH

Waxaa magaalada Garowe xukun dil toogasho ah qisaas ah lagu fuliyay nin kasoo jeeday qowmiyada Tigreega ee dalka Ethiopia, kaasoo dhawaan nin shacab ah ku dilay magaalada Gar owe ee xarunta Puntland.

Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa ninkaan horey ugu riday xukun dil ugu riday ah kadib markii uu si bareer ah Toorey ugu dilay Faysal Xuseen Jaaamac Banaf oo ahaa nin ganacsade ah, oo ay daris ahaayee kan wax dilay.

Dilka ninkaan ganacsada ahaa waxa uu ka dambeeyay markii uu u adkeysan waayay Nin kaan Itooniyaan ah oo habeen kasta dili jiray Xaaskiisa, ayuu booliska ku dacweeyay oo la xiray. Maalmo kadib markii lasoo daayay ninkaan, ayuu xilli habeen meel gurigiisa ku dhow ku dilay Fay sal Xuseen Jaaamac Banaf, isagoo si naxariis darro ah ugu dilay Toreey.

Maalintii sabtida ahayd ee ayay maxkamadu ninkaan wareejisay ehelada marxuumka dhin tay, waxayna ku fuliyeen dil qisaas ah sida uu ii xaqiijiyay kamid ah ehelada marxuumka.

Xukunka dilka ah ee ninkaan lagu fuliyay ayaa soo afjaraya warar maalmihii ugu dambeeyay la isla dhexmarayay oo ku saabsanaa in ninkaan ay dowladda Ethiopia dalbatay inaanan la toogan.

MAXAA KA SOO BAXAY KULANKA IGAD IYO WAXGARADKA HIIRAAN ?

Waxaa shalay soo gaba gaboobay kulan saacado badan qaatay oo ay magaalada Beledwe yne ku yeesheen Ergeyga urur goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Afey iyo Waxgaradka Hiiraan oo uu hogaaminayay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Warar Hoose ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wadda hadleen suurtagalnimada in la sii amba qaado wada hadalada ku saabsan qorshaha dhismaha maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Gaar ahaan safarka Danjiraha ee shalay ayaa imaanaya wax ka yar todobaad kulan ku soo dhamaaday natiijo la’aan oo magaalada Beledweyne ku dhaxmaray duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan iyo wafdi isugu jiray IGAD iyo Itoobiya.

Khilaafka dhismaha maamulka labada gobol oo soo jiitamayay ku dhawaad toddoba bilood, ayaa hadda u muuqda mid ay si toos ah ula wareegtay IGAD, kaddib markii ay dowladda federaalka ku guuldareysatay ku qancinta duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan ajandaheeda siyaasadeed ee ku aadan habka loo marayo dhismaha maamulka labada gobol, Dhowaan ayay aheyd markii War saxaafadeed ka soo baxay IGAD ay dowladda federaalka ugu baaqeen in la dar dar galiyo dhismaha maamulka labada gobol.

MADAXDA MIDOWGA AFRIKA OO KU FASHILMAY INAY DOORTAAN GUDDOOMIYAHA CUSUB EE URURKA AU.

Hoggaamiyayaasha Dowladaha Afrika ee uu Kulankooda 27aad uga socdo caasimadda dalka Ruwanda ee Kigali ayaa ku guuldaraystay inay doortaan Guddoomiyaha cusub ee Ururka Midowga Afrika "African Union”.

Sarkaal ka tirsan AU oo la hadlay Wakaalladda Wararka AFP ayaa sheegay in ay Hoggaami yayaasha isku afgaran waayeen Shaqsiga cusub ee xilka kala wareegi doona Guddoomiyaha xilligan ee Golaha AU, Nkosazana Diamini Zuma oo uu ka dhamaaday xilligii ay haysay Xilkaasi.

"Qiiq madow ayaa waxa uu ka imaanayaa Shirka 27aad ee Madaxda Afrika, mana jiro qof ku guuleystay Xilkaasi. Guddiga doorashadda waxay doorashadda Guddoomiyaha cusub dib u dhig een tan iyo Shirkooda soo socda” sidaa waxaa yiri Afhayeenka Guddoomiyaha Xilligan ee Ururka AU, Dlamini Xuma.

Afhayeenka oo lagu magacaabo Jacob Enoh Eben ayaa hadalkaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka.

3 Musharax oo u kala dhalatay dalalka Uganda, Botoswana iyo Ekwatooriyaal Gini ayaa u taagan Xilkaasi, inkastoo uusan midkooda ma helin tirada Codbixiyayaasha loo baahnaa Aqlabiya dda ee ahaa Saddex Duleel oo labo.

54 Hoggaamiye ee ka kala socda Dowladaha Afrika ee codka dhiibanayey, waxaa Wareegii ugu dambeeyey aan coddkooda dhiibanin 28 Hoggaamiye oo ka mid ah 54ka Madaxweyne ee sida qarsoodiga codadkooda u dhiibtay.

Waxay taasi keentay in la joojiyo Codbixinta Guddoomiyaha Cusub ee Ururka Midowga Afrika, waxayna Madaxdu isku raaceen in xilliga loo kordhiyo Guddoomiyaha Xilligan ee Ururkaasi, Nkosazana DlaminiZuma oo u dhalatay dalka Koonfurta Afrika.

FAALLO HAL GALIIN KA XUMAADAY WEY GODOL XUMEYSA

Micnaha ciwaanka qormadeeyda waa maahmaah soomaliyeed oo micna weyna xambaarsan.

sababta waxey tahay soomaalida dhaqankeeda waxa lagu yaqiin khilaaf kastaa how dhexe yee hadii ay isu timaad duqowda iyo waxgaradkaba haddii ay kulmaan wada hadalka xaajada ink astaa ha gaartee wanaag bay ku dhamaan jirtay iyadoo lees marxabbeynaya ayaana lagu kala tegi jiray geedka wada hadalka.

haatanse micne kale ayaa yimid cidna aysan garan karin inta wadata mooye,waxa taa ka wa daa Hiiraan maxay Jowhar ku diidday ?

waa laba gobal oo odwadaga xigto iyo walaala ah sinaba aanan ku kala tegin karin.

duqoowda labada Gobol kuwa isfahmi waayay maahee yaa soo sadaxeeyay shisheeye iyo sokeeyaba ?

haddii adan garaneyn aynu wada doonna jawabta.

Caaqil horaa laga hayaa Hasha maankeeyga gadaye Ma misaarbey liqday.

waxa saa u leeyahay Hiiran maxay Jowhar ku diidday ?

waa su’aal u baahan in loo helo jwb aanse u deyno cida naga muddan jwbtaa bixinteeda.

haddaana ahayn ma duqowdi howshaani qabashadeedu ka dhexeysa leeysku arag diiday ileen Hiiran Jowhar madiiddee.

shacab warkii daa waxa saa u leeyahay micna dowlad Gobaleed iyo federal micnahiisaba, kuwa yaqana maha badidooda aan dhoho.

waxeeyse aad u garanayaan riwaayada socotee atooraheeduna maqanyahay haguhuna ka wado howsha daaha gadaashiisa .

magaceedu wuxu yahay cid nadiidaa yey jirin.

gacan bidixeentu waa maxay mid qarsoona maahee.

fasirkeeda ka bilow qoraalkii lagu qeexay qeybsiga ku saleysan qabaa’ilka.

shaxdaan soo baxsatee laga helaay shisheeyaha wey u jeeda weyn tahy wanaag iyo xum aan.

Sir ma qabe raxmaanka u sahana sheekadan socotane micna dheer uma baahno .

Ciddi aansa ogeen si ay wax u ogaato ha dhegeysato go’anadii ka soo baxay duqoowda reer Hiiraan.

Raaci kulankii dhex maray Igaad iyo Odayada reer Hiiraan.

ku darso Jowhar iyo aragtideda malamleen dabadeed aragtidada ku biiri adigoo ka tegeen ciwaanka qormadeyda ee ah Halgeliin ka xumaday wey Godol xumeysa.

hadaanay taasi ahayn dib u fiiri sooyaalka sheekada .

Burburki dabadii Tariikhda sii raac hadey taasi adkatana ama aad heli weeydo mida xigtaa iska qaado.

haddi aad laqi weydo hadalkada ha joogo allow ur u bixi iyo sidey khayaasta ku siiso.

gunta hadalka qormadeyda u jeedkeeda aan galo

uma qaadan qalinkaan dulmi in aan ku sameeyo ama aan la beegsado shaqsi ama shaqsi yaad.

U jeedadiisuna waxay tahay dadkeyga iyo dalkeygaba dhibku in uu ka haroo turjubanada nadayaan.

intay wax ka dhexeysana aragtidooda looga haro , loona madax baneeyo wada xaajoodka dhexdooda.

in lees fahama xalka weeye wada hadalbaase u asal ah.

hadey intaasi ahayn ergadeynu ha ahaato ethopiya inteediyo Igaad iyo intii kale.

leeys baray markaanoo wax harey ayaan jirin , macalimiinta wax noodhigtaa casharkooda lawada baray .

waxayse su,aashu tahay mida haatan joogtee hiiraan ee ka qeyliday micniheedu miyaa. inaaney duqowdi wadahadlin oo leysu diiday micna dhaxaana uu jiro diidmaduna u sababa

hadaane taasi ahayn hiiraanta hadashay ma mid kalaa oo go’aan iskeeda qaadatay taa anigu ma aqaan

waxaase iiga haboon oo jawaabteeda la,weydiin inta gaartay go,aanka

kuli hadaaney ahayn aan soo xiro hadalkayga qofwalbaana ha ogaado run wixii lagu waayo beenu keenimeyso qofkastaa ha ahaadee duqow ama cuqaal waxgarad iyo siyaasiba taariikhdu waa mid qormeyso tagto iyo timaadaba

rurtuna waxay tahayHALGALIIN KA XUMAADAY WEY GODOL XUMEYSAA.

FALLADA WAXAA QALINKA U QAATAY CUMAR SHAAM Xigasho :radiodalsan.com

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip