Afrika oo yeelatay Hal Baasaboor ka dhaxeeya (Sawirro)

0
Monday July 18, 2016 - 11:52:34 in Wararka by
  • Visits: 431
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afrika oo yeelatay Hal Baasaboor ka dhaxeeya (Sawirro)

    Afrika ayaa yeelatay baasaboor cusub oo ka dhaxeeya Qaaradda oo dhan, kaasoo qorshuhu yahay in la siiyo dadka ka soo jeeda qaarada, kadib marka uu si rasmi ah u dhaqan galo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afrika ayaa yeelatay baasaboor cusub oo ka dhaxeeya Qaaradda oo dhan, kaasoo qorshuhu yahay in la siiyo dadka ka soo jeeda qaarada, kadib marka uu si rasmi ah u dhaqan galo.

Shir madaxeedka 27aad ee Midowga Afrika oo shalay ka furmay magaalada Kigali ayaa lagu soo bandhigay baasaboorka cusub ee Afrika yeelaneyso.

Madaxweynaha Rwanda Paul Kigame oo marti gelinaya shirka iyo Madaxweynaha Chad Idiris Debi oo haya shir-guddoonka ayaa noqday Madaxweynayaashii u horeeyay ee qaata baasaboorka.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Dlamini Zuma ayaa sheegay in baasaboorkan uu ujeedadiisa tahay sidii isdhex galka qaarada lagu xoojin lahaa.

Baasaboorka ayaa qorshuhu yahay in dhamaan 54 Madaxweyne ee shirka ka qeyb galaya loo qeybiyo, waana ay meel marin doonaan.

Shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa waxaa diirada lagu saarayaa colaada ka soo cusboonaatay Koofurta Sudan, waxaana Madaxda Midowga Afrika lagu wadaa inay isku raacaan ciidamo loo diro dalkaas, si ay u bad baadiyaan dadka rayidka ah.

Waxaa kaloo la qaban doonaa qofkii bedeli lahaa Guddoomiyaasha Guddiyada Midowga Afrika, waxaana u taagan dhowr musharaxiin..

Midowga Afrika ayaa horay ugu guuldareystay dhaqan gelinta qorshayaal kala duwan sida in Qaarada yeelato hal lacag, ganacsi isu furan iyo siyaasad mideysan, inkastoo rajo laga muujinayo dhaqan gelinta baasaboorka cusub ee Qaaradda oo dhan ay yeelaneyso.

Baasaboor-Afrikcabaasabor africabaasabor afrikcabaasaboor




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip