Shir Madaxeedka 27-aad ee Midowga Afrika oo ka furmay magaalada Kigali

0
Monday July 18, 2016 - 11:21:54 in Wararka by
  • Visits: 495
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir Madaxeedka 27-aad ee Midowga Afrika oo ka furmay magaalada Kigali

    Kigali, 17 July 2016 (Villa Somalia)---Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley furitaanka Shir Madaxeedkii 27-aad ee Midowga Afrika oo sannadkan ka dhacaya magaalada Kigali ee dalka Jamhuuriyad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kigali, 17 July 2016 (Villa Somalia)---Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley furitaanka Shir Madaxeedkii 27-aad ee Midowga Afrika oo sannadkan ka dhacaya magaalada Kigali ee dalka Jamhuuriyadda Rwanda.

Shir Madaxeedkan oo socon doona muddo laba maalmood ah, ayaa waxaa ajendayaasha ugu muhiimsan ka mid ah isla meel dhigista miisaaniyadda Midowga Afrika oo la doonayo in qaaradda isaga filnaato, doorashada hoggaanka cusub ee Guddiga Sare ee Midowga Afrika, xasaradda ka aloosan Koonfuurta Suudaan iyo arrimo kale.

Waxaa sidoo kale shirkan lagu soo bandhigay laguna daah-furay baasaboorka cusub ee qaaradda Afrika ka dhexeyn doona, oo la filayo inuu fududeyn doono isku socodka dadyowga ku dhaqan qaaradda.

Waxaa hal-ku-dhegga sannadkan ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika uu yahay Dhowrista Xuquuqda aadanaha qaaradda, iyo weliba Xuquuqda Haweenka.

Furitaanka rasmiga ee shirkan ka hor, waxaa madaxda ay yeesheen shir albaabada ay u xiran yihiin oo lagu lafa guray umuuro badan oo la xiriira horumarka qaaradda Afrika.

Shir Madaxeedka sannadkan waxaa barbar socday shir ay isugu yimaadeen madaxda Urur Goboleedka IGAD, oo ka dooday colaadda Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan, waxaana laga soo saaray baaq lagu dalbanayo xabbad joojin waarta, in Qaramada Midoobay ay kordhiso, isla markaana xoojiso awoodda ciidanka nabad ilaalinta ee dalkaasi jooga iyo in hannaanka siyaasadda uu noqdo kan lagu xallinayo mashaakilaadka dalkaasi ka taagan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxweyneyaasha dalalka Jamhuuriyadda Suudaan, Cumar al Bashiir, Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, General Cabdulcasiis Al Sisi, Jamhuuriyadda Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Jamhuuriyadda Kenya, Uhuru M. Kenyatta.

Kulamadaasi ayaa waxaa looga hadley xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya


dalalkaasi.

27754765273 f64256aac6 z 1

President Hassan Sheikh Mohamud at AU 27th Summit in Kigali, 17 July 2016

31160-img 9076 0
28266924502 49017db2ff z
28370494155 998d6554c5 z
27754040404 efe44b54a4 z
28266983482 2e14604aba z
----DHAMMAAD---
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so
Kigali, Rwanda
Tel: +254 722 160 335
 
1px


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip