Turkiga oo shaaca ka qaaday in lix kun oo qof loo xiray afgambiga fashilmay

0
Sunday July 17, 2016 - 20:17:10 in Wararka by
  • Visits: 418
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga oo shaaca ka qaaday in lix kun oo qof loo xiray afgambiga fashilmay

    Dowladda Turkiga, ayaa waxay weli wadaa jawaabta adag ee ay ka bixinayso afgambigii fashilmay ee hal habeen ka hor ka dhacay dalkaasi. Wasiirka Garsoorka Turkiga, Bekir Bozdag, ayaa waxaa uu ku dhawaaqay in lix kun oo qof loo soo qab qabtay afgambig

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Turkiga, ayaa waxay weli wadaa jawaabta adag ee ay ka bixinayso afgambigii fashilmay ee hal habeen ka hor ka dhacay dalkaasi. Wasiirka Garsoorka Turkiga, Bekir Bozdag, ayaa waxaa uu ku dhawaaqay in lix kun oo qof loo soo qab qabtay afgambiga dhicisoobay, isla-markaana ay wajihi doonaan cadaaladda.

Wasiirka, ayaa iclaamiyay in hawlgalka nadiifin ah uu dalka ka socdo, ayna dhici karto in tirada la qab qabanaayo ay ka badato tirada iminka laga warqabo.

"Hawlgal nadiifin ah ayaa socda. Waxaa dhici karta in tirada la qab qabanaayo ay sii kororto.” Ayuu yiri Wasiirka Garsoorka Turkiga oo la hadlay Warbaahinta.

Saraakiisha Militariga Turkiga ka tirsan ee falkaan loo soo qab qabtay waxay ku jiraan gacanta sharciga, sida uu ka dhawaajiyay Wasiirka Garsoorka Turkiga.

Dhanka kale hawlgal gaar ah oo maanta ka dhacay Gobolka Denizli, ayaa waxaa lagu soo xiray 50 askari oo taliye sare uu ku jiro. Hawlgalka waxaa laga sameeyay xero ay deganaayeen ciidamadu.

Afgambiga fashilmay ee ka dhacay dalka Turkiga, ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 260 qof, kuwaa oo rayid u badan, waxayna ku dhinteen rasaastii ay Ciidanka Militarigu adeegsanayeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip