Wasiiradii Galmudug ee shilka ku dhimatay oo lagu aasay Magaalada Gaalkacyo (SAWIRRO)

0
Sunday July 17, 2016 - 20:15:23 in Wararka by
  • Visits: 599
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiradii Galmudug ee shilka ku dhimatay oo lagu aasay Magaalada Gaalkacyo (SAWIRRO)

    Allaha u naxariistee waxaa maanta Magaalada Gaalkacyo lagu aasay laba ka mid ah Golaha Wasiirada ee Maamulka Galmudug, oo xalay ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay Deegaanka Saddex Higlo ee Gobolka Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaha u naxariistee waxaa maanta Magaalada Gaalkacyo lagu aasay laba ka mid ah Golaha Wasiirada ee Maamulka Galmudug, oo xalay ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay Deegaanka Saddex Higlo ee Gobolka Mudug.

Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Maaliyadda, Axmed C/laahi Diiriye iyo Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Hawlaha Guud, Aweys Cali Saciid, ayaa aas ballaaran loogu sameeyay Magaalada Gaalkacyo.

Masuuliyiin uu horkacaayay Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug, Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) oo maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo, ayaa kaga qaybgalay aaska loogu sameeyay Labada Wasiiru Dowle.

Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug, ayaa qoysaska, ehelada iyo dadka reer Galmudug kaga tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid labada Wasiir.

Wasiiradan, ayaa waxaa shilkaan kula dhintay laba qof oo kale, kuwaa oo kala ah Nabadoon C/laahi Yuusuf Guuleed (Digsi) iyo mid ka mid ah ilaaladii la socotay Wasiirada.

Gudoomiyaha Deegaanka Saddex Higlo, Maxamed Jaamac Faarax, ayaa waxaa uu sheegay in shilka gaari ay ku dhinteen xubnahan uu yimid, markii uu is iskiis ah uu u qalibmay.

GaalkacyoGaalkacyo1Gaalkacyo2Gaalkacyo3Gaalkacyo4Gaalkacyo5Gaalkacyo6Gaalkacyo7Gaalkacyo8




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip