Laamaha ammaanka oo laba nin ku soo bandhigay Magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

0
Sunday July 17, 2016 - 20:13:18 in Wararka by
  • Visits: 456
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laamaha ammaanka oo laba nin ku soo bandhigay Magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

    Hay'adda Nabad Suggida Gobolka Banaadir, ayaa waxay maanta Magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay laba nin oo lagu sheegay inay burcad yihiin, kuwaa oo lagu eedeeyay inay guryaha dadka u dhici jireen, xilliyada habeenkii ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Nabad Suggida Gobolka Banaadir, ayaa waxay maanta Magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay laba nin oo lagu sheegay inay burcad yihiin, kuwaa oo lagu eedeeyay inay guryaha dadka u dhici jireen, xilliyada habeenkii ah.

Labada nin ee la soo bandhigay, ayaa waxaa lagu soo qabtay hawlgal laga sameeyay xaafadda 1-da Luulyo ee Degmada Yaaqshiid. Waxaana jiray mid saddexaad oo baxsaday, intii uu hawlgalku ka soconaayay xaafadaasi.

Korneyl Maxamed Xasan Faarax, Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida Gobolka Banaadir, ayaa raggaasi ku eedeeyay in magaca Hay’adda Nabad Suggida ay dadka ku dhici jireen.

Cabdi Mahad Axmed (Sangaab), Gudoomiyaha Waaxda Luulyo ee Degmada Yaaqshiid, ayaa dhinaciisa sheegay in ragga la qabtay ay iska soo abaabuli jireen dhisme ku yaala xaafadaasi.

Waxaa uu cadeeyay in dembiilayaasha ay falalka dhaca u adeegsadeen qoryo, bistoolado, mindiyo iyo wixii lamid ah, waxaase uu mahdiyay in qaarkood gacanta lagu soo dhigay.

C/fitaax Cumar Xalane, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa uu xubnaha la qabtay uu ku eedeeyay inay yihiin kuwo xumeynaya magaca dhalinta soo koreysa.

Xalane waxaa uu bulshada deegaanka uu kaga mahadceliyay doorkooda ku aadan tallaabada lagu soo qabtay labada nin, oo hadda sida uu sheegay u xiran sharciga, lana horkeeni doono cadaaladda, si loogu qaado waxa ay ka qabto falalkii ay ku hawlanaayeen.

Goobta lagu soo bandhigay labada nin, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay agabyo fara-badan oo la sheegay inay ka dhaceen dadka rayidka ah, iyadoo wax ay u kala dhaafayaan aanay jirin. Sida teleefanada gacanta, computero, kaamirooyin, lacag, baasabooro, ID-yada aqoonsiga, shahaadooyin iyo wax kasta oo ay dadku haystaan.

QabashoQabasho1Qabasho2Qabasho3Qabasho4Qabasho5Qabasho6Qabasho7Qabasho8Qabasho9Qabasho91Qabasho92Qabasho93




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip