WARBIXIN: Casharadii Laga Bartay Weerarkii Ceel Cadde

0
Thursday July 14, 2016 - 14:39:19 in Wararka by
  • Visits: 468
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Casharadii Laga Bartay Weerarkii Ceel Cadde

    Warbixin shalay ay soo saartay heyad cilmi-baaris oo kutaal Mareykanka isla markaana lagu qoray waxyaabihii ku xusnaa wargeysyada caalamka ayaa sheegeysa in ciidamada AMISOM gaar ahaan KDF uu khasaare xooggan ka soo gaaray weerarkii Ceel Cadde ee hor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin shalay ay soo saartay heyad cilmi-baaris oo kutaal Mareykanka isla markaana lagu qoray waxyaabihii ku xusnaa wargeysyada caalamka ayaa sheegeysa in ciidamada AMISOM gaar ahaan KDF uu khasaare xooggan ka soo gaaray weerarkii Ceel Cadde ee horraantii sanadkaan.

"Sababtu waxay ahayd qaab dhismeedka hawlgalka iyo habraacyada oo ka xumaa Ceel Cadde.” Warbixinta ayaa sidaa xustay.

Waxay warbixintu miisaantay go'aanka AMISOM ee ahaa in halkaa laga hawl galiyay ciidamo tiro yar marka si loo fiirsho oo KDF ah —kuwaasoo dabcan ka yaraa 200 oo askari — halkaas oo ah meel xarakada Al-Shabaabku ay ku labo raadleyso waa sida warbixintu xuseysoe.

Sidoo kale waxay warbixintaasi xustay in dhanka difaaca aan aad loogu qaabeyn xeradaa KDF.



Xeradaa oo le'ekeyd hal km ballaarka iyo hal km dheerarka qiyaas ahaan ayaa wax la difaaci karo ka fogeyd ayay tiri warbixintu.

Waxay ku dartay intaa in dhanka injineeriyadii ay ciidamadaasi isku difaaci lahaayeen ay meesha ka maqnayd.

Dhibaatooyin dhanka isgaarsiinta ah ayaa la sheegay in sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen tirada dhimashada ee sareysa ee aan weli la qeexin intii ay gaarsiisnayd.

Warbixintu waxay sheegtay in weerarkaa markii uu dhacayay oo ahayd-15kii Janaayo 2016, ciidamada AMISOM aysan heysan diyaaradaha qummaatiga u kaca kuwaasoo laga yaabay inay wax ka cabiyaan.

Taa waxaa uga sii dartay xarakada Shabaab oo anteeno isgaarsiin oo halkaa kutaalay durba burburisay.

Casharadii laga bartay darteed waxaa la sheegay in weerar ceynkaa oo kale ah oo bishii hore Alshabaab ku soo qaaday xerada Halgan ee ciidamada Itoobiya Alshabaab looga adkaaday. Waxay intaa ku dartay warbixintu in sababtu ahayd diyaarado hawada ka caawinaayay ciidamadaa Itoobiya.

Sidoo kale ayaa warbixintu sheegtay in bulshada rayidka ah iyo ciidamada KDF uusan xiriir fiican ka dhexeyn oo aysan kasban inay usoo sheegaan wixii dhaqdhaqaaq ah oo Shabaab halkaa ka waddo ayadoo raacisay weliba in marar badan diyaaradaha Kenya ee dagaalku dad rayid ah gobolka Gedo ay ku dileen.

Warbixn uu soo saaray dhawaan xog-hayaha guud ee QM ayaa xustay in kadib markii uu dhacay weerarkii Ceel Cadde diyaaradaha dagaalku ay nawaaxiga xeradaa ku dileen 29 qof oo rayid ah. Kenya waa ay iska fogeysay sheegashadaa.

Ciidamada Kenya ee KDF ayaa galay gudaha Soomaaliya sanadkii 2011 si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip