Ciidamada NISA oo kordhiyay howlgalada ay ka wadaan Muqdisho

0
Thursday July 14, 2016 - 12:38:49 in Wararka by
  • Visits: 506
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada NISA oo kordhiyay howlgalada ay ka wadaan Muqdisho

    Ciidamada nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa kordhiyay howlgalada ay ka wadaan magaalada Muqdisho, iyagoona xaafado ka tirsan magaalada ka bilaabay baaritaanada gaadiidka yaryar iyo goobaha ay ku tuhusan yihiin inay gabbaad ka dhiganayaan xubnaha la s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa kordhiyay howlgalada ay ka wadaan magaalada Muqdisho, iyagoona xaafado ka tirsan magaalada ka bilaabay baaritaanada gaadiidka yaryar iyo goobaha ay ku tuhusan yihiin inay gabbaad ka dhiganayaan xubnaha la shaqeeya Al-Shabaab.
Gaari nooca Carib-ta loo yaqaano oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayay ka heleen degaanka Ceelasha ciidamada NISA kaddib howlgallo ay halkaasi ka sameeyeen.

Hubka garabka laga tuuro iyo walxo ku jira fuusto ayaa ka mid ahaa sida ay baahisay wakaaladda wararka SONNA oo sheegtay inay xogtaan ka heshay hay’adda sirdoonka Dowladda Soomaaliya.

Ma aha markii ugu horeysay oo ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigaan gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay iyo hub, inkasta oo Al-Shabaab sheegatay qaraxyo gilgilay Hoteello iyo xarumo dowladdu leedahay.

11111-113639830_845654655569289_1125245768_o13709637_845654678902620_950911434_o13709750_845654828902605_1319383953_o13713362_845654708902617_893188621_n-1




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip