Daacish oo xaqiijisay geerida Wasiirkeedii dagaalka Omar Shishani

0
Thursday July 14, 2016 - 11:42:26 in Wararka by
  • Visits: 531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daacish oo xaqiijisay geerida Wasiirkeedii dagaalka Omar Shishani

    Kooxda Daacish ayaa xaqiijisay geeridii Omar Shishani oo xil sare ka hayay kooxdaas, kaasoo la dilay dhowr bilood ka hor. Wakaalad wararka u faafisa Daacish oo lagu magacaabo Amaq ayaa sheegtay in Shishani uu ahaa halyay, laguna dilay dagaalo ka d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Daacish ayaa xaqiijisay geeridii Omar Shishani oo xil sare ka hayay kooxdaas, kaasoo la dilay dhowr bilood ka hor. Wakaalad wararka u faafisa Daacish oo lagu magacaabo Amaq ayaa sheegtay in Shishani uu ahaa halyay, laguna dilay dagaalo ka dhacay waqooyiga Ciraaq.

Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in Omar Shishani uu ahaa nin ku xeel dheer abaabulka dagaalka, isla markaana ahaa Wasiirka dagaalka.

Ninkan ayaa ka soo jeeda Gobolka Checheniya ee Ruushka, waxaana uu horay uga soo qeyb qaatay dagaalo adag oo lala galay Ciidamada Ruushka.

Omar Shishani ayaa waxaa madaxiisa dul saarnaa shan milyan oo dollar, iyadoo Mareykanka uu aad u doon doonayay.

Bishii Maarso saraakiil milateri oo Maraykan ah ayaa sheegay in lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha dalkaasi ka geysteen dalka Suuriya.

Kooxda ISIS ama Daacish ayaa bilihii u dambeeyay weysay dhowr saraakiil, kuwaasoo lagu dilay duqeymo iyo dagaalo ka dhacay Suuriya iyo Ciraaq.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip