WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 14-KA LUULYO 2016-KA

0
Thursday July 14, 2016 - 09:15:00 in Wararka by
  • Visits: 593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 14-KA LUULYO 2016-KA

    QODOBADA KA SOO BAXAY SHIRKA KISMAAYO EE SIYAASADDA AMNIGA QARAN… WarSaxaafadeed:Kulankii Dawladda F. Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedka Jubbaland, ee Wadata shiga Siyaasada Amniga Qaran Qodobada Gundhiga u ah shirku waxay ahaayeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

QODOBADA KA SOO BAXAY SHIRKA KISMAAYO EE SIYAASADDA AMNIGA QARAN… WarSaxaafadeed:Kulankii Dawladda F. Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedka Jubbaland, ee Wadata shiga Siyaasada Amniga Qaran Qodobada Gundhiga u ah shirku waxay ahaayeen

Kadib markii la dhagaystay, qudbadii Ra’isalwasaare ku xigeenka ee guudmarka Siyaasada Amniga Qar anka (NSP), ee lagu ansixiyay, Kulankii Madasha Hoggamiyayaasha Qaranka Soomaliyeed, Mogadishu, Bishii June 2016.

Marka la dhagaystay, dardaarankii Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland, Muddane Ahmad Mohamed Islam, ee uu ku muujiyay, muhimada ay Siyaasada Amniga Qaranku (NSP) u leedahay dalka iyo dad ka Soomaliyeed;

Markii loo kuurgalay, qaabka wadashaqaynta iyo taakulaynta ciidanka Amaanka xeebaha badaha Soomaliyeed ee Heer Federaal iyo Heer Goboleed, iyo laysla afgarto, wasaarada masuulka ka haan lahayd, Hoggaminta Amniga Xeebaha Badaha Soomaliyeed iyo hawlgalinteeda.

Waxaa kale oo la falanqeeyay, muhimada iyo masuuliyada dhinacyada, Cabirka Xeebaha badaha Soo maliyeed ee heer gobol iyo heer Federaal iyo waliba Magaca loogu yeedhi lahaa Amniga Xeebaha, sida, Boolis ka Xeebaha (Maritime police) ama Ilaalinta Xeebaha (Coast Guard).

Waxaa kale oo laga wada xaajooday, habkii loo dhaqan galin lahaa, qaabdhismeedka cusub ee Ciidan ka Booliska Soomaliyeed ee lagu ansixiyay, shirkii madasha hoggamiyayaasha qaranka Soomaliyeed, Baydha bo, bishii June 24kii, 2016.

Iyada oo la tixgalinayo, qaabdhismeedka Ciidanka Qaranka ee Xogga dalka Soomaliyeed, inkasta oo laysku raacay, inuu yahay heer Federaal, waxaa muhiim ah inay jirto qaabka wadashaqaynta dawladaha xubnaha ka ah dawlada federaalka.

Waxaa guddigii farsamada ee loo xilsaaray, isku raaceen:

Qaabka wadashaqaynta iyo taakulaynta ciidanka Amaanka xeebaha badaha Soomaliyeed ee Heer Fe deraal iyo Heer Goboleed,ayaa laysla afgartay in Hoggaminta Amniga Xeebaha Badaha Soomaliyeed iyo haw lgalinteeda wasaarada masuulka ka ah.

Waxaa kale oo laysla afgartay, muhimada Cabirka Xeebaha badaha Soomaliyeed ee heer gobol iyo he er Federaal iyo waliba Magaca koogu yeedhi lahaa Amniga Xeebaha, oo ah Booliska illalinta Xeebaha badaha Soomaliyeed (Maritime police) .

Magacaabista Xubnaha joogtada ah (Focal point), ee dawlad goboleedka jubbaland uga qayb galaya, kulamada Amniga qaranka iyo Amniga xeebaha badaha Soomaliyeed (Mscc).

Waxaa guddiga farsamada ee dawlad goboleedku soo jeediyeen 7da qodob oo xoojinaya Siyaasada Amniga qaranka (NSP).

XILDHIBAAN GOODAX BARRE OO SHEEGAY INAY GARAB TAAGAN YIHIIN GO’AANKA ODAYAASHA REER HIIRAAN

Ka dib markii daraad uu fashil ku dhamaaday Shirkii u dhaxeeyay Xubnaha ka socday Urur Goboledka IGAD ee gaaray Magaalada Baledweyne iyo Odayaasha Dhaqanka reer Hiiraan, ayaa Xildhibaan Goodax Ba rre wuxuu sheegay inay taageersan yihiin go’aanka Odayaasha.

Odayaasha Reer Hiiraan ayaa diiday ka qaybgalka Shirka Magaalada Jowhar, waxaana wafdiga IGAD ay hor dhigeen Shuruudo adag oo ay sheegeen, hadii la fuliyo inay Shirkaasi ka qaybgalayaan.

Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay taageersan yihiin go’aanka Odayaasha Islamarkaana ay garab taagan yihiin.

Wuxuu sheegay Odayaasha Dhaqanka inay ka dhiidhiyeen Dulmi sida uu sheegay laga wado Magaal ada Muqdisho, Gobolka Hiiraana uu wax la qaybsanaayo waxa ka socda dalka.

"Waxa ka socda dalka ayuu wax la qaybsanayaa Gobolka Hiiraan, Odayaashana waan la garab taagan nahay go’aankooda.” Ayuu yiri Xildhibaan Goodax Barre.

Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay muddo Shan maalmood ah inay kulamo wadata shi ah la qaadan doonaan Dadka shacabka ah ee ku nool Magaalada Baledweyne, kadibna go’aankooda oo cad uu soo bixi doono.

Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, ayaa hakad ku jira, kadib markii Odayaasha reer Hiiraan diidmadooda Shirkaasi saameyn weyn ay ku yeelatay.

HILLARY CLINTON OO TILSHALAYY SHAKHSIGA AY MADAXWEYNE KU XIGEEN KA DHIGANAYSO

Hillary Clinton oo Xisbiga Dimoqaraadiga u sharaxay jagada Madaxweynaha Mareykankanka, ayaa she egtay in hadii ay ku guulaysato Tartanka Doorashada Madaxtinimada dalkaasi, ay Madaxweyne ku xigeenke eda u sharaxayso Taliyahii hore ee Ciidamada NATO, Admiral James G. Stavridis.

Ilo waraadyo laga soo xigtay mid ka mid ah la Tliyeyaasheeda, ayaa sheegay suurta galnimada in isla bishan gudheeda Ciliton ay ku dhawaaqdo Musharaxnimada xilkaasi Admiral James G. Stavridis

Warku wuxuu intaa ku daray in Admiral James G. Stavridis oo 61 jir ah, uu xilka Taliyenimada Ciidama da NATO uu qabty intii u dhaxeysay sanadihii 20092013,xiligaasi oo Hillary Clinton ay aheyd, Xoghyaha arrima ha Dibadda Mareykanka.

SUXUFIYIIN KA HOWLGALA MAGAALADA KISMAAYO OO XASBIGA LA DHIGAY

Ciidamada Amaanka Maamulka Jubbaland ayaa xasbiga dhigay Saxafiyiin ka howlgala Magaalada Kis maayo oo Wakiil Waredyo u ah Taleefishino iyo Idaacado Caalami ah.

Wariyaayasha la xiray ayaa waxa ay kala yihiin wariyaasha : Khadar Maxamuud Xareed oo ahaa wakiil ka VOA ee goballada Jubbooyinka iyo Gedo, Aadan Maxamed Salaad oo ka tirsan SNTV, Cabdiqaadir Jiijiile oo ka tirsan Telefishanka Somali Cable iyo Maxamed Qaasim Waxar oo Kismaayo uga soo warramaya Idaac adda STAR FM ee Kenya

Warar kala duwan ayaa kasoo baxay wariyaasha ay ciidamada amaanka MaamulkaJubbaland ay xasbi ga dhigeen iskastoo wali aysan ka Hadlin Maamulka Jubbaland.

MUNAASABAD UU XILKA KU WAREEJINAYO DAVID CAMERON OO KA SOCOTA LONDON..

Ra’iisal wasaaraha Britain David Cameron ayaa munaasabad kooban oo ka dhacday aqalka 10 downing Street ayaa waxa uu halkaa ka jeediyay qudbadii ugu dambeysay ee mudada uu xilka ka hayay dalkiisa.

David Cameron ayaa sheegay in xilka uu hayay ay ahayd tii ugu sharafta badneyd ee weligii soo mar tay. Iyadoo ay goobjoog ahaayeen xaaskiisa iyo carruurtiisa ayuu Cameron ku tilmaamay xilka uu hayay mid aan sahlanayn.

David Cameron ayaa u baqoolay hadal gaaban ka dib aqalka boqortoyada Buckingham Palace halkaa oo uu si rasmi ah ugu gudbinayo is casilaadiisa, waxayna boqorada Ingiriiska si rasmi ah ugu magacaabi doon taa Theresa May.

Ra’iisal Wasaare Cameron ayaa shaqada ka tagaya ka dib markii ay Britain ay u codaysay inay ka bax do Midowga Yurub. David Cameron ayaa sii wadi doona shaqadiisa xildhibaanimo ee baarlamaanka Britain. Theresa May oo badalaysa ayaa balanqaaday inay hirgaliso go’aanka Britain ka bixida Midowga Yurub.

DOWLADDA MASAR OO BEENISAY EEDEEYN UGA TIMID HAY’ADDA AMNESTY INTERNATIONAL

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Masar, Magdy Abdul Ghaffaa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay gabi ahaanba eedaymaha loo jeediyay ee ku aaddan ku xadgudubka xuquuqda Aadanaha.

Wasiirka ayaa tilmaamay in laamaha amniga ee dalkiisu ay ku shaqeeyaan sharciga u degsan dalkooda balse ayan jirin ku xad gudub ay kula kaceen shacabka reer Masar.

Hadalka wasiirka ayaa imanaya markii hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty Internatio nal ay shaacisay in laamaha ammaanka Masar ay mas’uul ka yihiin dil,Afdub, xarig iyo jir dil joogto ah oo san nadkii tagey 2015kii ka dhacay dalkaasi.

Tacaddiyadan ayay hay’addu ku sheegtay inay qayb ka yihiin dedaallo ay dowladda Masar ku cabburina yso mucaaridka, dadka la waayeyna ay ku jiraan carruur, arday, siyaasiyiin iyo muwaaddiniin reer Masar ah oo isku dayey inay muddahaaradyo sameeyaan.

Amnesty International ayaa dowladda Masar ku eedeysay kumanaan qof oo ay Ciidamada ammaanku kala baxeen guryahooda iyo goobaha ay ku sugan yihiin,kuwaasoo qaarkood la waayay halka ay ku sugan yihiin.

Dowladda Masar ee uu hoggaamiyo C/Fitaax Alsiisii oo talada dalka kala wareegay madaxweynihii sida sharciga loo soo doortay ee Maxamed Mursi sanadkii 2013,ayaa waxay awood ciidan ku maquunisay mucaarid ka iyo ururka Iqwaanu Muslimiin oo ay ka mabnuucday dalkaasi.

MAXKAMADDA ICC OO DACWAD KA GUDBISAY UGANDA IYO JABUUTI

Maxkamada dambiyada caalamiga ee ICC ayaa dacwad ka dhan ah Uganda iyo Jabuuti u gudbisay Gol aha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, kadib markii ay ku eedeysay inay dalalkaas ku fashilmeen inay soo xiraan Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan AlBashiir.

Warbixin ku saabsan dacwada labadaas dal ayaa daraad oo Talaado aheyd loo gudbiyay Golaha Amma anka oo fadhigiisu yahay magaalada New York.

Maxkamadda ICC ayaa ku eedeysay dowladaha Uganda iyo Jabuuti inay fulin waayeen amarada Maxkamadda, ayna u hogaansami waayeen heshiiskii ay saxiixeen, kana gaabiyeen fulinta go’aanada Maxka madda ee dhigayay in la soo xiro Madaxweyne Cumar Xasan AlBashiir.

Sidoo kale Maxkamadda Caalamiga ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka inay tallaabo sharciga waafa qsan ka qaadaan dalalka Uganda iyo Jabuuti.

Madaxweynaha Sudan Cumar xasan AlBashiir ayaa horay u booqday dalalka Uganda iyo Jabuuti, iya doo booqashadii u dambeeyay uu ku tagay dalka Jabuuti, markii la caleema saarayay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa laga yaabaa inuu cunaqabateyn ku soo rogo dalalka Uganda iyo Jabuuti, waxaana suura gal ah in la saaro xayiraado dhinaca dhaqaalaha ama shaqsiyaad ka tirsan labada dowladood in laga xanibo socdaalka iyo hantidooda.

Maxkamadda ICC ayaa lix sano ka hor soo saartay ruqsad lagu soo xirayo Madaxweyne AlBashiir, ka dib markii ay ku eedeysay inuu galay dambiyo dagaal iyo xasuuq ka dhan ah dadka Darfur dega.

Illaa 124 dal ayaa xubin ka ah Maxkamadda Caalamiga ee ICC, waxaana dhamaan dalalkaas ay saxiixe en inay fulinayaan amarada Maxkamadda oo la aas aasay sanadkii 2002.

Sanadkii hore ayay aheyd markii Madaxweyne AlBashiir oo ka qeyb galayay shir madaxeedkii Midowga Afrika ee lagu qabtay dalka Koofur Afrika Maxkamad ku taal dalkaas ay ku amartay in uusan dalka ka bixi karin, maadaama dacwad ay ka taalo Maxkamadda ICC, iyadoo Madaxweynaha Sudan uu iska dhega tiray amarka Maxkamadda Koofur Afrika, dibna ugu laabtay dalkiisa.

CIIDAMADA NISA OO GACANTA KU DHIGAY GAARI LAGA SOO BUUXIYAY WAXYAABAHA QARXA..

Ciidamada Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa Gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha iyo hub sarnaa deegaanka Ceelashada Biyaha ee Duleedka magaalada Muqdisho.

Qabashada Hubka iyo Gaariga Ayaa ka dambeysay kadib markii ay Ciidamada NISA howlgal ka sameeyeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Sarkaal ka tirsan hay’adda NISA ayaa SONNA u sheegay in tallaabadan ay gacan ku sii yeen dadweynaha Soomaaliyeed ee ku sugan Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muq disho.

GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO GAARAY KOOFUR AFRICA..

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,Mudane Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa booqasho ku tegey Dalka K/Afrika ,waxaana Garoonka diyaaradaha magaalada Johannseburg kusoo dhaweeyay Madaxda Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Dalkaasi iyo qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida.

Guddoomiye Jawaari ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay booqashadiisu tahay mid iska caadi balse inta uu joogo K/Afrika la kulmi doono Madaxda Dowladda K/Afrika iyo Jaaliyadda.

"Waa mahad Illahay inaan shalay socdaal gaaban kusoo garno,waxaan filayaa muddada gaaban ee aan joogno inaan Shirar la yeelan doonno Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo madaxda South Africa”ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.

K/Afrika oo ay Soomaali badan ku dhaqanyihiin,waxaa horay u soo gaaray qaar ka mid ah Madaxda Dowladda Soomaaliya oo kulamo kala duwan la yeeshay qaar ka mid ah Madaxda K/Afrika iyo Jaaliyadda.

JEN. GAAFOW OO SI RASMI LOOGU MAGACAABAYO XILKA TALIYAHA NABADSUGIDA

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in Jen. C/llaahi Gaafow oo si KMG ah u haayo xil ka Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka si rasmi ah xilkaas loogu magacaabi doono maalmaha soo socdo.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay go’aansadeen in Jen. Gaafow loo daayo xilkan, si rasmi ah loogu magacaabo.

Jen. Gaafow ayaa isku hayay xilka Taliyaha Laanta Socdaalka iyo kan Nabadsugida oo bishii hore si KMG loogu magacaabay markii xilka laga qaaday Taliyihii hore Jen. Tuur Yare.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la kala qaadi doono labada xil oo uu hada isku haayo, gaar ahaan xilka Laanta Socdaalka oo lagu wado in qof kale loo magacaabo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowaan magacaabay xilka Taliye kuxigeenka 1aad ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka, kaasoo loo magacaabay Ismaaciil Cusmaan, sidoo kale waxaa xilkaas la wehliya dhinaca Tiknoolijiyada iyo la dagaalanka Argagixisada.

Afartii sano ee Madaxweynaha xilka hayay ayaa waxaa Taliska Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya soo maray illaa shan Taliye.

Hadii Jen. Gaafow si rasmi ah loogu magacaabo xilka Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka waxaa laga yaabaa inay meesha ka baxdo damacyo siyaasadeed oo kale oo uu ku tala jiray.

BAARLAMAANKA OO KU BAAQAY IN LOO GURMADO SHACABKA KU DHIBAATEYSAN K.SUDAN

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Dalxa ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in loo gurmado Shacabka Soomaaliyeed ee saameynta ay ku yeesheen dagaalada ka soconaya dalka Koofurta Sudan.

Mudane Dalxa ayaa ku tartarsiiyay dowladda Soomaaliya in ay soo badbaadiso shacabka ku nool dalka Koofurta Sudan ee Soomaaliyeed iyadoo la kashaneysa dowladaha dariska la’ah dalkaas sida Sudan iyo weliba Etjiopia sida uu hadalka u dhigay.

" xilligaan ma jiro wax wada shaqeyn ah ee ka dhexeeyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda So omaaliya iyo Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka taas oo ugu wacan in wax loo qaban waayo Soo maalida ku dhibaateysan Caalamka” ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.

Soomaali badan ku dhibaateysan Caalamka dacalladiisa mana jirto kaalin muuqata oo dowladda Soom aaliya ay ka ciyaarto wax u qabashada Muwaadiniinteedaasi.

MAXAA SABABAY SHAQO JOOJINTA ZIMBABWE?..

Shacabka dalka Zimbabwe ayaa loogu baaqay in ay ku dhaqaaqaan labo maalmood oo shaqo joojin qar an ah, iyadoo arrintaa looga ashtakoonayo dowladda oo sida la sheegay dalka u maamuleysa si aan wagaan sanayn.

Baaqan oo shacabka loogu soo bandhigay baraha bulshadu ku xiriirto ayaa ku soo beegmaya kaddib markii usbuucii la soo dhaafay shaqo joojin guud ay ka dhaqan gashay dalkaasi, arrintaasi oo sababtay in ay ge bi ahaanba xirmaan iskuulada, ganacsiga iyo dukaammada dalkaasi.

Shaqo joojintaasi ayaa ahayd tii ugu ballaarnayd tan iyo sanadkii 2005.

Dalka Zimbabwe ayaa waxa uu wajahayaa lacag la’aan ba’an, waxaana bishii la soo dhaafay xilli dambe mushaarkooda la siiyay dhammaan shaqaalihii dowladda.

Ciidamada milatariga iyo booliska ayaa musharaaadkooda la siiyay kaddib labo usbuuc oo uu dib u dhac ku yimid, haseyeeshee macalimiinta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaad ayaa ka mid noqday shaqaalaha lacagahooda la siiyay usbuucii la soo dhaafay xilli dalka ay ka jirtay shaqo joojin ba’an.

Dhibaatada ugu weyn ayaa ah in mushaaraadka shaqaalaha ay khasab noqotay in lagu bixiyo lacago qalaad maadaama Zimbabwe ay qubtay lacagteedi sanadkii 2009kii si ay u xakameyso sicirbararka.

Dowladda wadaagga ah ee uu qaybta ka yahay mucaaradka oo xilka hayay laga soo billaabo sanadkii 2009 Ilaa 2013 ayaa ku guuleysatay in ay wax ka qabato dhaqaalaha dalkaasi ee sii burburaya.

Haseyeeshee dhibaatada ayaa dib u billaabatay kaddib markii xisbiga madaxweyne Mugabe ee ZanuPF uu mar kale xukunka dalkaasi la wareegay sanadkii 2013, xilligaasi oo uu ballan qaaday in uu abuurayo shaqo oyin hor leh.

Inta badan dadka dalkaasi ma awoodaan in ay helaan nolal maalmeedkooda, waxaana xaaladda sii xu meeyay abaar ba’an oo dalkaasi soo wajahday muddo tobaneeyo sano ah.

WASIIR ODOWAA OO MARKII UGU HOREYSAY MAGACAABAY GOLE DEGAAN (AKHRISO WAREEGTADA)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee cimrigeeda dhammaaday ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaq day Gole degaan, kaddib markii Wasiirka Warfaafinta uu soo saaray wareegto ku socota Duqa magaalada Mu qdisho iyo Madaxweynaha.

Wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ahaa isagoo cuksanaya dastuurka KMG ah waxa uu magacaabay Gole degaan Gole degaan oo ka kooban 11xubnood, isagoona ku wargeliyay duqa magaalada Muqdisho inuu la shaqeeyo guddigaasi.

Dhinaca kale magacaabista Golaha degaanka oo ku beegmay xilli dalka uu ku jiro xaalad kala guur ah ayaan la ogeyn waxa uu guddigaan cusub ku soo kordhinayo maamulka gobolka Banaadir oo mushkiladda ugu weyn ee ka taagan ay tahay arrimaha dhulka, iyadoo dadweynaha ay ka cabanayaan duminta guryahooda ku yaala goobaha ay dowladdu leedahay.

MAGACYADDA GUDIGA

1.Md:Maxamed Gacal Muuddey

2.Md:Yaxye Cumar Xirsi

3.Md:Cumar Maxamed Caalim

4.Md:Muxuddiin Khaliif Cabdi

5.Md: Maxamed Cabdi Nuur

6.Md: Muqtaar Sh. Cumar Yaxye

7.Md:Mahad Axmed Yalaxoow

8.Md:Maxamed Macallin Dhicisoow

9.Md:C/qaadir C/raxmaan ibraahin

10. Marwo: Sahra Maxamuud Amiin

11. Marwo: Canab Axmed Cilmi

SHIICADA CAALAMKA OO WASHAMSI ISKU QAADA ..

Culimada baara taariikhda ayaa qaba in shiicada ay soo ifbaxday kadib markii N.C.S.W uu geeriyooday oo ay qeeb kamid ah asxabta ay ku shireen xaafada reer Banii saacid si loodoorto khaliifkii badalilahaa N.C.S.W oo markaas ayaa asxabtii badankood ay doorteen Abiibakar siddiiq ,markaas kadib ayaa waxaa soo ifbaxay qolo qabta in imaamnimada loo daayo Cali bini abiidaalib oo dib ula baxday shiica.

Halka qaarkamid ah culimada baara taariikhda ay qabaan inay soo baxday shiicada xilligii Cusmaan bin cafaan oo qas uu ku yimid nidaamkii guud ee muslimiinta oo uu bilaawday kacdoon looga soo horjedo cusman bini cafaan foodadaas ayaa sii socotay illaa laga dilo amiirkii muslimiinta ee xilligaas cusmaan bini cafaan taas oo sababtay in ay qeebsamaan msulimiintii oo ay soo baxeen qolo ladhaho shiicadii cusmaan ama tageeraya alkii cusmaan.

Dhaqan ahaan markii la eego waxbadan ayay ka duwan yihiin dhaqanka Islaamka, waxaana caado u ah in dhiig badan la daadiyo xiliyada munaasabadaha, iyadoo caado dhaqameedkaasi ay sharci uga dhigeen waxa ay ka aaminsan yihiin diinta.

Xiliyada Munaasabadaha ayay saaxiib u noqdaan in mid waliba oo kasoo qeybgala munaasabada uu dhiig daadiyaa amaba uu is calaamadeeya, taasi oo dareen gaar ah ku reebtay Muslimiinta adeecsan diinta sub an.

AL-SHABAAB OO WEERAR KU QAADAY DEGAANKA GOOFGADUUD IYO MILATARIGA SOOMAALIYA OO KA HADLAY

Wararka ka imaanaya Degaanka Goofgaduud ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Alshabaab ay Wee rar Qorsheysan ku qaadeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Koofur Galbeed ee ku sugan Degaan kaasi Goofgaduud.

Dagaal mudo qaatay ayaa dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Alshabaab.

Gaashaanle Sare Cismaan Khaliif oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan SONNA ayaa u sheegay in Ciidama da ay iska difaaceen Weerarkii Shabaab ay soo qaadeen islamarkaana ay Shabaab ka dileen 15 dagaalame, Marka laga soo tago sheegashada Milatariga Soomaaliya ee ah in ay dileen 15 Alshabaab ah ayaan waxaan jirin Illo Madax banaan oo Xaqiijin kara Khasaaraha kala gaaray Labada Dhinac.

FAALLO: CUMAR SHAAM: MOOGE IYO MA HUBSADE MURANKOODA 

MUUQ BEEL

Hadal kastaa sidiisaba, waa tiraab, macnuuse ku yimaadaa, waxaan taa ka wadaa Soomaalidda Maanta jog taa, 90% ama 95 % waa dad ku garaadsaday, burburkii Soonaaliya oo maanta laga joogo sanado badan.

Sababtuna, waxaaa ay tahay 1990, intii 15-jiradda aheed, shalay waa 41-jirro, micna buuxdana aan ka hayesan maraxaladihii loosoo maray bur burkii Soomaaliya ka hor. Wixii dhaliyay bur burkaa, iyo burburk ka dib intaba.

Isbeddeladdii yimid, wixii uu arkaana waxaa uu ku micneeyaa hadba sidii ay la ahaato, ileen maba hayo marjicii uu ku ogaado sababaha dhabta ee asalka u ah, waxaa uu arkayo iyo halka ay kasoo jeedo biloowgeeda iyo aas aaskeeda.

Sidaa daraadeed inbadan waxaa ka maqan, wixii dareen gelin lahaa, tusi lahaana dulmiga, una diidi lah aa, qiyaanada dalka lagu hayo iyo waxa dalkiisana ragaadiyay.

Inta xaaladaan fasirkeeda dhabta ah muujin laheed, dadkana wax u sheegi laheed, Seddex ayeey u qeybsameen.

1) Qeyb dalkii ka carartay dibadahana ka doorbiday, markii ay xamili waayeen, moowjadaha xanuunka badan ee dalka oo dhan hareyay.

2) Qeyb ku le’atay dagaaladda, gaajadda iyo bur burkii waqtigoodana uu dhamaaday, wax dhaxal ah oo la tixraacana aan ka tagin.

3) Qeyb yaab iyo argagax iyo cabsi ay hadalkiiba u diideen, dhabna u fahansan xaaladahii lasoo maray iyo kuwa hadda socda taariiqdana wax ban kala socda.

Waxaa intaa wehliysa, marjicii loo noqon lahaa ee lagu ogaan lahaa taariiqda dhabta ah ee lasoo mar ay, madxafkii qaranka ee laga doonan lahaa. Muuqaal, maqal iyo qoraalaba gabi ahaanba waa la baabi’yay. Waana aasaaska sababha dhabta ah ee jiilka haatan joogaa ay u ogaan la’yihiin halka loo socdiyo waxii lasoo maray.

Sidoo kale manhajkii Soomaaliya oo dhan ee af, dhulba, iyo taariiqaha idilkooda koobayay, xafiiskii u gaarka ahaa, iyo buuggaagtii kuligood midna shalay kama harin oo waa la cirirbtiray. xaruumihiina manata ree raa deganoo, waa la ciribtiray, waxaan intaa kawadaa, inaan wax uu bidhaamiyo inta aan guda galin bartilmaa meedka ujeedad a qormadeydda.

Haddaba waxaa iga Su’aal ah, dal astaamihii jiritaankiisu 10% aan ka oolin, halkii ay mareena cidi aan eey sheegeyn, yaa u haya jawaab oo laga doonayaa shalay. Aan idinkaga hara oo jawaabta soo hela. ?

Si kale hadaan u dhigo, dal waxaa u astaan ah laguna gartaa taariiqa iyo dhaqanka dadkiisu ay leeyih iin.

Haddii aysa baaba’aan xaalkiisa Allah ayaa yaqaana. Inta haray dhameystira. ?

Mid kale aan idin sawiro, dal jiro ayaana nehee, maxaa inna baday isticmaalka lacago aaney laheyn, micnaha aaway lacgtii soomaaliya, madax iyo maamul cid ka hadasho ma heysaa, sababta loo waayayna noo cadeysa. Taana bal soo hela jawaabteeda. ?

Mida kale Manhajyadda laga dhigo dalkeena, maxaa midba dalad iyo magac gaar ah u yeelay, calaa shaan dalalkii laga keenay daladduhu ayeey u adeegaan misa waa malaheyga, ileen howl kastaa cid dhaqaaj Isaa in ay hesho waa u muhiim, misna cid ka shaqeeysa dadaal iyo xoogba galiso.

Hadaaneey taasi aheyn, maxaa diidan in la soo unko manhajkii Soomaaliya. Howsho ma afka sheeg baa, gohasho iyo waan soo wadnaa baaa ? Iyo hadalo kaloo mararka qaar laga leexan Karin.

Sidaa daraadeed inta aan bidhaamiyay, intaad heyso ku biiri, ha soo boxo micnuhu e . ?

Intaa ka dib aan abaaro ujeeda Qormadeeyda daba taal.

Howsha haataan socotaa, ha la idoorto miyaa ? mise hala doorto ?

Hadal waxaa uu macaan yahay micnihiisa dhabta ah markeey wada fahmaan, cida loo wado iyo cida keentaba, daahana aanu saarneeyn. Haddiise micnihiisa iyo halki loo waday fahanba aanu u dhexeyn hal bacaad ku lis weye, iyo dhaan dabagaalaan wadnaa.

Waxaan taa kawadaa, Soomaaliya shalay, hadal heynta ugu weyn, waa doorashdda gababgabada sanad kaan la gaalaayo. Wexey isweydiintu tahay shacab weynaha Soomaaliyeed macna intee la’eg ayuu ka heystaa cida wax dooraneysiyo cida la dooranaayo. Iyadoo laga ambaqaadayo taariiqihii la soo maray ee mas kaxda shacabka ka guuxeysa, iyo kalsooni darrada laabtooda hareysay, iyo sidoo kale micna ka saaro kalsooni darrada, kalsoonina ku abuuro aana loo helin oo aan la tusin, howsha socotiyo middii hore lasoo maray farqiqa u dhexeeya, dhabna aaney loo fahansiinin, xaalku soow noqonmaayo cidkastaa maleheediyo qofba si uqaaday. ?

Waxaan taa kawadaa, mididu meel aan xubin aheyn ma goydo. Hadaaney taasi aheyn shisheeye iyo sokeeye, inta howshan horsocotaa shacabku daah kama saarna oo waa inay yaqaanaan iyo in kaloo u sawiran oo midkaa waxuu galo iyo wuxuu gudo aqoon beey u leeyihiin. Miisaanka malahuna waxuu hataaan joogaa, haleey idoorto miyaa, mise waa hala doorto. ?

Hadaaneey intaasi aheyn madaxweyne gobol, ama federal, maamul ama wasiir, dowlad dhexe magec eed, inta haataan horbooda cid ka madax banana oo loo idmay doorashad iyo qaabeynteedaba duqoow-doow ma heysaan. ?

Hadaaneey jirin ama aaney soo bixin mexey tahay waxa la filayo, cid kastaa maleheed aan u daayo jawaabta,?

Ujeeda Qormadeyda cina lidi kuma ahan, waxaanse kawdaa juhdiga iyo dalaalkaa socdaa yaanu marin haba abin, ileen hagar horeey noo daashatay, waana miduu Qarankeenu eersaday halkuu manta kala geyday, Soomaaliduna waxaa ay tiraahdaa xaaja haddaan gunta hoose laga dhayin ma bogsooto waligeed. ?

Caad ma saarna Qormadeyda, Soomaliya shalay baahideedu, waxaa ay tahay in ay hesho hogaan daa cad ah, beenta iyo qiyaanadu ay ka dheer tahay, geesi ahoo, go’aan qaadasho leh, shacabkuna kasban karoo loona simanyahay.

Haddaaneey intaasi aheyn hadalkeena ha joogo, doorashaa lagaalayaa waqtiguna waa gaba gabo. Oday kastoo camaamad qaatay, garkana soo cilaansaday ha ahaado Odeygeena. Culumaa’udiinka kanaa, ka naa shida iyo kanaa mida ah, murankoodu ha joogo.

Hadaaneey intaasi aheyn, Mooge iyo Ma Hubsade Murankooda Muuq Beel.

Waxaa Qoray Faalladdaan Cumar Shaam






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip