Madaxweyne ku xigeenka Koofurta Sudan Riek Machar oo ciidamadiisa kala baxay Jubba

0
Wednesday July 13, 2016 - 19:31:01 in Wararka by
  • Visits: 449
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne ku xigeenka Koofurta Sudan Riek Machar oo ciidamadiisa kala baxay Jubba

    Madaxweyne ku xigeenka wadanka Koofurta Sudan Riek Machar ayaa ciidamadiisa kala baxay magaalada Jubba ee caasimada dalka Koofurta Sudan hase yeeshee afhayeen u hadlay ayaa sheegay in aysan qorsheyneyn in ay dagaal kale galeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku xigeenka wadanka Koofurta Sudan Riek Machar ayaa ciidamadiisa kala baxay magaalada Jubba ee caasimada dalka Koofurta Sudan hase yeeshee afhayeen u hadlay ayaa sheegay in aysan qorsheyneyn in ay dagaal kale galeen.

Maalintii saddexaad ayay gashay xabad joojin loogaga dhowaaqay caasimada Sudan kadib shan maalmood oo ay ciidamada daacada u ah madaxweyne ku xigeena Sudan Riek Machar iyo ciidamada taabacsan Madaxweynes Salva Kiir ay ku dagaalameen wadooyinka magaalada Jubba.

"Waxaan dib uga baxnay aagageena magaalada Juba si aan uga fogaano isku dhacyo kale.”ayuu yiri afhayeenka machar James Gatet Dak oo u waramayay wakaalada Reuters isagoo ku sugan magaalada Nairobi, balse waxa uu diiday afhayeenka inuu sheego halka uu ku sugan yahay Machar balse waxa uu qirey in uu ku sugan yahay caasimada dalka Koofurta Sudan ee Jubba.

Lama oga waxa sababay khilaafkan cusub ee soo dhex galay labada hogaamiye oo dhowaan ka heshiiyay dagaal socday muddo labo sano ah.

Hase ahaatee waxaa jira warar sheegaya in dagaalka uu ka bilowday kadib markii gaadiid ay wateen ciidamada Machar ay isku dayeen inay baaraan ciidamo daacad u ah Madaxweyne Kiir.

"Kuma laabanayo keynta mana diyaarinayo dagaal kale Machar,waxaana aan ku baaqeynaa in ciidamo dhexdhexaad ah la keeno magaalada Juba.”ayuu yiri afhayeenka Machar.

Gatdet Dak ayaa ku eedeeyay ciidamada madaxweyne Kiir inay diyaaradaha helicoptarka ee qoryaha ay saaran yihiin ku weerareen xarunta uu degenaa madaxweyne ku xigeenka Koofur Sudan balse uu ka badbaaday Kiir. Illaa hadda majirto wax war ah oo ka soo baxay dowlada Koofurta Sudan ee ah eedeyntan loo jeediyay.

Kiir iyo Machar ayaa saxiixay heshiis xabad joojin ah bishii August 2015 balse bilooyin ayay ku doodayeen qodobada heshiiska. Machar ayaa dib ugu laabtay caasimada dalkiisa bishii April ee sanadkan waxana dib loogu dhaariyay xilka madaxweyne ku xigeenka dalka Koofurta Sudan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip