Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC oo Dacwad ka gudbisay Dalalka Jabuut iyo Uganda

0
Wednesday July 13, 2016 - 19:15:13 in Wararka by
  • Visits: 509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC oo Dacwad ka gudbisay Dalalka Jabuut iyo Uganda

    Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC ayaa QM u Gudbisay Dacwad ka dhan ah Dowladaha Uganda iyo Jabuuti, iyadoo labadan dal ku eedeysay inay dalalkaas ku fashilmeen inay soo xiraan madaxweynaha Suudaan, Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC ayaa QM u Gudbisay Dacwad ka dhan ah Dowladaha Uganda iyo Jabuuti, iyadoo labadan dal ku eedeysay inay dalalkaas ku fashilmeen inay soo xiraan madaxweynaha Suudaan, Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir.
rasmi ah shalay ugu gudbisay Golaha Amaanka ee QM, iyadoo ku eedeysay Waddamadaan in ay fulin waayeen amarrada Maxkamada ee ahaa inay soo qabtaan Cumar Xasan Al-Bashiir maadaama dalalkii saxiixay heshiiska maxkamadda ICC ay ku dhisan tahay.

Sidoo kale, Maxkamadda ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay ka qaado labadan waddan Tallaabo la xiriirta ku xad-gudubkooda amarada maxkamaddu ay horay ugu gudbisay. Iyadoo Al-bashiir uu laba jeer oo kala duwan safarro ku tagay dalalkaas.

ICC ayaa Dacwadeeda si 

Madaxweynaha Suudaan, Cumar Al-Bashiir ayaa booqday Dalka Jabuuti Xilligii la Caleemo-saarayay Madaxweynaha talada haya, Ismaaciil Cumar Geelle oo Horraantii Sannadkaan loo doortay hoggaanka dalkaas.

Dhanka kale, Golaha Ammaanka ee QM ayaa lagu wadaa ka arrinsan doona dacwadan, inkastoo aan la ogeyn tallaabada uu qaadi doono, balse warar ayaa sheegaya inay suuro-gal tahay in Cunno-qabteynno la saaro labadaan waddan.

Maxkamadda ICC oo qaanuunka ay ku dhisan tahay ay saxiixeen 124-dal oo caalamka ah, ayaa waxay Madaxweyne Al-bashiir lix sano ka hor u jartay waaran lagu soo qabanayo, inkastoo dhawr jeer ay ku guul-dareysatay in loo soo gacan-geliyo.

Ugu dambeyn, Dalka Koonfur Afrika oo ka mid ah dalalka Afrika ayaa sanadkii tagay ku gacan-saray inuu Maxkamada u gacan-geliyo Al-bashiir, xilligaas oo uu waddankaas ku tagay safar uu kaga Qayb-galayay Shirweynihii Guud ee Ururka Midowga Afrika.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip