Wasiir Xaashi: "Waxaan horumarin doonaa waxbarashada dadban ee gabdhaha aan helin waxbarashada caadiga ah"

0
Wednesday July 13, 2016 - 19:13:20 in Wararka by
  • Visits: 459
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Xaashi: "Waxaan horumarin doonaa waxbarashada dadban ee gabdhaha aan helin waxbarashada caadiga ah"

    Wasiirka cusub ee Wasaaradda waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. C/qaadir Cabdi Xaashi ayaa maanta daboolka ka qaaday qorshaha ugu horeeya ee ay wasaaradiisu ku dhaqaaqeyso, kaddib markii uu ka qeyb galay munaasabad waxbarashada dadban da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka cusub ee Wasaaradda waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. C/qaadir Cabdi Xaashi ayaa maanta daboolka ka qaaday qorshaha ugu horeeya ee ay wasaaradiisu ku dhaqaaqeyso, kaddib markii uu ka qeyb galay munaasabad waxbarashada dadban dalka looga hirgelinayo.
Munaasabadaan ayaa lagu soo bandhigay ilaa 400-gabdhood oo ururka Haweenka soo xulay isla markaana la doonayo in barnaamijkaan ay ka faa’iideystaan, waxaana halkaasi khudbad ka jeedisay Guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe.

"Waxaan horumarin doonaa waxbarashada dadban ee gabdhaha aan helin waxbarashada caadiga ah” ayuu yiri Dr. C/qaadir Cabdi Xaashi oo sheegay in howshu tahay mid bilow ah isla markaana ay jiraan gabdho kale.

Dhinaca kale waxa uu sheegay Wasiir Xaashi in barnaamijkan uu la mid yahay ololihii waxbarashada reer miyiga, inkasta oo aanu sheegin in barnaamijkaan ay geynayaan gobolada dalka.

Guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa sheegtay inay soo dhoweynayaan tallaabada Dowladda ku caawineyso gabdhaha aan helin fursadaha waxbarasho ee dalka, iyadoona sheegtay inay ka faa’iideysan doonaan gabdhaha ay u soo xuleen ka faa’iideysiga waxbarashada dadban.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip