Kulanka Finalka ee EURO 2016: Maxaa kala heysta France vs Portugal

0
Sunday July 10, 2016 - 18:43:31 in Sports News by
  • Visits: 700
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulanka Finalka ee EURO 2016: Maxaa kala heysta France vs Portugal

    Ciyaarta kama dambeysta ee Finalka Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2016 ayaa waxaa caawa fooda is dari doona xulalka Portugal iyo France, waxaana si aad ah isha loogu hayaa xiisaha kulanka Final.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaarta kama dambeysta ee Finalka Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2016 ayaa waxaa caawa fooda is dari doona xulalka Portugal iyo France, waxaana si aad ah isha loogu hayaa xiisaha kulanka Final.

Ciyaarta caawa ayaa ka dhici doona Garoonka Stade de France ee magaalada Paris, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Labada xul waa Portugal iyo France ayaa kulamadii Sema Finalka ku soo badiyay min 2-gool iyo waxba, iyadoo labada xidig ee isha lagu haayo Greizmann iyo Ronaldo ay goolashaas u soo dhaliyeen xulalkooda.

Ronaldo iyo Griezmann oo u ciyaarayay kooxaha isku magaalada ah ee Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa sanadkan isaga hor-yimid Final-kii Koobkii Kooxaha Yurub ee Champions League, iyadoo Ronaldo kooxdiisa u qaaday koobka Champions League.

France ayaa dooneysa inay markoodii saddexaad ee Koobka EURO inay ku qaadaan dalkooda, si la mid ah sanadkii 1998-dii xilligaasoo Koobkii Adduunka ee lagu marti geliyay dalkooda ay ku guuleysteen.

Xulka Portugal oo ay ugu dambeysay Finalka 2004, xilligaasoo lagu marti gelinayay dalkooda waxaa koobka ka qaaday xulka Greece, balse waxay doonayaan 12 sano ka hor taariikhdii ku qabsatay Lisbon inay ku ilaawaan Paris.

France waxaa koobkan ugu dambeysay 16-sano ka hor sanadkii 2000, xilligaasoo ciyaartii Finalka 2-1 uga badiyeen xulka Talyaaniga.

Xidigaha France ee horboodaya sanadkan waxaa ka mid ah wiilka dahabiga Antonio Greizmann oo 6-gool ku hogaaminaya Tartanka gool dhalinta, waxaana uu doonayaa inuu dhigo taariikh la mid ah midkii Zidane uu dhigay.

Sidoo kale xulka Portugal waxaa horboodaya xidigooda Cristiano Ronaldo oo doonaya inuu xulkiisa u qaado Koob, iskana meydho ceebta ka heysata koob la’aanta dalkiisa.

Cristiano Ronaldo ayaa sanadkii 2004-tii ka mid ahaa ciyaartoydii Portugal ee ku guuldareystay inay qaadaan Koobka EURO, xilligaasoo uu ahaa 19-jir, waxaana la xusuustaa sida uu u ilmeeyay.

Tababaraha FranceDidier Deschamps ayaa u sheegay xidigiisa hogaaminaya gooldhalinta Tartankan Griezmann inuu dadka dib u xusuusiyo dhacdadii 2004-tii ee uu Ronaldo looga oysiiyay.

"Waxaa doonayo ayaa ah  in Antoine Griezmann uu ka caawiyo France hanashada tartanka qaramada Yurub, sidoo kale Portugal ooo wadata Cristiano iyana waxay ka fakarayaan sidaas”ayuu yiri Macalin Didier Deschamps.

Labada Tababare ayaa doonaya inay caawa ku soo galaan qaabab ciyaareed ugu suura gelin kara inay ku hoggaamiyeen dalkooda hanashada Koobka EURO 2016.

By C/casiis Golf


finalfinal1final2final3final4France-Portugal



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip