Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo furay kulanka dib-u-eegista qorshaha howlgelinta nidaamka aqoonsiga Qaran (SNID)

0
Wednesday May 08, 2024 - 11:40:14 in Wararka by
  • Visits: 120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo furay kulanka dib-u-eegista qorshaha howlgelinta nidaamka aqoonsiga Qaran (SNID)

    Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Cali Yuusuf Cali ayaa furay Kulanka wadatashiga Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ee Dib-u-eegista Qorshaha Hawlgelinta Nidaamka Aqoonsiga Qaran (SNID) oo ay soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Cali Yuusuf Cali ayaa furay Kulanka wadatashiga Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ee Dib-u-eegista Qorshaha Hawlgelinta Nidaamka Aqoonsiga Qaran (SNID) oo ay soo qaban qaabisay hay'adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA. Maareeyaha Hay'adda NIRA Mudane Cabdiweli Timacadde oo sharraxay ujeeddada kulanka ayaa sheegay in muhiimadda Shirkaan uu yahay ka tala gelinta maamul goboleedyada Nidaamka Aqoonsiga Qaranka iyo sidii adeeggaan looga howlgelin lahaa guud ahaan dalka. Wakiillada kasocday maamullada ayaa soo bandhigay fikrado wax ku ool ah oo ku saabsan Nidaamka Diiwaan galinta Aqoonsiga Qaranka. Qorshaha Diiwaan galinta Muwaaddiniinta Soomaaliyeed ayaa ah in 2024 lagu diwaan galiyo 5Million oo qof, sidoo kalana Dalka laga hirgaliyo 86xarumood.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip