HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 6-5-2024

0
Monday May 06, 2024 - 09:05:57 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 6-5-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bogaadiyey Danjire Catriona Shaqadii ay u joogtay Soomaaliya

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagoo tin ah kula qaatay Madaxtooyada Qar anka Wakiilka gaarka ah ee xoghaya ha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Lainga oo soo gaba-gabeysay shaqadii diblum aasiyadeed ee ay ku joogtay Sooma aliya .

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Catriona Lainga, doorka ay ka qaadatay iskaashiga Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ee taageerada dowlad dhiska, nabada, amniga iyo arimaha binu aadannimo

Wakiilkii gaarka ahaa ee xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Catriona Lainga oo Madaxweynaha uga mahad-celiysay kulankan ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta ay ku guda jirtay gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Muqdisho oo laga xusay maalinta Umulisooyinka Aduunka

Kusimaha wasiirka ahna wasiiru dowl aha wasaaradda Haweenka iyo Horu marinta Xuquuqda Aadanaha XFS Mawro Maryama Maxamed Xuseen ayaa maanta khaddka telefoonka uga qeyb gashay xuska 5-ta May ee maalinta umulisooyinka aduunka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Maamulka, umulisooyinka iyo ardayda baranaya Umulisinimada ee Isbitaalka tababarada iyo Cilmi Baarista Recep Teyyip Erdoğan ee Muqdisho ayaa soo agaasimay munaasabaddan wayn ee lagu xusayay maalinta Umulisooyinka Aduunka, kaas oo lagu qabtay Isbitaalka Erdogan qeybta tababarada iyo Cilmi Baarista Recep Teyyip Erdoğan.

Maamulka cisbitaalka oo goobjoog ka ahaa munaasabadaan ayaa u rajeeyay guul dhamaan umulisooyinkii si daacadnimo ah usoo gutay waajibaadkan muqadaska ah iyadoo aan loo eegin xiliga iyo caqabadaha jira.

Mawro Maryama Maxamed Xuseen kusimaha wasiirka ahna wasiiru Dowlaha wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ayaa hambalyo ku aadan maalintan u dirtay umulisooyinka Soomaaliya, iyadoo xustay ahmiyada ay bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamkaba ku dhex leeyihiin umulisooyinka.

Guddiga wadajirka ah ee Kenya iyo Soomaaliya oo maalintii 3-aad shir ku leh Nairobi

Maalintii sedexaad ayaa waxaa magaalada Nairobi ka socoda shirka 3-aad ee Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya Joint Commission for Cooperation (JCC) inta u dhexeysa 3-da illaa 6-da May, 2024-ka.

Shirkaan heerka farsamo waxaa wafdiga Soomaaliya ku hogaaminaya Mohamed Fatiir Agaasimaha Afrika Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxaa sidoo kale goobjoog ka ah Ambassador Jabriil Ibraahim Cabdulle, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.

Shirka ayaa noqon doona labo kalfadhi Kulamada qeybta gudiga wadajirka ah ee farsamo ee 3-da ilaa 5-ta May iyo kan Wasiirada Isniinta 6-da May kaas oo uu guddoomin doono Wasiirka arrimaha Dibada Amb Fiqi iyo dhigiisa Dr. Musalia Mudavadi.

Inta lagu guda jiro qaybaha dooduhu waxay diiradda saari doonaan dhinacyada horumarinta iskaashiga ganacsiga, kaabayaasha, amniga, beeraha, dalxiiska, caafimaadka, waxbarashada, iyo dhaqaalaha buluugga ah.

JCC ayaa waxaa xigi doona booqashada Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Bare.

Guddoomiyaha Hey’adda SoDMA oo kulan la qaatay ku simaha safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA, Md. Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta Safaaradda Chine ee Muqdisho waxa uu kula kulmay ku simaha Xilka Safiirka Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya Mr. Chen Wendi.

Kulanka oo ahaa mid wadatashi ah ayaa hay’adda waxa ay safaradda uga mahadcelisay garab istaagoda walalnimo ee ay ka geysteen u diyaar garowga roobka gu’ga iyo sidii loo samata-bixin la ahaa shacabka Soomaaliyeed, in la sii xoojiyo xiriirka labada dhinac, iyadoo dhanka kale China ay ku celisay markale in garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed, gargaaro kuwii hore ka badana ay soo garsiin donaan.

Dowladda Shiinaha ayaa afar magaalo oo kala ah Doolow, Baydhabo, Baladweyn iyo Gaalkacyo waxa ay ka caawisay in dantayar ee ku nool ay garsiiso gargaar deg-deg ah oo ka kooban alaabta maacuunta, bacaha roobabka looga okorto, jingado iyo qalabkii lagu dhisi la ahaa, iyadoo wali degmada Doloowna ka wado biyo xireeno loo sameeynaayo wabiga Jubba ee mara degmadaas, si looga hortago fatahaad uu sameeyo wabiga

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Masuuliyiin ka socotay Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed

Wasiirka MaaliyaddaXukumadda Fe deral ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shalay Xarunta Wa saaradda Maaliyadda shir muhiim ah kula yeeshay masuuliyiinta iyo maa mulka Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray sare u qaadidda dakhliga Dowladda, kobcinta dhaqaalaha iyo wadashaq aynta Dowladda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee canshuur bixiyeyaa sha ah.

Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay dadaal ugu jirtaa sidii loo kobcinlahaa dhaqaalaha loona abuuri lahaa fursado maalgashi oo gudaha iyo dibadaba ah.

Wasiiru Dowlaha Caafimaadka XFS oo daahfurtay Ollolaha Qaliimada iyo daweynta caruurta ku dhalata daloolada wadnaha

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafi maadka XFS HE.Dr. Maryan Maxamed Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daahfuray Ollolaha Qaliimada iyo daweynta caruurta ku dhalata daloolada wadnaha, kaasi oo ay iska kaashanayaan Hey’adda Samafalka ee Madaale Foundation iyo Isbitaalka taqasusiga Wadnaha ah ee Redsea.

Mashruucaan Samafalka ah oo ay kafaala qaaday Hey’adda Madaale Foundation ayaa loogu tala galay in ay ka faa’ideystaan tobonaan caruur ah oo ku dhashay xanuunka daloolada wadnaha.

Sidoo kale Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka ayaa bogaadisay dadaalka uu Isbitaalka Redsea wado iyadoo balan qaaday in Wasaaradda Caafimaadka ay kaalin mug leh ka qaadan doonan Olalaha Caafimaad u raadinta Caruurta la ildaran Xanuunka Daloolada Wadnaha.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka ayaa Isbitaalka RedSea uga mahacelisay hirgelinta adeegan oo loo aadi jiray wadanka dibadiisa taasoo ay ku bixaan qarashaad badan oo culeys ku ah bukaanda balse manta waxaa daboolay baahidaas isbitaalka redsea, waana markii ugu horaysay ee gudaha wadanka lagu fulinaayo xirista daloolada wadnaha ee caruurta yar yar.

Munaasabadda daahfurka ollolahan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Hodan iyo Maamulka Isbitaalka Redsea, Bahda Caafimaadka iyo qaar ka mid ah eheladda bukaanada ololahan kaa lagu daaweynayay.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaal iya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ay aa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danji raha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta

u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al Rumaithi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Dowladda Azerbaijan Deeq Wax barasho oo Markii ugu horreysay siineysa Ardayda Soomaaliyeed

Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeenka Xikuu madda Soomaaliya , Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiirka Arrimaha Dibed da ee dalka Azerbaijan, Jehun Bayramov oo ka wada qeyb galayo Shirka 15-aad ee Madaxda dalalka Islaamka waxay Kulan Doceed shalay oo Sabti ahayd ku yeesheen Caasimada dalka Gambia ee Banjul.

Kulankaasi waxaa lagu lafa-guray Xiriirka iyo Danaha Wadajirka ee Somalia iyo Azerbaijan Iskaashiga iyo Mowqifkooda Mideysan ee Arrimaha Shirarka Caalamka, Xoojinta iyo Horumarinta Danaha Wadajirka ee labada dal ee khuseeya Ganacsiga, Dhaqaalaha, Tamarta iyo Iskaashiga Aadminimo.

Dhinaca kale, Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Azerbaijan waxay Kulankooda ku muujiyeen inay Dowladda Azerbaijan diyaar u tahay inay Ardayda Soomaalida u fidiyaan Deeq Waxbarasho iyadoo Deeqdaasi qeyb ka tahay Barnaamijka Dowladda Azerbaijan ee Qoondada Deeqaha Waxbarasho ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC.

Waa markii u horeysay oo ay Dowladda Azerbaijan ku dhawaaqdo inay Ardayda Soomaalida u fidinayaan Deeq Mixno Waxbarasho, si ay wax ugu bartaan Jaamacadaha iyo Machadyada ku yaalla dalkaasi.

Magacaabista Danjiraha Maray kanka u joogi doona Soomaaliya oo la ansixiyey

Aqalka Senedka ee dalka Maraykanka waxay si aqlabiyad leh u ansixiyeen inuu Richard H. Riley noqdo Danjiraha Maraykanka uga wakiilka noqon doona dalka Soomaaliya .

Ansixinta Aqalka Senedka ayaa timid, kadib, markii uu Madaxweyne Joe Biden uu dabayaaqadii bishii March ee sanadkan u magacaabay Richard H. Riley inuu noqdo Danjiraha soo socda ee Maraykanka u joogi doona dalka Soomaaliya .

Ambassador Richard waxa uu bedeli doonaa Danjirihii Maraykanka u joogay Somalia, Ambassador Larry André oo xilkaasi hayey tan iyo bishii January sanadkii 2022-kii.

Dhanka kale, Danjiraha cusub ee Maraykanka, Ambassador Richard H. Riley waa Diblomaasi Khibrad leh, kana soo shaqeeyey dalal ay ka mid yihiin UK, Raashiya, Canada, Pakistan, Shiinaha, Jamaica, Yemen, Afghanistan iyo Ciraaq.

Si kastaba, Danjiraha Cusub ee Maraykanka u joogi doona Soomaaliya , Ambassador Richard H. Riley IV waxa uu haystaa Dhowr Shahaado Jaamacadeed, isagoo Jaamacadda University of Georgia ka qaatay Shahaadada BBA, Dugsiga Ganacsiga ee Havard Business School waxa uu ka qaatay Shahaadada MBA, halka uu Shahaadada MS ka qaatay Kolejka Dagaalka ee National War College.

Hawlgal lagu dilay Xubno ka tirsan Alshabaab oo ka dhacay gobolka Baay

Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed oo kaashanaya Ciidanka Degaanka a yaa howgal lagu dilay Xubno ka tir san Al-shabaab ka sameeyey gobolka Baay.

Howlgalka ayaa ka dhacay degaanka Sarman dheere ee gobolka Baay iyadoo Xubnaha Alshabaab la weeraray qaar la dilay qaarna nolosha lagu qabtay.

Ciidanka xoogga iyo kuw degaanka ayaa weli howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Alshabaab kawada qaybo ka mid ah gobollada dalka.

Booliska Uganda oo Guri ku yaalla Kampala ka helay waxyaabo Qarxa

Askar ka tirsan Ciidanka Milliteriga Uganda ee UPDF iyo kuwa Boliska ayaa waxay ay Hawlgal khaas ah ka fuliyeen Guri ku yaalla deegaanka Kwate Zone, Komamboga ee Caasimadda dalka Uganda ee Kampala, kadib, markii ay heleen Xog dhinaca Sirdoonka oo ku saabsan in Hoygaasi yaallaan waxyaabaha qarxa.

Afhayeenka Qeybta Koowaad ee Ciiddanka Uganda (UPDF), Gaashaanle Charles Kabona ayaa sheegay in Guriga laga helay miinooyinka ay kireysteen Kooxda Hubeysan ee Ciiddanka Isbahaysiga Dimuqraadiyada (The Allied Democratic Forces (ADF).

G/le Kabona waxa uu xaqiijiyey in 4 Bam nooca IEDs, Mobaylo iyo Qalab kale oo Milliteri ka soo heleen Guriga ay Hawlgalka ka sameeyeen.

Jubbaland oo gacanta ku dhigtay Rag lagu eedeeyay inay Burcad badeed yihiin

Ciidamada Booliska Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay, tuuloo yinka Madiina, Subaan Salaamo, Fuu mo, Jiroole, Dabarka iyo Ngumi oo 78 Km ujira magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ahna caasimadda KMG ah ee Maamulka.

Howlgalkan oo ahaa mid si wayn la isugu dubariday ayaa lagu soo qabqabtay rag lagu eedeeyay burcad badeednimo kuwaas oo amniga xeebahaasi liddi ku ahaa.

Howlgalkan oo dhacay saqdii dhexe ee xalay ilaa saaka waaberigiina soo gaaray ayaa waxaa hogaaminayey Taliyaha Qeybta Booliska Jubbada Hoose, Gaashaanle Sare Sadik Mohamud Dhogor iyadoo uu qayb ka ahaa Gudoomiyaha Degmada Kismaayo, ahna Duqa magaalada, Mudane Cumar Cabdullahi Maxamed (Faraweyne)

Eedeysanayaashan ayay xeer ilaalintu maxkamadda horgeyn doontaa iyadoo lagu soo oogi doono eedeymo ka dhan ah amniga guud iyo kan gooshidda xeebaha dalka.

Sayid Cali oo arrimo xasaasi ah ka hadlay: Waxaa la’iigu hanjabay dil kadibna…

Sayid-Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed ayaa mar kale maanta kasoo muuqday maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir oo fadhigii labaad maanta ka yeelatay kiiskan xasaasiga ah.

Sayid-Cali oo su’aallo lagu waydiiyay maxkamadda ayaa ka jawaabay arrimo xasaasi ah oo wax laga waydiiyay, kuna saabsan kiiskan oo ay isha ku wada hayaan dadka Soomaaliyeed.

Ninkan ayaa qirtay inuu shidaal soo iibsaday, isla markaana dabka uu qabad-siiyay guriga, isaga oo sheegay in ujeedkiisa uu ahaa inuu gubo alaabta taalay guriga.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu isku dayay in xaaskiisa oo gubaneysay uu bad-baadiyo, isagana ay waxyeelo kasoo gaartay dhegaha iyo gacan, sida uu ka hor sheegay maxkamadda.

Waxaa kale oo uu ku dooday in falka kadib dad badan ay kusoo xoomeen, kadibna ay ugu hanjabeen inay dilayaan, isaguna uu sidaas ugu cararay gaarigiisa, uuna aaday suuqa Xoolaha, kadibna uu usii cararay gobollada dhexe ee dalka oo ah goobta laga soo qabtay

"Aniga dad badan ayaa igu soo cararay oo iigu hanjabay inay i dilayaan, anne sidaas ayaa uga baxsaday guriga, maadaama ay xaafadda dagan yihiin qoyska xaaskeyga” ayuu yiri.

Dhinaca kale waxaa maxkamadda kasoo muuqday marqaatiyeyaal cusub, sida gabar kamid ah dariska iyo Dr Ciise oo ah dhaqtarkii u horreeyay ee loo geeyay marxuumadda.

Faadumo Abuukar oo kamid ah dariska marxuumadda ayaa ka hor hadashay maxkamadda, waxayna sheegtay inay aragtay Luul oo gubaneyso, isla markaana Ashahaadaneyso.

"Albaabka waxaa taagnayd marxuumad Luul oo Ashahaadeynao, isla markaana gubaneyso, waxayna dalbaneysay caawinaad” ayay tiri Marqaati Faadumo.

Sidoo kale waxa ay sii raacisay "Aniga waxay igu tiri eedo i caawi, kadibna sidaas ayaan ku qaadnay aniga iyo dad kale, waxayna igu tiri intii aan sii wadnay lmaheyga waa Agoon, haddana ma rajoobi doonaan?”

Waxaa gabagabadii soo xiray fadhigan guddoomiyaha maxkamadda racfaa nka oo sheegay in doodda ay sii socon doono fadhiga kalena lagu go’aamin doono dhageysiga dacw addan.

Horay waxaa Sayid-Cali xukun dil toogasho ugu soo xukuntay maxkama dda darajada 1-aad ee gobolka Banaadir, kadib markii ay sheegtay in lagu helay dambiga lagu soo eedeeyay.

Si kastaba, haddii mar kale Sayidcali ay maxkamadaani ku xukunto dil toogasho ah, waxaa u furan inuu mar kale qaato racfaan oo kiiskaan uu u gudbo maxkamadda sare ee dalka.

Maxkamadda Gobolka oo mudeysay dacwadda 12 masuul + Magacyadooda

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa mudeysay dhageysiga dacwad Musuq-maasuq ah oo loo haysto masuuliyiin ka tirsanaa hay’adaha dowladda, kuwaas oo lagu soo oogay eedeymo culus oo la xiriira xatooyo xoolo dad weyne.

Warqad saddex bog ah oo ka soo baxday maxkamadda ayaa lagu sheegay in maalinta Talaadada ah ee 14-ka bishaan loo fariisanayo dhageysoga dacwadda.

12 masuul oo agaasimayaal hore u badan ayaa magacyadooda lagu cadeeyey warqadda, kuwaas oo kiis culus oo eedeymo musuq ah uu ka yaallo maxkamadda.

Agaasimayaashii hore ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Koofi iyo Cabdul ayaa ku jira masuuliyiinta magacyadooda lagu soo xusay warqadda maxkamadda.

Sidoo kale, Agaasimihii waaxda canshuuraha beriga Muxudiin Xasan Saabey Jurus ayaa ka mid ah masuuliyiinta magacyadooda lagu soo tixay warqadaan ee mar kale loo fariisanayo dhageysiga dacwada loo heysto.

Dacwadda loo heysto ragaan ayaa dheeraatay, waxaana xafiisyada hantidhowrma iyo xeer ilaalinta ku adkaatay inay keenaan cadeymo lagu qanco.

Ganacsade Xuseen Raage Shiiraar oo caawa ku geeriyooday Muqdisho

Dhageysigii ugu dambeeyey ee kiiskaan waxay dacwad oogayaashu muujiyeen in aysan heysan cadeymo ku filan, taas oo sii xoojisay tuhunkii laga qabay in sumcad dil un lagu sameynayo masuuliyiinta lagu soo eedeeyey musuq maasuqa.


Maxay tahay shaqada ay qabteen ee lagu ammaanay gabdhaha ciidanka Uganda ee Soomaaliya ka howlgala?

Gabdho ka tirsan Ciidamada Difaaca Shacabka Uganda (UPDF) ee ka howlgala Soomaaliya ayaa lagu ammaanay in ay muujiyeen awooddooda xilli ay ku guda jireen howlgalkan caalamiga ah ee nabad ilaalinta Soomaaliya.

ATMIS oo ka kooban 18,586 oo askari ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka caawinaya dagaalka ay kula jirto al-Shabaab tan iyo sanadkii 2022-kii markaasoo ay beddesheen magacoodii hore ee ahaa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga waxay ka mid yihiin lixda talis ee waddamada ciidamadu ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo ay iyagu yihiin taliska koobaad waxayna ka howlgalaan gobolka Benaadir oo caasimadda Muqdisho kamid tahay iyo gobolka Shabeellaha Hoose.

Hoodo Xayinimo: "Gabadha guurka uga caagtay Lotery-ga ee maansada ka tirsay

"Waan ku faraxsanahay shaqadIiina aagga howlgalka. Waxaad ku socoteen hadalka oo aad qaadaatay/[teen] door hoggaamineed, door dagaal sida duuliye dumar ah oo ka mid ah duuliyayaasha helikabtarradayada dagaalka, doorarka taageerada kuwaas oo si togan uga qayb qaatay guulihii laga gaaray aagga howlgalka” ayay tidhi Col Betty Musuya.

Korneyl Betty Musuya, oo ah Agaasimaha Arrimaha Haweenka ee UPDF, ayaa Soomaaliya ku joogta safar shaqo, waxayna booqatay saldhigyo kala duwan oo horudhac ah oo ku yaalla taliska koobaad si ay u qiimeyso diyaargarowga dagaalka, iyo sidoo kale khibradaha iyo caqabadaha ay la kulmaan haweenka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ka tirsan ciidamada Uganda.

Kornayl Musuya waxa uu ku dhiiri galiyay in ay mudnaanta siiyaan dhisida kalsoonida iyo wada xidhiidhka furan ee iyaga qoysaskooda iyaga oo sidoo kale wakhti u samaynaya shaqada iyo qoyska. Waxay uga digtay inay ku noolaadaan nolol raaxaysi ah ama hab-nololeed aan taxaddar lahayn, taas beddelkeeda waxay kula talisay inay lacag u kaydsadaan horumarinta iyo horumarinta qoysaskooda.

Agaasinka Arrimaha Haweenka ayaa mas'uul ka ah ilaalinta xuquuqda haweenka dagaalyahannada ah ee UPDF. Intii ay ku guda jirtay booqashadeeda waxaa ku wehlinayay saraakiil iyo shaqaale ka tirsan agaasinka haweenka.

Gabadh ka tirsan ciidamada

Ciidama nabad ilaalinta u jooga ee ka socda Midowga Afrika oo ka kooban lix talis ayaa Soomaaliya joogay tan iyo sanadkii 2007 iyagoo dagaal kula jira ururka al-shabaab oo Soomaaliya ka dagaalama.

Ciidama Uganda oo ah kuwii koobaad ee la keeno Soomaaliya bishii March sanadkii 2007-dii ayay ciidamadoodu ka midyahiin dumar ka qayb qaata dagaalada iyo howlaha kale ee ciidamada. Sidoo kale shanta wadan ee ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee Burundi, Itoobiya, Kenya, Uganda iyo Djibouti ayay iyaguna ciidamadoodu dumarka kamid yahiin.

Talisyada shantaan wadan ee ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa ka howlgala gobolada koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya waxayna u qaybsamaan lix talis oo saldhigyo kala duwan ku kala leh gobolada dalka waxayna kala yahiin lixda talis.

Taliska koobaad: Ciidama Difaaca Shacabka Uganda (UPDF)

Taliska Labaad ee ciidamada howlgalka kumeelgaadhka ah ee Afrika waa kuwa Kenya oo taliskoodu yahay magaalada Dhoobley, waxayna ka howlgalaan guud ahaan gobolka Jubbadda Hoose Jubadda Dhexe iyo kan Gedo.

Taliska saddexaad waa ciidamada Itoobiya waxayna ka howlgalaan gobolada Bay iyo Bakool iyo gobolka Gedo.

Taliska Afraad waa midka ka howlgala gobolada Hiraan iyo Galguduud waxuuna awoodda taliskaasi hoos yimaadaa Ciidamada Qalabka Sida ee Djibouti, balse ciidamo ka tirsan kuwa Difaaca Qaranka Itoobiya ayaa iyaguna ka howlgala meelo kamid ah goboladaas.

Taliska Shanaad waa midka ka howlgala Shabeellaha Dhexe xarunta taliskaasina waa magaalada Jowhar waxaana maamulada Ciidamada Difaaca Qaranka Burundi (BNDF)

Taliska lixaadna waxaa si wadajir ah uga howlgala ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) Iyo kuwa Difaaca Kenya (KDF).

Waxaa sidoo kale wadamo ka tirsan Midowga Afrika oo iyaguna Soomaaliya ay ka joogaan booliis ka qaybqaadanaya Howlgalkaan Kumeel-gaadhka ah ee Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya waxaana wadamaas ka mid ah, Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo Zambia




Hoodo Xayinimo: "Gabadha guurka uga caagtay Lotery-ga ee maansada ka tirsay

Labaatan iyo afartii saac ee la soo dhaafay kummannaan Soomaali ah ayaa indhaha ku hayey shaashadaha Computarada iyo Telefoonada si ay u eegaan natiijada bakhtiyaanasiibka DV Lotery-ga Maraykanka oo sanad walba bilowga bisha May la sii daayo natiijada kuwa guulaystay iyo kuwa an nasiibka u helin in la aqbalo dalabkooda ee sanadkii ka horeeyey xaraystay.

"Tani waxay ku xiran tahay nasiibkaaga” ayey tiri Hoodo Maxamed Cabdi, muddo dheer xaraysanaysay bakhtiyaansiibka DV Loteryga Maraykanka. laakiin dad badan ayaa aaminsan inay u baahan tahay xirfad ku xiran hannaanka loo dalbo oo nasiibkuna weheliyo.

 

Dad badan ayaa sanado badan xaraysanayey bakhtiyaanasiibka oo an wali ku guulaysan balse an ka raja dhigin ee maalin uun isku maawilaya inay heli doonnaan.

Dadkaas muddada an ka daalin inay xaraystaan bakhtiyaanasiibka DV Lotery-ga Maraykanka waxaa ka mid ah Hoodo Maxamed Cabdi, oo ku magac dheer Hoodo Xayinimo, oo ah gabar hal abuure ah caanna ka ah baraha bulshada, waxay si dareen leh BBC-da uga warrantay waxa kala qabsaday iyada iyo bakhtiyaanasiibka DV Lotery ee Maraykanka.

"Waxaan xaraysanayey muddo lix Sanndood ah, walise kuma guulaysanin, haddase waxay u egtahay inaan is macsalaamayn doono aniga iyo Lotery” ayey tiri Hoodo

Hoodo, natiijada bakhitiyaa saniibkii ugu danbeyey ee ay xaraysatay sanadkii hore ayey xalay heshay, taa soo ahayd " Laguma dooran”

Caabuqyada galmada la isugu gudbiyo: "Sida aan ilmahayga iyo guurkeyga ugu waayay"

Sanadkii 2018-kii ayey Hoodo, sheegtay inuu ahaa kii ay qabtay rajadeedii ugu weynayd maaddaamaa dad badan ee ay taqaanay ay ku guuleysteen bakhtiyaanasiibka inay hesho fursadaas balse uu ka hor istaagay go’aankii dowladdii Trump.

"Sanadihii danbe waxaan gaaray inaan dhaho dadku ha ii eegeen oo aanan anigu eegan natiijada, laakiin waxaan helayey jawabta ah ‘Ma lagu dooran,” ayey tiri Hoodo.

Weeraha afka Ingiriiska ee ay ugu neceb tahay ayey Hoodo ku sheegtay inay yihiin kuwa "HAS NOT BEEN SELECTED” ‘Laguma Dooran’ oo ah jawaabta uu helo qofka an ku guulaysan DV Lotery-ga ee xaraystay.

Muddadaas dheer ee ay xaraysanaysay DV Lotery, waxay tilmaamtay inay door bidday in ay joojiso ‘haasaawaha ragga’ oo ay diirada saarto inay naawisho fursadaas ay maalin uun rajaynaysay inay ku tagto dalka Maraykanka.

"Sanadkasta oo an sugayo natiijada waxaan is lahaa kan ayaa tagaysaa, mararka qaarna boorsooyinka ayaanba sii xir xiran jiray,” ayey tiri iyadoo qosal raacisay hadalkeeda....

Hoodo Maxamed, waxay sheegtay inay raggii gayaankeeda ahaa ee soo calmada ugu jawaabi jirtay "Waan yarahay, waxbarasho ayaan ku jiraa, howlo guur uma soo jeedo iyo weero la mid ah, si an uga mashquulin rajadaas”

Laakiin Hoodo, hadda ayey sheegtay inay ka qoomamaynayso waqtigii uu ka soo lumiyey bakhtiyaansaiibka Loteryga, iyadoo xustay inay hadda dib u bilaabayso wixii kaga baaqday.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey Hoodo xustay in xilligan ay aragto in gabdhihii ay isku heerka ahaayeen ama saaxiibada ahaayeen oo qoysas noqday oo carruur dhalay balse iyada wayahayaas ay ku bixisay sugida rajada Maraykanka.

"Saaxiibaday oo shan ila labo inta u dhaxaysa oo carruura dhalay ayaan arkaa, taas ayaa ah tan aan dib u celiyo xasuustayda iyo waayihii uu iga lumiyey Loteryga,” ayey intaas si dareen leh u raacisay hadalkeeda.

Waxay sheegtay in hadda ay go’aansatay inay dalkeeda sii joogto oo ay ka niyad jabtay inay dib u xarayso DV Lotery-ga.

Maansadii Hoodo ka tirisay Lotery-ga Mareykanka

Hoodo Maxamed Cabdi, Waa hal abuure suugaaneed, waxay curisay maanso ay ku muujiyey sida ay uga qoomamaynayso waqtigii uu ka qaaday lotery-ga ee ay danaha ka xayirtay.

Maansadan waxay kaloo Hoodo, ku cabiraysaa inay doonayso inay dalkeeda iimaansato oo ay nolol ka samaysato.


Anoo dumaro haweena

Dalkeygga anoo dhexjooga

Markii dibad aan haweystay

Markan dooqii xabaalay

Markan doorkii rageena

Xariirada aan ka diiday

Ileen doqon baan ahaaye

Intaan udulqaadanayay

Sanado baddan day dayay

Da’deydi wataa idhaaftay

Intii dumar aan wadaagnay

Dib baan uga qoomameyay

Iney danbi taan ogaaday

Haddeer anigaa dalkeyga

Daruuf iyo iimihiisa

Hadduu dhiig daadanaayo

Haddii dulmi lagu dhaqaayo

Amuu doog soo baxaayo

Intaba anigaa udoora

Dareen li’i waan dhax joogi

Walee dibad waan ka dhartay

Waxaan haddalkii ku daayay

Da’leydii gabay ku joojay

Intii dhalin iga danbeysa

Inuu lottery dantooda

Kadilin waqtigiyo libtooda.


 

Ugu danbayn waxay Hoodo ugu yeertay dhalinyarada dhiggeeda ah inay ay ka fogaadaan sidii iyada ku dhacday oo kale oo muddo lix sanaa ay dabranayd Lotery.

"Waxaan leeyahay isku wata, danihiina iyo sugitaanka nasiibka lotery-ga,” ayey intaas ku dartay.


 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip