Magacaabista Danjiraha Maraykanka u joogi doona Soomaaliya oo la ansixiyey

0
Sunday May 05, 2024 - 19:15:05 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacaabista Danjiraha Maraykanka u joogi doona Soomaaliya oo la ansixiyey

    Aqalka Senedka ee dalka Maraykanka waxay si aqlabiyad leh u ansixiyeen inuu Richard H. Riley noqdo Danjiraha Maraykanka uga wakiilka noqon doona dalka Soomaaliya . Ansixinta Aqalka Senedka ayaa timid, kadib, markii uu Madaxweyne Joe Biden uu dabaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqalka Senedka ee dalka Maraykanka waxay si aqlabiyad leh u ansixiyeen inuu Richard H. Riley noqdo Danjiraha Maraykanka uga wakiilka noqon doona dalka Soomaaliya . Ansixinta Aqalka Senedka ayaa timid, kadib, markii uu Madaxweyne Joe Biden uu dabayaaqadii bishii March ee sanadkan u magacaabay Richard H. Riley inuu noqdo Danjiraha soo socda ee Maraykanka u joogi doona dalka Soomaaliya . Ambassador Richard waxa uu bedeli doonaa Danjirihii Maraykanka u joogay Somalia, Ambassador Larry André oo xilkaasi hayey tan iyo bishii January sanadkii 2022-kii. Dhanka kale, Danjiraha cusub ee Maraykanka, Ambassador Richard H. Riley waa Diblomaasi Khibrad leh, kana soo shaqeeyey dalal ay ka mid yihiin UK, Raashiya, Canada, Pakistan, Shiinaha, Jamaica, Yemen, Afghanistan iyo Ciraaq. Si kastaba, Danjiraha Cusub ee Maraykanka u joogi doona Soomaaliya , Ambassador Richard H. Riley IV waxa uu haystaa Dhowr Shahaado Jaamacadeed, isagoo Jaamacadda University of Georgia ka qaatay Shahaadada BBA, Dugsiga Ganacsiga ee Havard Business School waxa uu ka qaatay Shahaadada MBA, halka uu Shahaadada MS ka qaatay Kolejka Dagaalka ee National War College.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip