Dowladda Azerbaijan Deeq Waxbarasho oo Markii ugu horreysay siineysa Ardayda Soomaaliyeed

0
Sunday May 05, 2024 - 19:11:08 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Azerbaijan Deeq Waxbarasho oo Markii ugu horreysay siineysa Ardayda Soomaaliyeed

    Ra'iisal Wasaare Ku-Xigeenka Xikuumadda Soomaaliya , Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Azerbaijan, Jehun Bayramov oo ka wada qeyb galayo Shirka 15-aad ee Madaxda dalalka Islaamka waxay Kulan Doceed shalay oo Sabti ahayd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal Wasaare Ku-Xigeenka Xikuumadda Soomaaliya , Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Azerbaijan, Jehun Bayramov oo ka wada qeyb galayo Shirka 15-aad ee Madaxda dalalka Islaamka waxay Kulan Doceed shalay oo Sabti ahayd ku yeesheen Caasimada dalka Gambia ee Banjul. Kulankaasi waxaa lagu lafa-guray Xiriirka iyo Danaha Wadajirka ee Somalia iyo Azerbaijan Iskaashiga iyo Mowqifkooda Mideysan ee Arrimaha Shirarka Caalamka, Xoojinta iyo Horumarinta Danaha Wadajirka ee labada dal ee khuseeya Ganacsiga, Dhaqaalaha, Tamarta iyo Iskaashiga Aadminimo. Dhinaca kale, Ra'iisal Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Azerbaijan waxay Kulankooda ku muujiyeen inay Dowladda Azerbaijan diyaar u tahay inay Ardayda Soomaalida u fidiyaan Deeq Waxbarasho iyadoo Deeqdaasi qeyb ka tahay Barnaamijka Dowladda Azerbaijan ee Qoondada Deeqaha Waxbarasho ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC. Waa markii u horeysay oo ay Dowladda Azerbaijan ku dhawaaqdo inay Ardayda Soomaalida u fidinayaan Deeq Mixno Waxbarasho, si ay wax ugu bartaan Jaamacadaha iyo Machadyada ku yaalla dalkaasi.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip