HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 4-5-2024

0
Saturday May 04, 2024 - 08:50:03 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 136
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 4-5-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Gambia kaga qeybgalay kulan hordhac u ah Shir madaxeedka Islaamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa shiga Caalamiga, Mudane Danjire Ax med Macallin Fiqi, ayaa ka qeybgalay kulan laba cisho ah oo loogu gogol xaa rayo Meertada 15aad ee Shir madaxee dka Islaamka oo ay martigelinayso Caasimadda dalka Gambia ee Banjul.

Kulanka gogolxaarka ah ayaa looga hadlay ajendayaal mudnaanta u leh Ur urka iyo caqabadaha ay wajahayaan dunida Islaamka ,kuwaas oo ay ugu horeeyaan arrinta Falastiin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa shiga Caalamiga waxa intii uu socday kulankaasi uu shir doceedyo la yees hay wasiirro badan oo dhiggiisa ah,isa goo kala hadlay sare u qaadidda xiriir ka labo geesoodka ee u dhaxeeya wa damada islaamka.

, Kulankaasi ayaa sidoo kale looga had lay xaaladihii ugu dambeeyay ee duni da,gaar ahaan heer gobol iyo heer ca alami ah.

Shir madaxeedka Ururka Islaamka oo taageerray Qarannimada Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iska ashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ax med Macallin Fiqi, ayaa ka qeybgalay Khamiista kulanka Wasiirrada Arrim aha Dibadda ay ugu gogol-xaarayaan Mee rtada 15aad ee Shir madaxeedka Islaamka oo ay martigelinayso Caa simadda Gambia ee Banjul, waxaana kulanka heer Wasiir uu socday intii u dhexeysay 2-3 May, isaga oo huwan hal-ku-dhigga (Xoojinta midnimada iyo is-garab-taagga, iyadoo loo marayo wadahadal ku suntan horumar waara).

Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa hog gaaminaya Wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalaya shirka oo qabsoomay sha lay oo Khamiis ahayd iyo shalay oo Ji mce ah, waxaana looga dooday warbix inta iyo war-murtiyeedka shir-madax eedka ka soo bixi doona oo ay isla ogg olaan doonaan hoggaamiyeyaasha iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah Ururka.

Shir-madaxeedka la filayo inuu furmo beri oo Sabti ah ayaa looga hadli doon aa arrimaha siyaasadda ee saamaynta ku leh dunida islaamka si gaar ah arrin ta Falastiin.

Hoggaamiyeyaasha wadamada xub naha ka ah Ururka Iskaashiga Islaam ka, waxa ay mudnaanta siin doonaan arrimaha dhaqaalaha, bani’aada nnimada, bulshada iyo dhaqanka, si gaar ah arrimaha ku qotoma dhalinya rada, haweenka, qoyska, culuumta, tik noolojiyadda, warfaafinta iyo bulshooyi nka muslimka ah.

Ajandaha shirka waxaa sidoo kale la gu soo hadal-qaadi doonaa diididda ha dallada nacaybka, islaam nacaybka, kor u qaadidda wadahadalka iyo sidoo kale arrimaha isbeddelka cimilada iyo sugnaanta cuntada.

Shir-madaxeedka ayaa lagu soo xiri doonaa war-murtiyeed koobaya mowq ifka Ururka ee arrimaha lagu fallanqee yay shirka oo ay ku jirto taageerro su gan oo loo muujiyo midnimada iyo qa rannimada Soomaaliya, iyo dadaalka ka dhanka ah argagaxisada.

War-murtiyeedka ayaa si adag ugu gacan-sayraya tallaabo weliba oo meel ka dhac ku ah qarannimada dhuleed, bad iyo cir ee Soomaaliya, sida heshii ska is-afgarad ee sharci-darada ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo gobolka waqo oyi galbeed Soomaaliya ee loo yaqaan magaca "Somaliland”.

Sidoo kale war-murtiyeedka ayaa wa xa uu adkaynayaa muhiimadda ay lee dahay taageerro agab iyo mid farsamo oo loo fidiyo hey’adaha Dowladda Fe deraalka Soomaaliya iyo ka-hortagidda caqabadaha oo ay ugu horrayso abaar aha oo halis ba’an ku ah sugnaans haha cunto ee Soomaaliya. War-murtiy eedka ayaa lagu taageerray musharr axa Soomaaliya,Marwo Fawsiyo Yuu suf Xaaji Aadam, ee xilka Guddoom iyaha Ururka Midowga Afrika, muddo xileedka (2025-2028). Waxaa war-mur tiyeedka sidoo kale lagu xusay qod obo ka hadlaya arrinta Falastiin, Mag aalada xurmadda leh ee Qudus iyo Baaqa Banjul.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo hambalyo ku aadan 3-da May u diray saxaafiyiinta Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys jaamac ayaa Saxaafiyiinta Soomaali yeed ugu hambalyeeyay dabbaal de ga maalinta caalimaga ee xorriyadda saxaafadda oo ku asteysan 3-da May.

Xuska sanadkaan ayaa loogu magac daray U dabbaal degga maalinta xorr iyadda saxaafadda iyo xoojinta kaali nta warbaahinta ee xasaradaha ka dha sha isbedelka cimilada, maadaama ad duunkaoo dhami uu dhibane u yahay isbeddelka Cilimida.

"Munaasabadda qiimaha leh ee maali ntan caalamiga ah ee xorriyadda saxa afadda awgeyd waxaan rabaa in aan halkaan hambalyo diirran uga diro Wa riyayaasha kaalintooda wax ku ool ah ee nolosha bulshada, run sheegista, daah furnaanta, iyo dimuqraadiyadda, waxaan qirayaa in doorkiina wacyi dhis ka dadweynaha uu yahay mid muuqdo oo lagama maarmaan ah’ ayuu ku yirri dhambaalkiisa Wasiir Daa’uud.

Wasiirka ayaa wariyayaasha ku dhiir a galiyay in ay door xooggan ka qaata an wacyigalinta qatarta dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada oo si weyn u saameeyay dunida oo dhan, Soomaaliduna ay dhibanayaasha isbe ddelka cimilada deegaanka ka mid ta hay.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac Wa siirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an ta hay ilaalinta xorriyadda, badqabka sa xaafadda, hubinta daah furnaanta iyo xaqa xog helista wariyayaasha.

"Waxaa ajande weyn inoo ah taage erada iyo dhiiragalinta warbaahinta, ka dowlad ahaan waxaa naga go’aan in aan kor u qaadno tayada warbaahin teena iyo tababarada ay helaan suxufi yiinta, waxaan aaminsanahay wariya yaal tababaran oo wacyi ahaan dhisan in ay muhiim u yihiin dowlad wanaagga iyo horumar waara oo waddankeenu gaaro” ayuu yiri Wasiirka

Wasiirka ayaa intaa ku daray " Dhis maha Golaha Warbaahinta Qaranka oo ay dhowaan meel mariyeen Golaha wasiirada waa tallaabo hore loo qa aday si loo xoojiyo daah furnaanta iyo isla xisaabtanka, hawshani waxa ay muujinaysa sida dowladdu uga go’an tahay xoojinta warbaahinta iyo dhiira galinta dhaqan galinta mabaadi’da iyo anshaxa suubban ee Saxaafadda”

Safiirka JFS ee Turkiye oo booqday xabsiyo ay ku jiraan muwaadiniin Soomaali ah

Safiirka JFS u fadhiya Dalka Turkig a Fatxu-diin Cali Maxamed ayaa booq day mid kamid ah xabsiyadda ku yaala magaalada Ankara oo ay ku jiraan mu waadiniin Soomaaliyeed.

Safiirka oo la hadlay warbaahinta qar anka ayaa sheegay in socodkiisa uu la xiriiray la socodka x aaladaha nololeed ee ay ku sugan yihiin maxaabiista iyo wixii duruufo ah ama dhibaato ah ee heysta.

Danjire Fatxu-diin Cali Maxamed ayaa xusay in booqashadiisa ay qeyb ka ta hay sidii loola socon lahaa arrimaha ja aliyadda Soomaalida ee ku sugan Turk iga,isla markaana loo heli lahaa wada shaqeyn dhab ah oo dhexmarta dhinac yada safaaradda iyo dadka shacabka ah.

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Turkiye ayaa ugu dambeyn dalbaday in dhalli nyarada Soomaaliyeed ay ilaaliyaan shuruucda dalkaasi,maadaama ayuu yiri anaguna aan u xilsaaranahay dhow rista xuquuqda dadkeenna.

Wasiirka Shaqada XFS oo ka hadlay arrimmo khuseeyay shaqaalaha Soomaaliyeed

Wasiirka Shaqada XFS Mudane Max amed Cilmi Ibraahim oo shalay ka qe yb galay Barnaamujka kulanka ee todd obaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in labadii samo ee u dambee yay ay dowladdu xoogga saartay Sidii loo sameyn lahaa shaqo abuur ay inta badan ka faa’iideysteen dhallinyarada wax baratay ee ku sugan dalka.

"Kawarheynta Shaqaalaha Soomaaliy eed dowladda waxay u tahay mid ahm iyad gaar ah u leh,sidaa daraadeed wa a muhiim in kor loo qaado aqoonta iyo tababaridda shaqaalaha Soomaali yeed” ayuu yiri wasiirku.

Wasiir Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa xusay in Shaqaalaha Soomaaliyeed ay u baahan yihiin dabasocod joogto ah, tababar joogto ah,ja warqab joogto aj iyo tirokoob joogto ah si looga miro dhaliyo ayuu yiri hadafka ama qorsha ha dowladda ee ku aadan xaaladaha shaqaalaha.

Wasiirka Shaqada XFS ayaa shee gay in dowladda ay ka go’an tahay ama ay ku dadaali doonto sidii dhallin yarada logu sameyn lahaa fursado sha qo oo kaafiya noloshooda.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Beeraha XFS oo Riyadh kaga qeybgalay shirka Beeraha ee wadamadda Carabta

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Beer aha & Waraabka XFS Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed ayaa Magaalad da ee dalka Sacuudi Carabiya ku shir gudoomiyey kulan u qabsoomay wasi irafa Beeraha ee wadamadda Carabta

Shirkaan oo ah kii 38-aad ee wadama da Carabta waxaa loogu hadlay horma rinta Beeraha iyo sidii la isaga kaashan lahaa dhibaatooyinka ay wajahayaan beeraleyda dalalkaasi.

Shirkan ayaa waxaa wasaradda bee raha soomaaliya ku matalayay Wasii ru-dowlaha iyo sidoo kale xubno khubu ro ah oo wasaaradda ka tirsan, waxaa na ay kaga hadleen hormaradda beer aha iyo Sidii loo garab istaagi lahaa Beeraleyda Soomaaliyeed.

Wasiir Asad ayaa shirka kusoo band higay Muhiimadda beeraha ay leeyihiin iyo caqabadaha ay la kulmaan beeral eyda soomaaliyeed ,gaar ahaan Isbad dalka Cimilada, fatahaadaha iyo Anya xa.

Turkiga oo hakiyay dhammaan ganacsigii uu la lahaa Israa’iil

Wasaaradda Ganacsiga ee Dala Tyrk iye ataa soo saartay bayaan lagu shee gay in Turkigu ay hakiyeen dhammaan badeecooyinka dhanka ganacsiga ee ay la lahaayeen Israel,sababo lagu til maamay duullaanka ay ku hayso Qaza.

"Turkigu wuxuu si adag oo go’aan ah u fulin doonaa tallaabooyinkaan cusub ilaa ay dawladda Israa’iil ka ogolaa neyso siisocoshada gargaarka bini’aa danimo iyo in dadka Falastiin ay hela an mucaawino aan kala go’ laheyn ay aa lagu yiri bayaankaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil ay aa ku eedeeyay madaxda Tyrkiga in ay iska indha tirayaan danaha dadka Turkiga iyo heshiisyada ganacsiga caa lamiga ah.

Sannadkii 1949-kii, Turkigu wuxuu ah aa waddankii ugu horreeyay ee Musl imiin ah oo aqoonsaday Israa’iil. Laa kiin xiriirku wuu sii xumaaday tobann aankii sano ee la soo dhaafay.

Sannadkii 2010-kii, Turkigu waxa uu xidhiidhka diblomaasiyadeed u jaray Israa’iil, ka dib markii 10 qof oo Turki ah oo u ololeeya Falastiin lagu dilay is ku dhacyo ay la galeen ciidamada Ku maandooska Israa’iil, kuwaas oo fu ulay markab laga leeyahay Turkiga oo isku dayey in uu jabiyo go’doominta ba dda ee Israa’iil ku haysay marinka Qaza.

sanadkii hore ganacsiga labada dal ee Turkiye iyo Israel ayaa ku kacay ama gaaray lacag ku dhow 7bn oo doolar oo u dhiganta (£5.6bn)

Booliiska gobolka Banaadir oo gacanta kusoo dhigay rag ku eedeysan dil loo geystay Wiil yar

Taliska ciidanka Booliiska gobolka Ba naadir ayaa shaaca qaaday iney gaca nta ku soo dhigeen rag ku eedeysan dil ay horey ugu geysteen Wiil Arday ahaa.

Ragaan Booliiska gobolka Banaadir uu gacanta kusoo dhigay ayaa ka koo ban 3 ruux oo mid ka mid ah uu yahay askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku eedeys an dilka Cabdullaahi Cabdi Isaaq oo 18 jir ahaa.

Eedeysanayaashaan Booliiska gobol ka Banaadir uu gacan kusoo dhigay ay aa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdi Axmed Cadow, Farxaan Aadan Nuur iyo Axmed Maxamed Raage oo loo yaqaano Qataatow oo ah askariga ciidanka xoogga dalka.

"Qeybta Guud Ee Gobolka Banaadir Ayaa Gacanta Ku Soo Dhigay Edeysa nayaal Horay Dil Ugu Geystay Mar xuum Cabdullahi Cabdi Isxaaq Oo 18 Jir Arday Ahaa Kuwaas Oo In Mudda Ah Lagu Raad-Joogay. Waxeyna ku eedeysan yihiin dil ka dhacay taari ikhdu markeey ahayd 10-APRIL-2024, Abbaaro 11:45PM, habeenkii ciidul fidr iga la sugayey degmada deyniile gaar ahaan Eeriya Ceel-dacas oo u dhow deegaanka G/baaley halkaas oo xabado lagula furay gaari borobakis ah oo soonahaas maraayay, waxaana falk aas arxan darada ah ku geeriyooday marxuum Cabdullahi Cabdi Isxaaq oo 18 jir arday ahaa" ayaa lagu yiri war kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir.

Qoraalka kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir ay aa lagu sheegay in ragaan si deg deg ah loo hor keeni doono Cadaaladda.

Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda

shalay oo ku began 3-da May waxaa dalalka caalamka oo dhan ay u dabba aldegayaan xuska maalinta xoriyadda saxaafadda oo ah maalin loogu talag alay in lagu muujiyo kaalinta saxafiga iyo xaqa ay u leeyihiin in cid kasta ay gacan ku siiso habsami u socodka how laha warbaahinta iyo guud ahaan bad qabka qeybaha shaqalaha ee ururada saxaafadda.

3-da May waa maalin caalami ah oo loo aqoonsaday xoriyadda saxaafad da ,iyadoo la eegayo baaqa Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka,gaar ahaan qodobka 19-aad ee soo baxay 1948-dii,kaas oo dhigaya ilaalinta xaqa ay dadku u leeyihiin Xorriyatul-qawlka.

Ujeedka guud ee xuskaan ayaa ah si dii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ku saabsan muhiimadda xorriyadda sax aafadda iyo in dawladaha la xasuusiyo waajibaadka ka saaran dhawrista iyo ixtiraamka saxaafiyiinta.

Iyadoo laga ambaqaadayo kaalinta dowladaha ee ay ku leetihiin badqabka saxaafiga, sanad kasta waxaa la qabt aa shir ay soo abaabulaan hey’adda UNESCO ee Qaramada Midoob ay ,kaas oo looga hadlo qodobo la xir iira xorriyadda saxaafadda, gaat ahaan maamul-wanaagga, , isla xisaabtan la’ aanta iyo doorka warbaahinta ay ku le eyihiin la shaqeynta dalalka ka soo ka banaya colaadaha.

Labaatankii sano ee u dambeeyay wa rbaahinta dunida waxay ku tallaabs atay horumar ballaaran,kadib kolkii,isb adallo horumarsan lagu soo kordhiyay qalabka loo adeegsado saxaafadda,ta asina waxa ay dhiirigalisay in uu xoo gaysto tartanka ganacsi ee dhanka wa rbaahinta ah.

Haddaba,Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay wadamada shalay u da bbaaldegay xuska maalinta xoriyadda saxaafadda oo mabd’a ahaan ka dhig an in si wadajir ah codka iyo ra’yiga loo gu gudbiyo nuucyada warbaahinta wax daabaca iyo kuwa kale ee elektarooni ga ah.

Xuska munaasabaddaan,waa mid loo gu talagalay in lagu eego horumarka wanaagsan ee ay ku tallaabsadeen su xuufiyiinta iyo guulaha wax ku oolka ah ee ay ka soo hooyeen meelmarinta ni daamka shaqo ee ay u hayaan bulsha da.

Saxaafadda waa muraayad laga daa wado horumarka dalka,sidaad daraa deed, warbaahinta Soomaaliya ee ka howlgasha gudaha,waxaa sanadihii u dambeeyay ay ka qeybgaleen dadaala da hordhaca ah ee loo galay geedi soc odka nabadda ,dhismaha dalka iyo raj o soo celinta umadda.

Horumarka wanaagsan ee xilligaan ka muuqda saxaafadda Soomaal iya, ,waxa uu saaciday in bulshada So omaaliya, ay heleen saxaafad xor ah oo ay ku gudbin karaan fikradaha isdii dan,kuwa wax dhisaya iyo kuwa kale ee lagu dhaliilo madaxda iyo hogaamiy aasha dalka.

In lagu shaqeeyo dhexdhexaadnimo waa sida kaliya ee lagu ilaalin karo xor iyadda saxaafadda,waxaana waajib ah in Suxuufiga waxa uu gudbinaayo uu ku eego isha dhabta ah,si meesha loo ga saaro is-qabqabsi iyo hoos u dhac kale oo wiiqa shaqadii warbaahinta .

Ogoow saxaafaddu waa adeeg loo is ticmaali karo laba waji ,cid ayaad ku dulmin kartaa, marna wax ayaad ku dhisi kartaa ,sidaa aawadeed.ha ku si foobin aalad ay adeegsadaan dadka fidno abuurka ah ee u taagan fulinta da no gaar ah iyo kuwo shisheeye.

Isku day in aad u hiiliso cid kasta o u taagan dhismaha dowlad xilkeedu ya hay soo celinta amniga iyo karaamadii ay lahaayeen dadka iyo dalka,kana fo goow in aad qeyb ka noqoto hardan ka siyaasadeed ee u dhaxeeya madax da ama dhinacyada kale ee ishaya.

Si loo gaaro xoriyad buuxda oo dhanka saxaafadda ah,waxaa lama huraan ah in dowladda iyo madaxda shirkadaha warbaahinta ay u howlgalaan sidii tababarro aqoon kororsi ah loo siin lah aa shaqaalaha qeybaha warbaahinta.

Anagoo ka faa’ideysaneya fursadda munaaasabaddaan ,waxaan halkaan dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska mmaalinta xoriyadda Saxaafadd a Dunida,aawgeed, u direynaa suxuufi yiinta caalamka,gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ee ka howlgala qeyba ha warbaahinta dalka.

Gabagabadii,waxaan u rajeyneynaa shaqaalaha iyo maamulada qeybaha Saxaafadda in ay halkaasi ka sii wa daan howlaha culus ee ay u hayaan u madda.

SONNA

Ciidamada amaanka oo gacanta kusoo dhigay nin shalay Xaaskiisii hore ku dilay Muqdisho

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa goordhaw gacanta kusoo dhigay nin shalay ku dilay Xaaskiisii hore dee gaanka Garasbaaley ee magaalada Muqdisho.

Ninkaan ku eedeysan dilka Xaaskiisii hore ayaa magaciisa lagu sheegay Ma xamed Ismaaciil Maame, kaasoo Mindi ku dilay xaaskiisii hore oo lagu maga caabi jiray Xabiibo Xuseen Cabdullaahi, taasoo ninka dilay horay ugu soo dhas hay sadax wiil, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka uu shalay u geystay ninkeedii hore.

War qoraal ah oo kasoo baxay Talis ka Booliiska gobolka Banaadir ayaa la gu sheegay in ninka dilka geystay haa tan lagu daweynayo Isbitaalka Madiina, kadib dhaawac uu qudhiisa isku ge ystay.

"Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Ba naadir ayaa gacanka kudhigey maan tey oo ay tahay 03-05-2024 abaaro 1410hrs ama 0214 pm eedeyasane gacan ku dhiigle MAXAMED ISMAACIIL MAAME INA FAADUMO SHEEKH AXMAD 44 jir ah ku dhashey degmada waaberi kaas oo dil bareer ah u geystey xaaskiisa hore MARXUUMAD XABIIBO XUSEEN CABDULAAHI INA MARYAN CALI BILAAL 34 jir ah taas oo hooyo u ah caruur tiradooda gaareysa 3 wiil oo uu dhalay gacan ku dhiiglaha" ayaa lagu yiri qoraalka Booliiska gobolka Banaadir.

Warka kasoo baxay Booliiska Banaadir ayaa sidoo kale lagu shee gay in ninkaan dilay Xaaskiisii hore si deg deg ah loo hor keeni doono Cadaa ladda, waxaana dilkaan uu qeyb ka no qonaya dilal aragagax leh oo magaa lada Muqdisho iyo meelo kale oo ka mid ah gobolada dalka kusoo badanaa yay mudooyinkii dambe oo ka dhex dhacaayay dad isku qoys ah.

Ciidamo Ruush ah oo gudaha u galay saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo Mareykan ah

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa xaqiijiyay in ciidamada Ruushka ay gudaha u galeen saldhiga ciidamada cirka balse ay ku sugnaa yeen qayb kale.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay dalka Mareykanka ayuu ku sheegay in aysan ahayn arrin muhiim ah maadaama ay san heli karin ciidamo Mareykan ah iyo qalab kale.

"Ruushka waxay ku sugan yihiin meel kale mana arkin ciidamada Maraykan ka ama ma helin qalabkeena," ayuu yiri.

Xiriirka militari iyo midka diblumaasiya deed ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Ruushka ayaa ahaa mid kulul tan iyo markii Ruushka uu galay dalka Ukraine.

Kahor kacaankii Niger sanadkii hore, Mareykanka wuxuu ahaa saaxiibka ugu weyn ee dalka oo ay weheliyaan saaxiibada kale ee dagaalka kula jira falaagada Islaamiga ah ee gobolka.


Gabar muslim ah oo markii ugu horreysay loo magacaabay taliyaha ciidanka cirka Kenya

Dalka Kenya waxaa markii ugu horreysay gabar loo magacaabay inay noqoto taliyaha ciidanka cirka ee dalka.

Jeneral Faaduma Gaiti Axmed ayaa ka tirsanayd milateriga tan iyo 1983.

Lix sano ka hor ayey noqotay gabadhii ugu horreysay ee gaarta darajada Sarreeye Gaas.

Magacaabideeda ayaa timid ka dib markii madaxweynaha uu dhowr is beddel sameeyey, ka dib geeridii taliyihii ciidamada Kenya. Isaga iyo sagaal sarkaal oo kale ayaa bishii hore ku dhintay shil dayaaradeed.

Barakac xoogan oo maalintii labaad ka socda magaalada Baledweyne

Waxaa sii kordhaya dadka isaga bara kacaya qaar ka mid ah xaafadaha mag aalada Baledweyne ee xarunta gob olka Hiiraan, kadib daadad ka dhashay roobab saacado badan ka da'ay guda ha iyo daafaha magaaladaas oo ku so o rogmaday xaafadaha qaar.

Meelaha wali ay ka socdaan baraka ca xoogan ayaa ka mid ah xaafada Ko oshin, gaar ahaan laamaha Raadeerka iyo Kutiimbo oo ahaa neelaha sida weyn ay u saameeyeen daadadka ku soo rognaday gudaha magaalada Bale dweyne.

Qoysaska shalay ka barakacaya xaa fadahaas ayaa 24 kii saacadood ee la soo dhaafay intooda badan ku dhex go'doonsana guryahoda, maadama ay heli waayeen jaanis ay uga soo dhex baxaan daadadka kuso rogmaday xaa fadahooda.

"Walalow anagoo jiifna ayay biyaha dhinac kasto naga soo galeen, waxay ahayen biyo xoogan oo daqiiqao gud ahood meel walba ku buuxinayay, mar ka fursad aan uga baxno maba helin caruurta waxaan dulsaaray saqafka kore ee daashka guriga halkaas ayuu waaga inoogu baryay, shalay nafis lagu dhexmarikaro biyaha ayaan he lnay sidaas ayaan kuso baxnay oo Ceeljaale ayaan qax u ahay si aan uga nabad galo daadad kale oo sii dheer tahay cabsida Wabiga" ayuu yiri mid ka mid ah dadkii ku dhex go'doonay xaafada Kutiimbo.

Ugu dambeyntii dada Reer Baledwey ne oo markii hore ku dhib qabay Fata haada wabiga Shabeelle uu sanad wal ba ka sameeyo gudaha magaaladaas ayaa haatan waxaa ugu sii darsoomay iney barakacaan xili roobaad walba, maadama daadad ay kusoo rogmana yaan qaar ka mid ah Xaafadaha Baled weyne, mana jirto xiligaan wax dadaa lo ah oo ay wadaan madaxda maamul ada ku wada sugan Baledweyne ee ka la Hiiraan State iyo Hirshabeelle oo ku aadan sidii looga hortegi lahaa fatahaa daha.

Ciidamada dowladda oo Kooxda Al-shabaab oo ka saaray deegaano hoostaga degmada Mahadaay

Ciidamada xooga dalka Soomaaliy eed oo kaashanaya kuwa dadka deeg aanka ayaa howlgalo ka dhan ah koo xda Al-shabaab ka sameeyay deegaa no dhowr ah oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Deegaanada howlgalka looga saaray kooxda Al-shabaab waxaa ka mid ah Obaale, Damasha shabelow, Calaag iyo Mansuur oo ah dhamaantood deeg aano jiinka wabiga Shabeelle ka saa ran dhanka Bari oo isugu jira dhul bee raley iyo howd ah.

Taliyaha Ururka 281-aad guutada 28-aad ee Abuu cubeyda ee Ciidanka Xo ogga dalka Maxamed Duraan ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in koo xdii ku sugneyd deegaanadaas laga sa aray, islamarkaana ay wabiga uga ta laabeen dhanka Galbeed.

"Ciidamada Qaranka iyo kuwa dadka deegaanka waxaa u suurta gashay in kooxda howlgal uga saaraan dhul howd ah oo ay ku dhuumaleysan jireen, hada waxaa firxadkooda ku daba maq an ciidamada is kaashanaya dhamaan deegaanadii laga saarayna waxaa ku sugan ciidamada" ayuu yiri Taliye Max amed Duraan.

Taliye Duraan ayaa sidoo kale shee gay in ciidanka ay wali ku daba maqan yihiin firxadka kooxda Al-shabaab ayna sii wadi doonaan howlgalada noocaan oo kale ah oo ay kula dagaalamayaan kooxda Al-shabaab.

Ugu dambeyntii Deegaanadaan laga saaray kooxda Al-shabaab ayaa ahaa kuwa kooxdu ay kasoo abaabuli jireen weerarada gaadmada iyo qaraxyada ay ka geystaan qaar ka mid ah magaa looyinka gobolka Shabeellaha dhexe.

Uk oo hub ku kacaya balaayiin doollar siineysa Ukraine si ay ugu adeegsato Ruushka

Lord Cameron oo Khamiistii kula kulmay magaalada Kyiv Madaxweyne Zelensky ayaa sheegay in UK ay ku deeqi doonto gargaar milatari oo qiimahoodu ka badan yahay saddex bilyan iyo bar doollar sannadkii "ilaa inta loo baahan yahay".

Waxa uu sheegay in taageerada Britain ay ka mid noqon doonto bambaanooyinka la hago iyo gantaallada difaaca hawada, kuwaas oo Ukraine ay u isticmaali karto sida ay u aragto.

Booliiska gobolka Banaadir oo gacanta kusoo dhigay rag ku eedeysan dil loo geystay Wiil yar

Taliska ciidanka Booliiska gobolka Ba naadir ayaa shaaca qaaday iney gaca nta ku soo dhigeen rag ku eedeysan dil ay horey ugu geysteen Wiil Arday ahaa.

Ragaan Booliiska gobolka Banaadir uu gacanta kusoo dhigay ayaa ka koo ban 3 ruux oo mid ka mid ah uu yahay askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku eedey san dilka Cabdullaahi Cabdi Isaaq oo 18 jir ahaa.

Eedeysanayaashaan Booliiska gobol ka Banaadir uu gacan kusoo dhigay ay aa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdi Axmed Cadow, Farxaan Aadan Nuur iyo Axmed Maxamed Raage oo loo yaqaano Qataatow oo ah askariga ciidanka xoogga dalka.

"Qeybta Guud Ee Gobolka Banaadir Ayaa Gacanta Ku Soo Dhigay Edeysa nayaal Horay Dil Ugu Geystay Mar xuum Cabdullahi Cabdi Isxaaq Oo 18 Jir Arday Ahaa Kuwaas Oo In Mudda Ah Lagu Raad-Joogay. Waxeyna ku eedeysan yihiin dil ka dhacay taariik hdu markeey ahayd 10-APRIL-2024, Abbaaro 11:45PM, habeenkii ciidul fidri ga la sugayey degmada deyniile gaar ahaan Eeriya Ceel-dacas oo u dhow deegaanka G/baaley halkaas oo xab ado lagula furay gaari borobakis ah oo soonahaas maraayay, waxaana fal kaas arxan darada ah ku geeriyooday marxuum Cabdullahi Cabdi Isxaaq oo 18 jir arday ahaa" ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Boo liiska gobolka Banaadir.

Qoraalka kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ragaan si deg deg ah loo hor keeni doono Cadaalad da.


Qiso la yaab leh oo ka soo baxday Osama Bin Laden

Sideed dareemi lahayd haddii xilliga cashada uu "kuu soo martiyo” qofka loogu doonista badan yahay adduunka?

Ninkaasi waxaa uu ahaa hogaamiyihii Al-Qaacida Usama Bin Laden, waxaan a gurigii lagu martigelinayay xagaagii 2010 uu ku yaallay gobolka Waziristan oo ah gobolka ay dagaan qabaa’ilka Pakistan.

Hal sano oo kaliya ka dib martiqaadk an, Usama bin Laden ayaa May 2, 2011 lagu dilay hawlgal ay ciidamada badda Maraykanku ka fuliyeen maga alada Abbottabad, Pakistan.

Sanad ka dib dhimashadiisii, 2012, waxaa soo baxday sheeko gaar ah oo ku saabsan labadan qof ee Waziristan ay uga sheekaynayeen taasi oo ku saa bsan markii Usama bin Laden lagu ca suumay gurigooda, laakiin dadkii mar tiqaadka sameynayay xilligaasi ma aysan aqoon cidda martida u ah.

Marka loo eego sheekadii habeenkaas sida uu sheegay Ilyaas Khan, qoys daggan Waziristan ayaa sugayay qof soo booqan doona kaas oo lagu wargeliyay dhowr toddobaad ka hor inuu yahay ‘qof muhiim ah’. oo u soo martin doona.

Looma sheegin magaca martida iyo waqtiga gaarka ah ee uu martida imaanayo sidoo kale saacado yar ka hor ayaa loo sheegay. Kow iyo tobankii habeenimo xilli dadka deegaankan ay hurdeen ayaa waxa ay maqleen dhawaqa baabuurta ku soo wajahan taasi oo ah martidii ay sugayeen.

Mid ka mid ah dadkaas oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo oo faahfaahin ka bixiyay dhacdadan, ayaa sheegay in "ilaa 12 gawaarida nooca Jiibka oo waaweyn oo isku mid ah ay soo galeen goobta kuwaasi oo ka kala yimid jihooyin kala duwan”.

Gawaarida mid ka mid ah ayaa istaagay afaafka hore ee guriga , waxaana kursigii dambe ka soo baxay nin dheer oo xiran cimaamad cad iyo khamiis.

Waxay ahayd xilli mugdi habeen ah, dadkii martida loo ahaa ee Waziristan indhahooda way rumaysan waayeen , sababtoo ah qofka hortooda taagan ma ahayn qof caadi ah, balse waa qofka loogu doonista badan yahay adduunka, Usama Bin Laden, oo aan ahayn oo keliya awood sare aduunka laakiin leh awoodda buuxda ee ururka Al-Qaacida.

Usama Bin Laden, Waxaa lagu raadinayey dhaqaale badan, islamarkaana cidda keenta macluumaad ku saabsan waxaa loo ballan qaaday abaal-marin lacageed oo dhan 1.5 milyan dollarka Marayka nka.

"Waan argagaxnay,” ayuu yiri qof ka soo jeeda deggaanka Waziristan. Ma aanan filayn in martida guriga noogu timid uu noqon doono Usaama.

Osama Bin Laden ayaa gaariga ka soo degay, wuxuuna gacan qaaday dhammaanba dadkii. hogaamiyaha qabiilka Waziristan, ayaa wuxuu qabtay gacanta Usaama oo dhunkaday sidoo kale wajiga ayuu gacanta ka mariyay.

Usaama waxa uu gacanta saaray garabka ku-xigeenkiisa waxaa uuna u soo dhaqaaqay dhinaca qolkii loo diyaariyey martida. Dadkii guriga joogay ayaan gudaha u gelin, waxaana joogay oo kaliya labadii nin ee la socday Usaama.

Waxaa xusid mudan in dhacdadan ay ku beegneyd sanad ka hor geeridii Usaama xilli uu ku sugnaa magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan, oo 300 km oo kaliya u jirta tuulada habeenkaas lagu martiqaaday.

Markii uu soo baxay warka ku saabsan dhimashada Usaama, ninkii hore ee martida u ahaa ayaa u sheegay dhawr saaxiibbadiis ah oo ku saabsan booqshadaan lama filaanka ahayd. Waxa uu shuruud ka dhigay in la qariyo magaciisa iyo deegaankiisa.

Sida uu sheegay, Usama Bin Laden waxa uu habeenkaas ku sugnaa ku dhawaad 3 saacadood, waxaana uu ku tukaday salaada, nasasho ka dib, waxa martida lagu soo daweeyay bariis iyo hilib digaag.

Inta lagu guda jiro xilligaan ayaa waxaa loo diiday in ay ka baxaan xarunta, mana jirto cid gudaha u soo gali karta, iyadoo saqafka sare iyo hareeraha xarunta ay ku sugnaayeen rag hubeysan oo dhammaan isku gadaamay.

Markii ninkii martida loo ahaa uu codsaday in aabbihii oo 85 jir ah loo ogolaado inuu la kulmo Usama Bin Laden, ilaaladii Usama waxay u ekaayeen kuwo aan hadalkaas dhibsan. Si kastaba ha ahaatee, ninkii martida loo ahaa ayaa codsaday in loo aqbalo rabitaanka aabihiis, sidaas darteed fariinta waxaa loo gudbiyay hogaamiyaha Al-Qaacida, wuuna aqbalay.

Afar ilaalo ah ayaa lagu daray ninkii martida loo ahaa si ay u soo qaadaan aabbihii, markii goobta uu ku jiray la soo galiyay aabahan da’da ah ayaa lagu wargaliyay joogitaanka Usama Bin Laden.

Ninkii martida loo ahaa oo da’ dhexaad ahaa ayaa muddo 10 daqiiqo ah la qaatay Usaama, sida uu sheegay, waxa uuna ugu duceeyay hoggaamiyaha Al-Qaacida luuqadda Pashto.

Usaama iyo ilaaladiisii ayaa muddo ka dib iasaga tagay halkaasi.

Gawaaridii jiibabka ahaa ayaa dib uga soo baxay xarunta, waxayna u kala yaaceen jihooyin kala duwan. Dadkii martida loo ahaa waxay qiyaasi waayeen kii uu ahaa baabuurka Usaama ku jiray iyo jihada uu u dhaqaaqay.

Markay sheekadan ka sheekaynayeen, dadkan reer Waziristan waxay ku adkaysteen inaanay ka hadli karin qofka ka codsaday inay martida u diyaariyaan, martiqaadka iyo cuntada. Waxa kale oo uu ka gaabsaday inuu ka hadlo dadka la socday Usaama.

Waxaa xusid mudan in kadib geeridii Osama ee Abbottabad, maamulada Mareykanka iyo Pakistan ay sheegeen in hogaamiyaha Al-Qaacida uu keligiis ku noolaa magaalada muddo ku dhow shan sano, mudadaasna uusan ka bixin xaruntiisa.

Laakiin sheekadani waxay caddaynaysaa in sheegashadani aanay run ahayn. Si kastaba ha ahaatee, su’aalo badan ayaa weli aan laga jawaabin.

Aagga uu Usama si lama filaan ah uga soo muuqday habeenimadii 2010-kii ayaa ahayd dhul aad u baaxad weyn oo fog, isla markaana ciidamada Pakistan ay dhowr jeer ka fuliyeen hawlgallo ka dhan ah mintidiinta gobolka Waziristan. Waxaa is waydiin mudan Sidee Usaama Bin Laadin uga baxsaday isbaarooyinka ay joogaan ciidamada Pakistan?

Dowladda Pakistan iyo militariga Pakistan ayaa had iyo jeer beeniya inay wax xog ah ka hayaan Usama Bin Laden, sida ay sheegeen hoggaamiyaha Al-Qaacida ma jirin wax taageero ah oo ay u hayeen.

arrinta kale ee is weydiinta mudan ayaa ah qofka aan la aqoon ee dahsoon balse saameynta ku leh ee soo agaasimay hoyga iyo cuntada iyo sidoo kale goobaha safarka ee Usaama Bin Laadin.

Waa maxay ujeedada booqashada Usaama iyo ugu dambeyntii qofka loogu doonista badan yahay adduunka. lama garanayo dadka martida loo yahay.

Xigasho: BBC Somali

Nin Xaaskiisii hore dilay oo la qabtay

Taliska Ciidanka booliska Soomaaliya ayaa qoraal ay ku baahiyeen baraha bulshada ku sheegay inay gacanta ku soo dhigeen "Gacan ku dhiigle” dil u gaystay xaaskiisii hore.

Maxamed Ismaaciil Maame ayuu boolisku sheegay inuu deegaanka Garas baalley ku dilay marxuumad Xabiibo Xuseen Cabdullaahi isagoo toorrey ku dilay.

Wuxuu boolisku intaa ku daray in ninkaas u isaga qudhiisa dhaawac isku gaystay, haatanna lagu daweynayo isbitaal Madina, ayadoo dhawaanna sharciga la hor gayn dono.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip