Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda

0
Friday May 03, 2024 - 22:23:35 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda

    Maanta oo ku began 3-da May waxaa dalalka caalamka oo dhan ay u dabbaaldegayaan xuska maalinta xoriyadda saxaafadda oo ah maalin loogu talagalay in lagu muujiyo kaalinta saxafiga iyo xaqa ay u leeyihiin in cid kasta ay gacan ku siiso habsami u socodk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta oo ku began 3-da May waxaa dalalka caalamka oo dhan ay u dabbaaldegayaan xuska maalinta xoriyadda saxaafadda oo ah maalin loogu talagalay in lagu muujiyo kaalinta saxafiga iyo xaqa ay u leeyihiin in cid kasta ay gacan ku siiso habsami u socodka howlaha warbaahinta iyo guud ahaan badqabka qeybaha shaqalaha ee ururada saxaafadda. 3-da May waa maalin caalami ah oo loo aqoonsaday xoriyadda saxaafadda ,iyadoo la eegayo baaqa Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka,gaar ahaan qodobka 19-aad ee soo baxay 1948-dii,kaas oo dhigaya ilaalinta xaqa ay dadku u leeyihiin Xorriyatul-qawlka. Ujeedka guud ee xuskaan ayaa ah sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ku saabsan muhiimadda xorriyadda saxaafadda iyo in dawladaha la xasuusiyo waajibaadka ka saaran dhawrista iyo ixtiraamka saxaafiyiinta. Iyadoo laga ambaqaadayo kaalinta dowladaha ee ay ku leetihiin badqabka saxaafiga, sanad kasta waxaa la qabtaa shir ay soo abaabulaan hey'adda UNESCO ee Qaramada Midoobay ,kaas oo looga hadlo qodobo la xiriira xorriyadda saxaafadda, gaat ahaan maamul-wanaagga, , isla xisaabtan la'aanta iyo doorka warbaahinta ay ku leeyihiin la shaqeynta dalalka ka soo kabanaya colaadaha. Labaatankii sano ee u dambeeyay warbaahinta dunida waxay ku tallaabsatay horumar ballaaran,kadib kolkii,isbadallo horumarsan lagu soo kordhiyay qalabka loo adeegsado saxaafadda,taasina waxa ay dhiirigalisay in uu xoogaysto tartanka ganacsi ee dhanka warbaahinta ah. Haddaba,Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay wadamada maanta u dabbaaldegay xuska maalinta xoriyadda saxaafadda oo mabd'a ahaan ka dhigan in si wadajir ah codka iyo ra'yiga loogu gudbiyo nuucyada warbaahinta wax daabaca iyo kuwa kale ee elektarooniga ah. Xuska munaasabaddaan,waa mid loogu talagalay in lagu eegohorumarka wanaagsan ee ay ku tallaabsadeen suxuufiyiinta iyo guulaha wax ku oolka ah ee ay ka soo hooyeen meelmarinta nidaamka shaqo ee ay u hayaan bulshada. Saxaafadda waa muraayad laga daawado horumarka dalka,sidaad daraadeed, warbaahinta Soomaaliya ee ka howlgasha gudaha,waxaa sanadihii u dambeeyay ay ka qeybgaleen dadaalada hordhaca ah ee loo galay geedi socodka nabadda ,dhismaha dalka iyo rajo soo celinta umadda. Horumarka wanaagsan ee xilligaan ka muuqda saxaafadda Soomaaliya, ,waxa uu saaciday in bulshada Soomaaliya, ay heleen saxaafad xor ah oo ay ku gudbin karaan fikradaha isdiidan,kuwa wax dhisaya iyo kuwa kale ee lagu dhaliilo madaxda iyo hogaamiyaasha dalka. In lagu shaqeeyo dhexdhexaadnimo waa sida kaliya ee lagu ilaalin karo xoriyadda saxaafadda,waxaana waajib ah in Suxuufiga waxa uu gudbinaayo uu ku eego isha dhabta ah,si meesha looga saaro is-qabqabsi iyo hoos u dhac kale oo wiiqa shaqadii warbaahinta . Ogoow saxaafaddu waa adeeg loo isticmaali karo laba waji ,cid ayaad ku dulmin kartaa, marna wax ayaad ku dhisi kartaa ,sidaa aawadeed.haku sifoobin aalad ay adeegsadaan dadka fidno abuurka ah ee u taagan fulinta dano gaar ah iyo kuwo shisheeye. Isku day in aad u hiiliso cid kasta o u taagan dhismaha dowlad xilkeedu yahay soo celinta amniga iyo karaamadii ay lahaayeen dadka iyo dalka,kana fogoow in aad qeyb kanoqoto hardanka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda ama dhinacyada kale ee ishaya. Si loo gaaro xoriyad buuxda oo dhanka saxaafadda ah,waxaa lama huraan ah in dowladda iyo madaxda shirkadaha warbaahinta ay u howlgalaan sidii tababarro aqoon kororsi ah loo siin lahaa shaqaalaha qeybaha warbaahinta. Anagoo ka faa'ideysaneya fursadda munaaasabaddaan ,waxaan halkaandhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska mmaalinta xoriyadda Saxaafadda Dunida,aawgeed, u direynaa suxuufiyiinta caalamka,gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ee ka howlgala qeybaha warbaahinta dalka. Gabagabadii,waxaan u rajeyneynaa shaqaalaha iyo maamulada qeybaha Saxaafadda in ay halkaasi ka sii wadaan howlaha culus ee ay u hayaan umadda. SONNA


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip