Wasiirka Warfaafinta XFS oo hambalyo ku aadan 3-da May u diray saxaafiyiinta Soomaaliya

0
Friday May 03, 2024 - 12:16:20 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Warfaafinta XFS oo hambalyo ku aadan 3-da May u diray saxaafiyiinta Soomaaliya

    Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daa'uud Aweys jaamac ayaa Saxaafiyiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay dabbaal dega maalinta caalimaga ee xorriyadda saxaafadda oo ku asteysan 3-da May. Xuska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daa'uud Aweys jaamac ayaa Saxaafiyiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay dabbaal dega maalinta caalimaga ee xorriyadda saxaafadda oo ku asteysan 3-da May. Xuska sanadkaan ayaa loogu magac daray U dabbaal degga maalinta xorriyadda saxaafadda iyo xoojinta kaalinta warbaahinta ee xasaradaha ka dhasha isbedelka cimilada, maadaama adduunkaoo dhami uu dhibane u yahay isbeddelka Cilimida. "Munaasabadda qiimaha leh ee maalintan caalamiga ah ee xorriyadda saxaafadda awgeyd waxaan rabaa in aan halkaan hambalyo diirran uga diro Wariyayaasha kaalintooda wax ku ool ah ee nolosha bulshada, run sheegista, daah furnaanta, iyo dimuqraadiyadda, waxaan qirayaa in doorkiina wacyi dhiska dadweynaha uu yahay mid muuqdo oo lagama maarmaan ah' ayuu ku yirri dhambaalkiisa Wasiir Daa'uud. Wasiirka ayaa wariyayaasha ku dhiira galiyay in ay door xooggan ka qaataan wacyigalinta qatarta dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada oo si weyn u saameeyay dunida oo dhan, Soomaaliduna ay dhibanayaasha isbeddelka cimilada deegaanka ka mid tahay. Mudane Daa'uud Aweys Jaamac Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go'an tahay ilaalinta xorriyadda, badqabka saxaafadda, hubinta daah furnaanta iyo xaqa xog helista wariyayaasha. "Waxaa ajande weyn inoo ah taageerada iyo dhiiragalinta warbaahinta, ka dowlad ahaan waxaa naga go'aan in aan kor u qaadno tayada warbaahinteena iyo tababarada ay helaan suxufiyiinta, waxaan aaminsanahay wariyayaal tababaran oo wacyi ahaan dhisan in ay muhiim u yihiin dowlad wanaagga iyo horumar waara oo waddankeenu gaaro" ayuu yiri Wasiirka Wasiirka ayaa intaa ku daray " Dhismaha Golaha Warbaahinta Qaranka oo ay dhowaan meel mariyeen Golaha wasiirada waa tallaabo hore loo qaaday si loo xoojiyo daah furnaanta iyo isla xisaabtanka, hawshani waxa ay muujinaysa sida dowladdu uga go'an tahay xoojinta warbaahinta iyo dhiiragalinta dhaqan galinta mabaadi'da iyo anshaxa suubban ee Saxaafadda"


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip