30 Garsoore oo dhawaan ku soo baxay tartan furan oo Muqdisho lagu dhaariyey

0
Thursday May 02, 2024 - 13:37:01 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    30 Garsoore oo dhawaan ku soo baxay tartan furan oo Muqdisho lagu dhaariyey

    Munaasibad maanta lagu qabtay xarunta Maxkamadda Sare ee dalka, ayaa waxa si rasmi ah looggu dhaariyey 30 Garsoore oo dhawaan ku soo baxay tartan furan oo loo qabtay in ka badan 2000 oo tartameyaal ah, waxaana Garsooreyaashani ay si rasmi ah uga hawl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasibad maanta lagu qabtay xarunta Maxkamadda Sare ee dalka, ayaa waxa si rasmi ah looggu dhaariyey 30 Garsoore oo dhawaan ku soo baxay tartan furan oo loo qabtay in ka badan 2000 oo tartameyaal ah, waxaana Garsooreyaashani ay si rasmi ah uga hawl-geli doonaan Maxkamadda Gobalka Banaadir. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS Mudane Baashe Yuusuf Axmed oo hadal ka jeediyey munaasibaddii dhaarinta, ayaa halkaas hadalo duco iyo dardaaran ah kula wadaagay Garsooreyaasha, isaga oo tilmaamay in loogga baahan yahay in mas'uuliyadda saaran darteed ay u gutaan si Alle ka cabsi ah sidoo kale na ay u cadaalad falaan dadka u soo cadaalad doonanaya Maxkamadaha. Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud, Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir Saciid Cali Maxamed iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud. Guddoomiye Baashe, wuxu sidoo kale xasuusiyey in hawlo adag loo soo maray tartankii ay ku soo baxeen, isaga oo xusay in siddii looggu cadaalad falay ay ka rajenayaan in iyagu na ay cadaalad ugu adeegaan umadda Soomaaliyeed.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip