Golaha wasiirrada oo ansixiyay heshiis ku saabsan caddaaladda oo dhexmaray Soomaliya iyo Tuirkiga

0
Thursday May 02, 2024 - 11:32:45 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 82
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha wasiirrada oo ansixiyay heshiis ku saabsan caddaaladda oo dhexmaray Soomaliya iyo Tuirkiga

    Golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay heshiis dhinaca caddaaladda ah oo ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga. Wasiirka caddaaladda Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa sheegay heshiiskaan inuu ku saabsan yah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay heshiis dhinaca caddaaladda ah oo ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga. Wasiirka caddaaladda Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa sheegay heshiiskaan inuu ku saabsan yahay, sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhanka caddaaladda ah ee Soomaaliya iyo Turkiga. Wasiirku wuxuu sheegay in heshiiskan uu oggolaanayo isu gudbinta labada dal ee dambiilayaasha xukuman iyo eedeysanayaasha. Xasan Macallin wuxuu sheegay, Soomaaliya inay ka baxday go'doonkii ay ku jirtay , islamarkaana ay diyaar u tahay inay heshiisyo la gasho caalamka, si loo horumariyo nidaamkeeda garsoorka. Meel marinta heshiiskaan ayaa kusoo beegmay, iyadoo uu magaalada Muqdisho yimid, wasiir ku xigeenka caddaaladda dalka Turkiga, kaasoo wada hadalo ku saabsan arrimaha caddaaladda iyo garsoorka la qaatay bahda caddaaladda iyo garsoorka ee dowladda Soomaaliya. Dowladda Turkiga ayaa doonaysa inay Soomaaliya ka caawiso horumarinta aqoonta iyo Tignoolajiyada ee hay'adaha caddaaladda Soomaaliya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip