HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 2-5-2024

0
Thursday May 02, 2024 - 07:40:22 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 2-5-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Shaqaalaha Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fe deraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasa badda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May awgeed, waxa uu dham baal hambalyo ah u diray dhammaan Shaqaale weynaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladdu ay xoogga saar tay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha Soo maaliyeed, iyada oo la dardar geliyey dadaallada ku aaddan xoojinta iskaas hatooyinka dalka, waxa uuna faray dha mmaan mas’uuliyiinta hay’adaha dowl adda iyo kuwa gaarka loo leeyahay in ay ilaaliyaan xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed.

"Waxaan Shaqaale weynaha Sooma aliyeed ugu hambalyeynayaa, Munaa sabadda Maalinta Shaqaalaha Addu unka ee 1-da May. Shaqaalaha Soom aaliyeed waxa ay ku suntanyihiin hawl-karnimo, hufnaan iyo dhabar adayg, waxaana ku amaanayaa kaalintooda muhiimka ah ee ay xilligaan ka qaadan ayaan halganka dib u xoreynta iyo horumarinta dalka.”

Madaxweynaha ayaa dul istaagay doorka taariikhiga ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sooya alka dalkeenna, dowlad-dhiska iyo difa aca Qaranka, isaga oo u duceeyey wa alidiinta iyo dhallinyarada Soomaaliy eed ee ku naf waayey iyaga oo maska xdooda iyo muruqooda ugu adeegaya dalkooda.

Guddoomiyaha maxkamadda sare oo kulan la qaatay wafdi sare oo ka socda Turkiga

Guddoomiyaha cusub ee maxkamad da sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa kulan la qaatay Wafdi ka socday wasaaradda Cadaaladda dalka Turkiga isla markaana uu hoggaamina yay Wasiir ku xigeenka Wasaaradd aasi Niyazi Acar ayaa waxaa uu ka dhacay xarunta Maxkamadda sare ee dalka waxaana ka qeygalay guddoom iyaha Maxkamadda sare ee dalka Gar yaqaan Baashe Yuusuf Axmed, Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suley maan Maxamed Maxamuud, Taliyaha Hey’adda Dambi Baarista Iyo CID iyo xogahayaha Joogtada ee wasaaradda Cadaaladda Arrimaha Dastuurka.

Kulanka, ayaa loogga hadlay xoojinta xiriirka labada wadan, iyo iskaashiga horumarinta adeega cadaaladdeed ee Garsoorka, waxaana dhinacyadu ay isla gorfeeyeen waxyaabaha ay ka wa da shaqeyn karaan gaar ahaan isku xir ka Garsoorka Soomaaliya iyo Turkey ga.

Guddoomiye Baashe, ayaa dawladda Turkey ga uga mahadceliyey taageer addooda walaaltinimo ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, isaga oo tilm aamay in Soomaaliya iyo Turkey ga uu ka dhaxeeyo xariir walaaltinimo oo aad u qoto dheer.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa wafdiga uga warbixiyay sida ay u shaq eeyaan Hey’adaha garsoorka dalka asaga oo xusay in ahmiyad gaar ah ay siinayaan wada shaqeynta iyo xiriirka wadashaqeyneeyd.

Wafdiga uu Hoggaaminayo wasiir ku xigeenka Cadaaladda Dalka Niyazi AC AR ayaa Booqasho Rasmi ah shalay dalka ku yimid kadib Markii uu Casuu mad Rasmi ah ka helay wasiirka Cad aaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soo maaliya.

Wasaaradaha cadaaladda Soomaaliya iyo Turkiga oo iskaashi ballaaran yeelanaya

Madaxda wasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka dowladda FS oo uu hogaaminaayo mudane wasiir Xasan Macallin Maxamuud iyo waftiga wasaarada Caddaaladda dalka Turki ee uu hogaaminayo Wasiir Ku-xigeen ka Caddaaladda Mudane Mr. Niyazi Acar ayaa xarunta wasaaradda ku qaa tay shir ballaaran oo ay labada dhinac kaga wadahadleen agandayaasha hor ta binta u leh iskaashiga bahda caddaa ladda ee labada dal.

Ajandayaashan oo hore loogu soo jaan gooyay safarro shaqo oo wasiir Xasan Macallin Maxamuud ku tegay dalka Turki sannadihii 2023 iyo 2024 ayaa kala ah:

B)Dhismaha kaabayaasha Caddaalad da

T) Horumarinta danbibaarista dalka, si ay ula jaanqaaddo aqoonta casriga ah, dalka oo dhanna ugu filnaato.

J) Yagleelka Akaadamiyadda Caddaal adda Soomaaliya

X) Dib-u-eegista dhamaan xeerarka iyo qawaaniinta dalka si loo horumariy o, loo waafajiyo dastuurka iyo nidaam ka federaalka ah, loona casriyeeyo.

KH) Kobcinta aqooneed, farsamo iyo tignoolajiyadeed ee bahda caddaalad da Soomaaliya.

Hogaanka labada dhinac ayaa isku raa cay ahmiyadda adeegga caddaaladdu u leeyahay muwaadiniinta iyo halka uu kaga jiro dowladnimada.

Wasiir Fiqi oo kulan la qaatay wasiirada arrimaha dibadda Bahrain iyo Algeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa shiga Caalamiga XFS, Mudane Axmed Macalin Faqi, ayaa shalay la kulmay dhiggiisa Boqortooyada Bahrain, Muda ne Abdullatif bin Rashid Al-Zayani, iyo Jamhuuriyadda Algeria, Mudane Ahmed Attaf.

Wasiirka ayaa kala hadlay dhanka Ba hrain xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dhinacyada iskaashiga.

Labada mudane ayaa soo hadal qaa day dadaallada lagu doonayo in xaba d-joojin laga gaaro Qasa, ilaalinta dad ka rayidka ah, gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo, iyo horumarinta gee di socodka nabadaynta, amniga iyo xa siloonida gobolka.

Wasiir Axmed Fiqi iyo Wasiirka Arrima ha Dibadda ee Algeria

Dhinaca kale, intii uu socday kulanka Wasiir Fiqi iyo dhiggiisa Algeria, waxa ay ka wada hadleen xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Kulankan ayaa barbar socda kalfadhi ga 3-aad ee madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta iyo Wadamada Bartamaha Aasiya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan.

 

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ku bogaadiyey Shaqaalaha Soomaaliyeed hawlkarnimadooda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Ja mhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ham balyo ku aaddan maalinta Shaqaalaha Adduunka u diray dhammaan shaqaa laha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku bogaadiyey Shaqaalaha Soomaaliyeed maskaxda iyo muruqa ay geliyeen horumarinta da lkeenna, ayaa xusay doorkooda muhi imka ah ee ku aaddan sidii dalkeennu uga soo kaban lahaa dib-u-dhicii gaa ray.

"Shaqaalaha Soomaaliyeed oo ku shaqeeya duruufo adag, waxa ay muu jiyeen hawlkarnimo iyo dhabar adayg, iyaga oo ka soo gudbay caqabado ba dan, si ay u xaqiijiyaan rajada iyo yidid iilada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dib u soo kabashada dalka”.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in Xukuumadda Dan Qaran ay xoogga saartay Ilaalinta xu quuqda iyo badqabka shaqaalaha Soo maaliyeed, kuwa dowladda u shaqee ya iyo kuwa aan dowladda u shaqayn ba, lana abuuri doono fursado shaqo oo ay ka faa’iideystaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

Taliye xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo kormeeray xarunta qeybta guud ee nabad-gelyada waddooyinka

Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska So omaaliyeed S/guuto Cusmaan C/laahi Maxamed (Kaniif) oo ay wehliyaan Tali yaha Hoggaanka Howlaha Ciidanka Boliiska S/guuto Maxamed Maxamuud Maxamed (Gen.Garaar) iyo Taliyaha Hoggaanka Nabadgelyada Waddooyin ka Ciidanka Boliiska S/Guuto Axmad Xasan Maalin ayaa shalay kormeer ku tagay xarunta qaybta guud ee ciida nka nabad gelyada waddooyinka gobol ka Banaadir.

Saraakiishan ayaa waxay warbixin ka dhageysteen Taliyaha Qeybta Guud ee Nabad-gelyada Waddooyinka go bolka Banaadir G/le dhexe; Muuse Ma xamed Xasan (Muuse Kheyr ) isagoo sheegay in uu koror ku yimid shilalka gaadiidka ee ka dhaca magaalada Mu qdisho.

Taliyaha Qeybta Guud ee Nabad-gel yada Waddooyinka G/le dhexe ; Muu se Maxamed Xasan ayaa qeexay in labadii bilood ee lasoo dhaafay ay sam eeyeen tirakoob ku aaddan shilalka ka dhaca magaalada Muqdisho iyo waxa u badan ee sababa.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska S/Guuto; Cusmaan Cabdullaahi Maxa med (Kaniif) ayaan ku bogaadiyay sara akiisha qeybta guud ee nabad gelyada waddooyinka Isbeddelka fiican ee ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho, wuxuuna amray in darawallada gaadiid ka la faro in ay raacaan sharciga nab ad gelyada waddooyinka loona samee yo wacyi gelin ku aaddan wadda mar ista.

Soomaaliya iyo Liibiya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

La-taliyaha sare ee Madaxweeynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Amb; Daahir Maxamud Geelle ayaa ku lan la qaatay Madaxweynaha Dalka Lii biya, Maxamed Yonis AL-Manfi.

Amb; Geelle ayaa dhambaal uu ka si day Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka soomaaliya Dr; Xasan She ekh Maxamuud gaarsiiyay dhiggiisa Dalka Libiya.

Kulankan ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka u dhaxeeya labada dal Iyo sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka walaalnimo ee ka dhaxeeya dowlada ha Soomaaliya iyo Liibiya iyo sidii ay is aga kaashan lahaayeen xiriirka dhinac yada ganacsiga, amniga iyo siyaasad da.

Guddoomiye Madaale oo hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ah na Duqa Magaalada Muqdisho Muda ne Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Hambalyo ku aadan maalinta Shaqaalaha Adduunka u diray dhamm aan shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan Shaqaalaha iyo Howlwadee nada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay shaqaalaha Maamulka G/Banaadir iyo D/H/X, dhabar adeega iyo duruufaha adag oo ay ku shaqeeyaan iyo sida ay ugu taagan yihiin horumarinta Caasim adda.

Waxa uuna munaasabada maalinta shaqaalaha awgeed kula dar-daarmay in ay sii laba jibaaraan shaqada iyo adeegyada ay u hayaan dalka iyo dad ka maadaama dalkeenu uu ku jiro xaal ad dib usoo kabanasho oo u baahan in laga shaqeeyo horumar.

Wasiir ku xigeenka Caddaaladda dalka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, ayaa ma anta Muqdisho ku soo dhoweeyay Wa siir Ku-xigeenka Wasaaradda Caddaa ladda ee dalka Turkiga Mudane Niyazi ACAR iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka ku yimid casuumaad uu wasiirku u fidiyay.

Soo dhaweynta wafdigaan waxaa goo bjoog ka ahaa safiirka dalka Turkiga ee Soomaaliya Mudane Alper Aktaş iyo diblomaasiyiinta safaaradda Tur kiga.

Wasiir Ku-xigeenka Caddaaladda Tur kiga Mudane Niyazi ACAR ayaa Wasii rka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuu rka XFS uga mahadceliyay soo dhawe yta diirran ee isaga iyo wafdigiisa loo sameeyay.

Wasiir Xasan Macallin iyo Wasiir Niy azi ACAR ayaa inta wafdigu uu Muqd isho joogo yeelan doona kulamo ay uga wada hadlayaan ajandayaal bad an oo ay ugu weyn tahay xoojinta xirii rka arrimaha caddaaladda iyo garsoor ka ee labada dal.

Booqashada rasmiga ah ee wafdiga an ayaa timid kadib safarro shaqo oo uu hore wasiir Xasan Macallin Maxam uud ku tagay dalka Turkiga.

Xuska 1-da May ee Maalinta Shaqaalaha Soomaaliya iyo Dunida

Shucuuubta dalalka dunida ee ku mi deysan hey’adda Qaramada Midoobay ayaa maantta u dabbaaldegaya munaa sabadda 1-da May oo ku beegan xus ka sanadguurada 105-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ururka caalami ga ah ee shaqaalaha dunida ILO (Inter national labour Organisation) .

1-da May waa maalin weyn oo caalam ka oo dhan ay u dabbaaldegaan maali nta shaqaalaha dunida oo ah maalin si gaar ah u xambaarsan aasaaskii ururada xoogsatada,tacadiyadii lala beegsaday iyo halgankii ay u soo ga leen xoriyad dhameystiran oo lagu wa daago shaqada.

1919-kii, dalal ka mid ah Galbeedka oo ku jiray Jimciyaddii qarumaha ka dhaxeysay,ayaa ku dhawaaqay dhis maha urur shaqaale oo u howlgala raa dinta danta xoogsatada,isla markaa ka qeybqaata dejinta xeerarka iyo siyaa sadda lagu kala hago shaqaalaha iyo milkilayaasha warshadaha iyo beeraha.

Iyadoo la eegayo muhiimadda xoogs atada iyo kororka dalalka ka xoroobay gumeysiga ee qaatay dowladnimada, dagaalkii labaad ee dunida ka dib, Urur ka Shaqaalaha Dunida ee ILO waxa ay soo saareen in lagu dhaqmo qodobo aasaas u ah dhismaha ururkaa si,waxaana ka mid ahaa:-

1-in si wadajir ah looga hortago sha qada khasabka ah , ku-shaqaynta carr uurta, takoorka xagga shaqada iyo sha qaalaha a.

2- kor u qaadidda horumarka caddaal adda bulshada, iyada oo loo marayo ni daamka heerarka caalamiga ah ee sha qada.

3-xaqiijinta iyo dhowrista xaaladaha xo rriyadda shaqaalaha, sinnaanta, amnig a iyo sharafta shaqaalaha iyo in la heli karo shaqo wax soo saar leh oo waa rta.

4-Hirgalinta qaab-dhismeed saddex geesood ah oo ka kooban wakiillada dawladaha, loo shaqeeyaha, iyo shaq aalaha.

5-in sanad kasta xarunta shaqaalaha Gineva ee dalka Austria lagu qabto shir weyne caalami ah oo looga hadlo danaha shaqada iyo shaqaalaha.

Haddaba, Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay dalalka caalamka ee ma anta u dabbaaldegaya xuska sanadg uurada 105-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ururka shaqaalaha dunida iyo aasaaska ururka shaqaalaha Soom aaliya oo la tilmaamo in uuu soo bilo wday 1955-tii.

waxaa xaqiiqo ah in shaqaalaha ay yih iin kuwo qayb ka ah maamulka dowlad nimo ee ka dhisan dalka,marka loo ee go kaalinta ay ka qaataan kobcinta dha qaalaha iyo guud ahaan horumarka da dka iyo dalka .

Ujeedku waa in maamulka Ururka Shaqaalaha uu noqdo mid u shaqeeya si caddaalad ah oo wax ka qaban kara xaaladaha kala duwan ee la soo dersa shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ah ee hoostaga shirkadaha ,hey’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah .

shalay waxaa muuqata in Shaqaala ha ay yihiin kuwo door ama kaalin firfi rcoon ku yeelan kara geedi socodka logu jiro gaaritaanka horumar wanaag san oo ifitiimiya mustaqbalka dadka iyo dalka.

Gabagabadii ,waxaan halkaan hamba lyo uga direynaa shaqaalaha duni da,gaar ahaan shaqaalaha Soomaali ya,waxaana u rajeyneynaa guul iyo horumar.

SONNA

Wasiirka qorsheynta XFS oo ka qayb galay Shir-weynaha Caalamiga ah ee Dadweynaha iyo Horumarinta (ICPD)

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaa laha Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beene beene) ayaa ka qayb galay shir heer wasiir ee qeybta ka ah Shir-weynaha Caalamiga ah ee Dadweynaha iyo Hor umarinta (ICPD) ee ka soda magaa la da New York ee dalka Maraykanka.

Soomaaliya waxay dhawaan gaartay guul wayn iyadoo gudbisay war bixin teedii ugu horreysay ee Shirweynaha Caalamiga ah ee Dadweynaha iyo Ho rumarinta (ICPD).

Guushan taariikhiga ah ayaa muu jineysa sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay wax ka qabashada dadka iyo arrimaha horumarka.

Wasiir Roobow oo kormeeray dhismaha xarunta wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta

Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta dowladda FS mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa shalay kormeeray dhismha cusub ee wasaaaraadda, iyadoo ujeedadu tahay kuurgalidda halka uu maraya dhisma ha oo bishi Novermber 2023 uu dhaga xa dhigay Ra’iiusl wasaare ku xigeen ka dalka.

Waxaa kormeerkiisa ku wehliyey wasi iru dowlaha wasaaradda iyo agaasima ha guud, iyadoo arrinta xusidda mudan ay tahay in dhismahan si isku tashi ah ay ku dhisayaan madaxda wasaarad da oo kaashanaya madaxweynaha JF S iyo Raiisul wasaaraha dalka, waxa ana ku baxaya dhismaha in ka badan 1 milyen oo Dollar.

Maxamed Xaaji Ibraahim oo ah agaasi maha guud ee wasaaradda ayaa war baahinta Qaranka u sheegay in dhis maha xarunta wasaaraddu uu soo ma ray marxalado kala duwan, haatana la rajeynayo in la dhameeyo waqtigii la qorsheeyey.

 

Faransiiska oo Rwanda u jeediyey inay joojiso taageeradda ay siiso fallaagada ka dagaalanta dalka dariska la ah

Madaxweynaha Faransiiska Emman uel Macron, ayaa ku booriyay Rwanda inay "joojiso taageerada ay siiso" falla agada M23 ee dhibaatada ka wada bar iga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Hadalkan ayuu Emmanuel Macron, ka sheegay mar ay shir jaraa’id wada qabanayeen madaxweynaha DR Con go, Felix Tshisekedi oo booqasho ku jooga Paris.

Mr Macron aya yiri: "Rwanda waa inay joojisaa taageerada ay siiso M23, ayna kala baxdo ciidamadeeda dhulka Congo.

Rwanda ayaa marar badan oo hore b eenisay inay taageerto fallaagada M23 ee ka dagaalanta gudaha dalka Congo.

Bishii Maarso ee la soo dhaafay, mar la weydiiyay inuu cambaareeyo taagee rada la sheegay in Rwanda ay siiso fal laagada, Macron wuxuu sheegay inuu "aad u caddeeyey cambaareynta M23 iyo kuwa taageersan".

Guddomiye Abshiroow oo hambalyo ku aaddan 1-da May u diray shaqaalaha Soomaaliyeed

Guddomiyaha Guddiga Qaranka ee Sha qaalaha Rayidka Dowladda Soom aaliya Mudane Xasan Abshirow Maxa med, ayaa hambalyo ku aadan maalin ta Shaqaalaha Adduunka u diray, dha mmaan shaqaalaha Soomaaliyeed, ga ar ahaan Shaqaalaha Rayidka meel ka sta oo ay joogaan.

Maalinta shaqaalaha adduunka, ayaa la asteeyey 1-da May , Sanadkii 1919-kii, in ay noqoto maalin ay shaqaalaha adduunka u dabaal degaan, muujiyaan xuquuqdooda, lana qaybsadaan farxad da qoysaskooda iyo asxaabtooda.

Guddomiye Xasan ayaa boogaadiyay Shaqaalaha Soomaaliyeed, dadaalka iyo howlkarnimada ay muujiyeen si aay horumar u gaarsiiyaan bulshadooda, isagoo Eeba ugu baryay inuu u naxari isto Shaqaalahii geeriyooday ayagoo u adeegaya shacabkooda, inta dhaawa ca iyo waxyeelada soo gaartayna u raj eeyay caafimaad taam ah inuu Eeba siiyo.

Ugu danbayntii; Guddoomiye Abshir oow ayaa ugu baaqay Hay’addaha Do wladda heerarkooda kala duwan, iney xil weyn iska saaran, dhowrista xuquuq da shaqaalaha, una diyaariyaan goobo caafimaad ahaan iyo badbaada ahaan ku haboon in lagu shaqeeyo, si looga baaqsado in eysan dhibaatooyin soo gaarin shaqaalaha xilliyada ay shaqa da ku gudajiraan, kuna dhiiri-gelineysa in ay waajibaadkooda u gutaan si hufn aan iyo howlkarnimo leh.

Waddamada Carabta iyo Bartamaha Aasiya oo Soomaaliya ku taageeray diidmada heshiis Itoobiya iyo Somaliland

Waddamada ku midoobay Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta, dalalka Bartamaha Aasiya iyo Azerba ijan ayaa waxay caddeeyeen inay si buuxda u taageersan yihiin mawqifka ay dawladda Soomaaliya ka qaadatay heshiiskii ay wada saxeexdeen Dowla dda Itoobiya iyo Somaliland.

Gabagabada shir ay yeesheen wadda madan, ayaa lagu sheegay, in heshiis kaas uu yahay ku xad-gudub bareer ah oo lagu sameeyay mabaadi’da sharci ga caalamiga ah, iyo madax-bannaa nida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaa liya, xiriirka deris wanaagga, nabad ku wada noolaanshaha iyo xasilloonida gobolka.

Waddamadan waxay muujiyeen diidm adooda ku aaddan heshiiskaas iyo tall aabo kasta oo sharci, siyaasad, gana csi iyo mid ciidan ah oo ka dhasha hes hiiskaas, waxayna ku booriyeen dham maan dalalka inay cambaareeyaan oo ay diidaan heshiiskaas.

Waxay ku tilmaameen heshiiska Ethi opia ay ku doonayso inay ka qaadato qeyb kamid ah badda Soomaaliya inuu halis gelineysa amniga wadamada Carabta iyo isu-socodka Gobolka.

Shirka lagu cambaareeyay heshiiska Ethiopia iyo Somaliland waxaa ka qeyb galay, Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Wadamada Carabta, Azerbaijan, U zbekistan, Tajikistan, Turkmenistan, Ja mhuuriyadda Kyrgyz, Kazakhstan iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacad da Carabta Ahmed Aboul Gheit.

Hoggaamiye Firdhiye: Nabad hoosaasin ah ka qaadan mayno odayaasha ka hadlay magaalada Burco

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo, Cab diqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye, aya a sheegay in aysan odayaaasha dha qanka Somaliland ka qaadan doonin nabadayn hoosaasin ah oo lagu qarina yo sida uu sheegay, duullaanka Soom aliland ay kusoo tahay deegaanada SSC.

Firdhiye ayaa u sheegay odayaal So maliland ah, kuwaas oo baaq nabade ed soo saaray, in looga baahan yahay, in ay wax ka qabtaan sida uu sheegay, duullaanka iyo colaadda ka dhanka ah SSC, ee uu abaabulayo Muuse Biixi

"Burco baaqa aad ka jeedinaysaan, ee aad leedihiin nabad baanu wadnaa, ee aadan caddayn karaynin, nabad ma aha, hoosaasin dambana idin ka yeeli mayno,” Ayuu yiri hoggaamiyaha SSC Khaatumo.

Hoggaamiyaha SSC ayaa sheegay d ad aan waxba galabsan oo kasoo jee da SSC, in si gardarro ah ay u dileen maleyshiyaad ka amar qaata maamul ka Somaliland. Wuxuu sheegay inuu haatan ka dhamaaday dulqaadkii iyo deris wanaagii ay u hayeen Somaliland, isagoo sheegay in ay muuqato in bee gsi lagu hayo dadkiisa aan waxba gala bsan.

Firdhiye ayaa ugu baaqay ciidamada SSC inay galaan heegan ka dhan ah duulllaan uu sheegay in lagasoo abaa bulo Somaliland. Wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in mar kale Somali land ay jab kala kulmi doonto isku day kaste oo ay ku doonayso inay ku qab sato dhulkooda.

Hadalka hoggaamiye Firdhiye ayaa yimid, iyadoo ku dhawaad hal sano la ga joogo, markii Somaliland dagaal loo ga saaray magaalada Laascaanood, halkaas oo muddo ka badan 15 sano ay Somaliland ka talinaysay.

Somaliland oo hadda isku diyaarinaysa xuska 18-ka May oo ku beegan 33 guu rada kasoo wareegatay gooni isku taa ggeeda, ayaa dhinaca kale ciidamo iyo gaadiid dagaaal ku daabulaysa furima ha dagaalka ee Oog. Xogo aanu helyo ayaa sheegaya in xuska guurada kadib, ay Somaliland doonayso inay weerar ku qaado gobolka Sool.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing oo Itoobiya kala hadashay Xaaladda Soomaaliya iyo gobolka.

Danjire Taye Atske-Selassie, Wasiir ka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, ayaa kulan la yeeshay Marwo Catriona Lain g, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageeridda Soomaaliya ee UN SOM.

Wasiir Taye, waxa uu xaqiijiyey sida ay Itoobiya uga go’an tahay inay sii wa ddo horumarinta nabadda iyo xasilloon ida gobolka.

Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa ka mahad celisay doorka ay Itoobiya ka qaadanayso nabadda iyo xasillooni da Soomaaliya.

Waxay is dhaafsadeen fikrado ku saa bsan sidii loo sii xoojin lahaa iskaa shiga ka dhexeeya Itoobiya iyo UN-ka si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida geeska Afrika.

Hoggaamiye Cali Jayte "Dagaalka qabiilka dib noogu dhiga ee aan galno dagaalka Al-shabaab idinko mideysan"

Hoggaamiyaha ciidanka difaaca dad weynaha Cali Jeyte Cismaan oo ka mid ah masuuliyiin dowladda fedaraal ka Soomaaliya ay u dirtay xal u helida dagaal beeleedyo ka dhacay deegaa no ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Sha beellaha dhexe ayaa si adag uga had lay colaada u dhaxeeysa beelaha Xaw aadle iyo Abgaal.

Cali Jeyte Cismaan ayaa ugu horeyn sheegay in colaada u dhaxeysa labad aan beelood iney tahay mid ay hurinay aan kooxda Al-shabaab ee horay loo ga xureeyay dhulka lagu dagaalamayo, isagoona ka dalbaday waxgaradka lab ada beelood in dhalinyarada ay u ogo laadaan iney isaga la shaqeeyaan.

"Waxaan doonaya inaad dhalinta i og olataan oo an ka qeyb galiyo dagaalka Al-shabaab, iyagoo mideysan ayaa dagaalka wada galeyna, alaabteyda waan soo wada qaatay, waxa ii dhima na waxaa ka raba iney ii doonaan San baloolshe iyo Shuute" ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.

Jeyte ayaa sidoo kale sheegay inuu la yaaban yahay sababta ay ku dagaa lamayaan labadaan beelood ee walaa laha oo colaadoodu soo laablaabtay marar badan.

"Labadiina beel waxaad isku haysa taan waanba fahmi waay beel walba markan hor fariisanay waxay na leeda hay walaalahan waxaan ka tabaneyno maleh, hada hadii aad wax tabasho ji rin walaalaheena is leedihiin, maxa is ku kiin diraya, wiilasha dagaalamaya waxaan leeyahay dagaal hadad qof ku dishan aduun iyo aaqiro leydin haysan baan idin haynahe soo gala waa daga alka Khawaariijte" ayuu hoggaamiye Jeyte.

Ugu dambeyntii Xaduuda gobolada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laablaabtay dagaal beeleedka u dhaxeeya Xawaad le iyo Abgaal, kuwaas oo iska dilay dad aad u badan oo kasoo kala jeeda labada beel, waxaana dagaaladaas ay saameyn ku yeesheen isku socodka la bada dhinac.

Kenya oo sheegtay inay qabatay xubin katirsan Alshabaab oo lagu magacaabo Abuu Maahir

Hay’adaha amniga ee dalka Kenya ay aa sheegay inay gacanta ku dhigeen Mustakima Mohammed Ali oo loo yaqa an Abu Maahir, oo la sheegay inuu kat irsan yahay kooxda Alshabaab.

Ninkaan ayay dowladda Kenya nolol iyo geeri ku raadinaysay tan iyo 2019, isagoo loo haysto dilka sarkaal bilays ah iyo laba qof oo kale, dilkaas oo ka dhacay Gobolka xeebta ee Lamu.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray nin kaan, isagoo bas ka soo raacay Lamu kuna socday Malindi.

Kenya waxay sheegtay, in Mustakima uu ka mid ahaa argagixisadii ku dhuum aalaysanayay Keymaha Boni ka hor inta uusan u cararin Soomaaliya, ka dib howlgallo ay xoojiyeen laamaha ammaanka Kenya.

"Qabashada haraadiga Alshabaab si da Mustakima waa guul weyn oo laga gaaray argagixisanimada iyadoo dowl addu adeegsato wax walba oo lagu dhi mo khatarta argagixisada,” ayaa lagu yiri warkan.

Kenya waxay sheegtay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee Lamu in uu dhaliyay miro horseeday in la dhimo weeraradii argagixisanimo, fulinta ma shaariicda iyo dib u habeynta waaxda dalxiiska.

Ciidamo NISA ka tirsan oo Joojiyay shir Beelaha Abgaal uga socday Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Nabad Sugidda go balka Banaadir ayaa joojiyey Shir buls hada Beesha Abgaal ee degta Dowlad gobaleedka Hirshabelle uga socday Hotel Maa’ida ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada NISA ayaa hoolka shirka gudaha u galay kadibna kasoo saaray dadkii shirka u socday, ayagoo wariya ashi u joogay tebinta shirka qol gooni ah ku xareeyey si aysan u tebin joojin ta shirka Beesha Abgaal ee degta Hir shabelle.

Guddiga qaban qaabiyaasha shirka ay aa Risaala u xaqiijiyey in Taliyaha Nabad Sugidda gobalka Banaadir Mux udiin Warbac oo amray in la joojiyo shi rkaas iyo guddigooda uu shir u socdo, wixi kasoo baxana ay saxaafadda la wadaagi doonaan haddii aan shirkoo da loo ogolaan.

Dhacdadaan ayaa imaanaysa xilli ma almo ka hor dhallinyaro iyo odayaal ka soo jeeda Soomaaliland sidaan oo ka le looga joojiyey shir uga socday Muq disho oo ay uga hadlayeen cabashada dhallinyaro ay sheegeen in lagu jir-dilayo xarunta CID oo hore xildhibaan no ka tirsan Baarlamaanka u caddee yeen inay soo arkeen dhaawacyo loo geystay dhallinyarada u xiran dowlad da. Xigasho Risaala

Mareykanka oo Xamaas ku cadaadinaya Qorshe ay wadato Yuhuuddu

Xoghayaha arrimaha debedda ee Mar aykanka Antony Blinken ayaa sheegay Isniintii inuu ku rajo weyn yahay in Xa maas ay aqbasho, waxa uu ugu yee dhay, dalabka "deeqsinimada ah ee aa n caadiga ahayn” ee Israa’iil, kaas oo ku saabsan, heshiis xabbad-joojineed oo laga gaadho colaadda Qaza iyo in la sii daayo la haystayaasha Israa’iil.

"Xilligan la joogo, waxa ay sugayaan shacabka Qaza iyo heshiis xabbad-joo jineed oo la gaadho waa Xamaas” ay uu ka sheegay Blinken oo ku sugan Ri yadh, isaga oo safar ku gaalaa bixi naya dalalka bariga dhexe, si xal nat iijo looga gaadho wadahadalada socda ee la doonayo in lagu soo afjaro daga alka u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil.

Wefti ka socda Xamaas ayaa Isniintii gaadhayey dalka Masar, halkaas oo Qatar ay isku dayayso inay xal u hes ho dagaalka Qaza iyo sidii loo sii dayn lahaa maxaabiista xidhan.

Dhinaca kale Blinken ayaa ka sheeg ay Riyadh, inay meel gebogebo ah ma rayso, heshiis dhinaca amniga ah oo ay la gelayaan Sucuudiga, kaas oo la dhamaystiri doono haddii Sucuudigu uu heshiis nabadeed la galo Israa’iil.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip