MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DHAMBAAL HAMBALYO AH U DIRAY SHAQAALAHA SOOMAALIYEED

0
Wednesday May 01, 2024 - 09:58:44 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DHAMBAAL HAMBALYO AH U DIRAY SHAQAALAHA SOOMAALIYEED

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May awgeed, waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan Shaqaale weynaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda. Madaxweyn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May awgeed, waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan Shaqaale weynaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladdu ay xoogga saartay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, iyada oo la dardar geliyey dadaallada ku aaddan xoojinta iskaashatooyinka dalka, waxa uuna faray dhammaan mas'uuliyiinta hay'adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay in ay ilaaliyaan xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed. "Waxaan Shaqaale weynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa, Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku suntanyihiin hawl-karnimo, hufnaan iyo dhabar adayg, waxaana ku amaanayaa kaalintooda muhiimka ah ee ay xilligaan ka qaadanayaan halganka dib u xoreynta iyo horumarinta dalka." Madaxweynaha ayaa dul istaagay doorka taariikhiga ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sooyaalka dalkeenna, dowlad-dhiska iyo difaaca Qaranka, isaga oo u duceeyey waalidiinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku naf waayey iyaga oo maskaxdooda iyo muruqooda ugu adeegaya dalkooda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip