Wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha hay'adda maareynta musiibooyinka oo gaaray Gaalkacyo

0
Wednesday May 01, 2024 - 11:57:21 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha hay'adda maareynta musiibooyinka oo gaaray Gaalkacyo

    Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay'adda maareynta musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Galmudug, Guddo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay'adda maareynta musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Galmudug, Guddoomiyaha gobolka Mudug, Maamulka degmada Gaalkacyo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa wafdiga Guddoomiyaha ku soo dhaweeyey garoonka diyaradaha Magaalada Gaalkacyo, waxaana socdaalkiisa ku wehliya Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Galmudug Maxamed Cabdullaahi. Ujeedka wafdiga Guddoomiyaha u gaaray Gaalkacyo ayaa ah u kuurgalida xaalada bini'aadanimo ee ka jirta Magaalada, in uu Goobjoog ka ahaado qeybinta deeq gargaar ah oo la gaarsiinayo boqolaal danyar ah, waxana sidoo kale magaalada Galkacyo uu guddoominayaha shir deg-deg ah kula qadan donaa hay'addaha ka shaqeeya arrimaha samafalka kaas oo looga hadlaayo u diyaar garowga roobka gu'ga iyo cabsida laga qabo daadad ka dhasha madaama Gaalkacyo hore sameen uga soo gaartay Xaladihii El-Niño .




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip