Wasiir Fiqi oo kulan la qaatay wasiirada arrimaha dibadda Bahrain iyo Algeria

0
Wednesday May 01, 2024 - 12:51:49 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Fiqi oo kulan la qaatay wasiirada arrimaha dibadda Bahrain iyo Algeria

    Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Axmed Macalin Faqi, ayaa maanta la kulmay dhiggiisa Boqortooyada Bahrain, Mudane Abdullatif bin Rashid Al-Zayani, iyo Jamhuuriyadda Algeria, Mudane Ahmed Attaf. Wasiirka ayaa kala hadl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Axmed Macalin Faqi, ayaa maanta la kulmay dhiggiisa Boqortooyada Bahrain, Mudane Abdullatif bin Rashid Al-Zayani, iyo Jamhuuriyadda Algeria, Mudane Ahmed Attaf. Wasiirka ayaa kala hadlay dhanka Bahrain xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dhinacyada iskaashiga. Labada mudane ayaa soo hadal qaaday dadaallada lagu doonayo in xabad-joojin laga gaaro Qasa, ilaalinta dadka rayidka ah, gaarsiinta gargaarka bini'aadantinimo, iyo horumarinta geedi socodka nabadaynta, amniga iyo xasiloonida gobolka. Wasiir Axmed Fiqi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Algeria Dhinaca kale, intii uu socday kulanka Wasiir Fiqi iyo dhiggiisa Algeria, waxa ay ka wada hadleen xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa. Kulankan ayaa barbar socda kalfadhiga 3-aad ee madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta iyo Wadamada Bartamaha Aasiya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip