Wasaaradaha cadaaladda Soomaaliya iyo Turkiga oo iskaashi ballaaran yeelanaya

0
Wednesday May 01, 2024 - 11:50:22 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 122
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradaha cadaaladda Soomaaliya iyo Turkiga oo iskaashi ballaaran yeelanaya

    Madaxda wasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka dowladda FS oo uu hogaaminaayo mudane wasiir Xasan Macallin Maxamuud iyo waftiga wasaarada Caddaaladda dalka Turki ee uu hogaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Caddaaladda Mudane Mr. Niyazi Acar ayaa xaru

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda wasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka dowladda FS oo uu hogaaminaayo mudane wasiir Xasan Macallin Maxamuud iyo waftiga wasaarada Caddaaladda dalka Turki ee uu hogaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Caddaaladda Mudane Mr. Niyazi Acar ayaa xarunta wasaaradda ku qaatay shir ballaaran oo ay labada dhinac kaga wadahadleen agandayaasha hortabinta u leh iskaashiga bahda caddaaladda ee labada dal. Ajandayaashan oo hore loogu soo jaangooyay safarro shaqo oo wasiir Xasan Macallin Maxamuud ku tegay dalka Turki sannadihii 2023 iyo 2024 ayaa kala ah: B)Dhismaha kaabayaasha Caddaaladda T) Horumarinta danbibaarista dalka, si ay ula jaanqaaddo aqoonta casriga ah, dalka oo dhanna ugu filnaato. J) Yagleelka Akaadamiyadda Caddaaladda Soomaaliya X) Dib-u-eegista dhamaan xeerarka iyo qawaaniinta dalka si loo horumariyo, loo waafajiyo dastuurka iyo nidaamka federaalka ah, loona casriyeeyo. KH) Kobcinta aqooneed, farsamo iyo tignoolajiyadeed ee bahda caddaaladda Soomaaliya. Hogaanka labada dhinac ayaa isku raacay ahmiyadda adeegga caddaaladdu u leeyahay muwaadiniinta iyo halka uu kaga jiro dowladnimada.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip