Madax ka socotay Akadamiyadda Boliiska Dalka Masar oo soo gaaray Muqdisho

0
Sunday April 28, 2024 - 11:00:57 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 79
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madax ka socotay Akadamiyadda Boliiska Dalka Masar oo soo gaaray Muqdisho

    Wafdi uu hoggaaminayo Madaxa Akadamiyadda Boliiska Dalka Masar,Sareeye Gaas Maxamed Axmed Maxamed (Abu Zahra) iyo sarakiil sare ayaa soo gaaray Magaalad Muqdisho. Ujeedka Socdaalka Wafdigaan ayaa la Xiriira Casuumaad Uu U Fidiyay Taliyaha Ciidanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxa Akadamiyadda Boliiska Dalka Masar,Sareeye Gaas Maxamed Axmed Maxamed (Abu Zahra) iyo sarakiil sare ayaa soo gaaray Magaalad Muqdisho. Ujeedka Socdaalka Wafdigaan ayaa la Xiriira Casuumaad Uu U Fidiyay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto. Sulub Axmed Firin, Si Loo Xoojiyo Hormarinta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Xubnaha wafdiga Oo Ka Koonaa Sedex Janaaraal Iyo Saraakiil Kale ayaa si diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Muqdisho, Waxaana Soodhaweeyey Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif ) Xubnaha Kale Ee Wafdiga Qeybta Ka Ah ayaa Waxaa Ka Mid Ah Sareeye Guuto Taariq Maxamed Ibraahim (Maxamed Wali) Iyo Sareeye Guuto Mohamed Ahmed Asim Zaki Ismail Madax Dugtiga Tabarada Amniga Qaranka Masar. Sareeye Gaas Maxamed Axmed Maxamed (Abu Zahra) Oo hogaaminayay Wafdiga ayaa Ka Mahadceliyay Soo Dhaweynta Iyo Maamuuska Sare ee Loo Sameeyay , Isaga Oo Sheegay In Labada Dal Uu Ka Dhexeeyo Xiriir Adag Oo Soo Jireen Ah. Waxuu Xusay In Dowladda Masar ay Ka go'an tahay Sidii ay U Kordhin Lahayd Taageeda Hormaniyeed Ee Soomaaliya




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip