Taliyaha Ciidanka Booliiska oo Xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil Ka socda Dalka Masar

0
Sunday April 28, 2024 - 13:58:36 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 89
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Booliiska oo Xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil Ka socda Dalka Masar

    Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa Xafiiskiisa Ku qaabilay Saraakiil Ka socda Dalka Masar kuwaa oo Shalay Soo gaaray Magalada Muqdisho ee Caasimada Dalka. Soodhaweynta Saraakiishan waxa goob joog ahaa Taliye ku Xi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa Xafiiskiisa Ku qaabilay Saraakiil Ka socda Dalka Masar kuwaa oo Shalay Soo gaaray Magalada Muqdisho ee Caasimada Dalka. Soodhaweynta Saraakiishan waxa goob joog ahaa Taliye ku Xigeenada Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Cusmaan C/llaahi Maxamed (Kaniif) iyo S/Guuto Zakia Xussen Axmed iyo hogaanada ciidanka. U jeedka Socdaalka Wafdigaan ayaa la xiriira casuumaad uu u fidiyay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto. S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa Saraakiishan uga Mahad celiyaya Aqbalaada Casuumaadii uu u fidayay sidooakalana uga Mahad Celiyaya Garab istaaga ay u sameeyeen Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed. Dhanka kale Saraakiisha ka socday dalka Masar ayaa bogaadiyay hormarka ay ku tilaabsadeen ciidan boliiska Soomaaliyeed, iyaga oo xusay in ay ciidanka boliiska Soomaaliyeed ka taageeri doonaan tababara, xirfadaha iyo guud ahaan hormarada ciidanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip