Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ka digay Fatahaadaha ka jira degaannada Hirshabeelle

0
Saturday April 27, 2024 - 12:16:04 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 86
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ka digay Fatahaadaha ka jira degaannada Hirshabeelle

    Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxa uu booqasho ku tageen Xarunta Dhexe ee Hay'adda SoDMA, waxana xaruntaan ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxa uu booqasho ku tageen Xarunta Dhexe ee Hay'adda SoDMA, waxana xaruntaan ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed Maxamuud Macallim Cabdulle. Guddoomiye Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha Hirshabeelle dedaallada ay hay'adda ka wado guud ahaan degaanada Hirshabeelle ee ah gargaar siinta kuwa dantayar, in hay'adda SODMA shixnado gargaar ah ay gaarsiisay qaar ka mid ah deganada maamulka Hirshabeelle, taas oo iskugu jirta maacuun, bacaha roobka laga dugsado, bustayaal, jiingado, qalabka dhismaha, si haddii ay waxyeello timaado Alle ma qadaree ay dadka gabaad uga dhigtaan. i Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa dhankiisa uga mahadceliyay hay'adda SoDMA shaqada ay ka qabatay degaannada Hirshabeelle xilligii ay jirtay xaladihii El-Niño iyo sidii ay ugu gurmatay shacabka intii lagu guda jiray xorreynta deeganada maamulka, Sidoo kaleCali Guudlaawe ayaa mas'uuliyiinta SoDMA la wadaagay in hadda ay billaw yihiin roobabka gu'ga ah saamayn fataahadahana ay ka jiraan qaar ka mid ah deganada Hirshabeelle, waxa uuna ka codsaday hay'adda SoDMA in ay u diyaar garoobaan badbaadinta dadkaas dantayar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip