Guddomiyaha SODMA oo la kulmay Madaxweynaha Dowlad Gobolkeedka Koonfur galbeed

0
Saturday April 27, 2024 - 12:59:37 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 91
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddomiyaha SODMA oo la kulmay Madaxweynaha Dowlad Gobolkeedka Koonfur galbeed

    Madaxwaynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Md. Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa xalay xarunta madaxtooyada Magaalada Baydhabo kulan soo dhaweeyn ah ugu sameeyay Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Sooma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Md. Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa xalay xarunta madaxtooyada Magaalada Baydhabo kulan soo dhaweeyn ah ugu sameeyay Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed Mudane Mahamuud Moallim Abdulle oo shalay Baydhabo soo gaaray. Kulankan waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka maamulka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush, Lataliye sare Shariif Sheekhuna iyo Masuuliyiin kale. Guddoomiyaha ayaa Madaxwaynaha uga warbixiyey dedaallada hay'adda SoDMA ay ka wado degaanada KGS ee ah ka hortaga in Roobka gu'ga qasaaro badan ka dhasha, in shixnado gargaar ah soo gaarsiiyen Baydhabo iyo Buurhakaba taas oo bulshada danyarta ah loogu qeybinayo alaabta maacuunta, bustayaal, bacaha roobka looga okorto, jingado iyo qalabka dhismaha, si bulshada hadii banaanka ugu baxaan guryahooda gabaad uga dhigtaan. Sidoo kale waxa ay kawada hadleen In ay kawada shaqeeyaan sidii la iskaga kaashan la haa ka hortaga iyo yareeynta qataraha daadadka, bulshadana loo gaarsiin la haa gurmadyo degdeg ah inta aysan bilaaban roobabka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip