Ra'iisul Wasaaraha XFS oo Shirkadaha Korontada Muqdisho faray in ay il gaar ah ku eegaan goobaha danta guud iyo kuwa cibaadada

0
Tuesday April 23, 2024 - 13:22:53 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha XFS oo Shirkadaha Korontada Muqdisho faray in ay il gaar ah ku eegaan goobaha danta guud iyo kuwa cibaadada

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shirkadaha korontada bixiya ee Muqdisho faray in ay ka shaqeeyaan sidii shacabku ay u heli lahaayeen koronto qiimo jaban, awood leh la iskuna haleyn karo. Ra�

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shirkadaha korontada bixiya ee Muqdisho faray in ay ka shaqeeyaan sidii shacabku ay u heli lahaayeen koronto qiimo jaban, awood leh la iskuna haleyn karo. Ra'iisul Wasaaraha oo ka hadlayay kulan ay heshiis lagu mideynayo qaar kamid shirkadaha korontada bixiya ee Muqdisho ay gaareen ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dalka laga helo adeeg koronto oo ku filan , taas oo ay awoodi karaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in heshiiskani uu horseedayo fursado waaweyn oo wax ka beddeli kara korontada dalka, taas oo fursad siineysa ganacstada Soomaaliyeed. "Dawladdu waxa ay u dejisaa xeerarkaan iyo siyaasadahaan si loo abuuro nidaamka suuqa furan ee ganacsiyadu ku tartamaan tayeynta iyo baahinta adeeggooda iyo yareynta khasaaraha, kuwaas oo dhammaantood horseeda isku-filnaansho dhaqaale iyo kobaca wax soosaarka". Ra'iisul Wasaaraha ayaa xusay in Shirkadaha Korontada ka shaqeeya ay il gaar ah ku eegaan goobaha danta guud iyo kuwa cibaadada, kuwaas oo had iyo jeer loo baahan yahay in laga helo koronto joogto ah. Wasiirka Tamarta iyo Biyaha XFS , Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in Wasaaraddu ay wadahadal muddo sadex bilood ah soo wadday taasna ay ku timid in heshiiskan la saxiixay eek u saabsan mideynta shirkadahan. Heshiiska oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Tamar iyo Biyaha Xukuumadda F. Soomaaliya, ayaa waxaa kala saxiixday Banaadir Electric Company, BlueSky Energy iyo Mogadishu Supply.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip