Wasiirka Difaaca XFS oo sheegay in wixii hadda ka dambeeya aan lagu soo xad gudbi doonin baddeenna

0
Wednesday April 24, 2024 - 12:20:54 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Difaaca XFS oo sheegay in wixii hadda ka dambeeya aan lagu soo xad gudbi doonin baddeenna

    Wasiirka Gaashaandhiga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa faafaafihin ka bixiyay heshiiska Iskaashiga Difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga oo maanta dhaqan-galay. Wasiirka oo ka hadlayay munaasabad lagu daah-furayay dhaqan galka heshiiska dif

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhiga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa faafaafihin ka bixiyay heshiiska Iskaashiga Difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga oo maanta dhaqan-galay. Wasiirka oo ka hadlayay munaasabad lagu daah-furayay dhaqan galka heshiiska difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga oo lagu qabtay gudaha Markab dagaal oo ay Ankara usoo dirtay Muqdisho ayaa intaa ku daray tallaabadani ay ka dhigan tahay in wixii hadda ka dambeeya aan lagu soo xad gudbi Karin baddeenna. Wasiir Jaamac "Waxaan rajeynaynaa hadduu Alle idmo in wixii hadda ka dambeeya aan baddeena looga baqayn, cadowga noocyadiisa kala duwan, sida burcad badeed, kuwo qashin ku shubaya, kuwo uu damac uga jira ama kuwo kalluumeysi sharci darro ah ka wado". Wasiirka Gaashaandhiga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in ay si dardar leh ku socdaan tababarka iyo isku dubaridka ciidamada Qaranka noocyadooda kala duwan dhowaanna ay iyagu la wareegi doonaan amniga guud ee dalka sida uu qorshuhu yahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip