R/Wasaaraha XFS ooCasho sharaf ku maamuusay Saraakiisha Turkiga ee saarnaa Markabka dagaal

0
Tuesday April 23, 2024 - 22:14:50 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 90
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/Wasaaraha XFS ooCasho sharaf ku maamuusay Saraakiisha Turkiga ee saarnaa Markabka dagaal

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan casho sharaf ah ku maamuusay Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Turkiga ee saarnaa markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga oo maanta soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan casho sharaf ah ku maamuusay Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Turkiga ee saarnaa markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga oo maanta soo gaaray dalkeenna, kaas oo qeyb ka ahaa dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca. Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in Markabka Difaaca Turkiga ee ku soo xirtay Muqdisho uu yahay dhacdo taariikhi ah oo xoojinaysa iskaashiga iyo walaalnimada Soomaaliya iyo Turkiga. Kulanka cashada ayaa waxaa ku wehelinayeen Ra'iisul Wasaaraha, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaano, saraakiil ciidan iyo Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip