Wasaaradda Deegaanka XFS oo soo saartay warbixin ku aaddan saadaasha hawada

0
Wednesday April 24, 2024 - 12:13:56 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Deegaanka XFS oo soo saartay warbixin ku aaddan saadaasha hawada

    Wasaaradda Deegaanka XFS ayaa soo saartay warbixin ku aaddan saadaasha hawada iyo digniino ku saabsan Isbeddelka Cimilada, iyadoo saadaalisay in 27-ka bishan uu roobku wada gaari doono inta badan gobollada dalka, kuwaas oo soo billowday 20-kii bishan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Deegaanka XFS ayaa soo saartay warbixin ku aaddan saadaasha hawada iyo digniino ku saabsan Isbeddelka Cimilada, iyadoo saadaalisay in 27-ka bishan uu roobku wada gaari doono inta badan gobollada dalka, kuwaas oo soo billowday 20-kii bishan April. Warbixinta ayaa sheegtay in Webiga Shabeelle uu qatar ugu jiro in uu fataho gaar ahaan degmada Jowhar oo ay ka harsan tahay kaliya 23 cm ee billowga fatahada Wabiga Shabeelle. Waxa kale oo suurta-gal ah ayaa la lagu yiri warbixintan in ay ka dhashaan roobka daadad degmooyinka dhaca goballada Bay, Sanaag, Waqooyi Galbeed, Togdheer, Banaadir, Hiiraan iyo Gedo, kuwaas oo hakad gelin kara dhammaan isku socodka gadiidka iyo kaabayaasha nolasha guud ahaan iyadoo xaddiga roobkuna uu u dhaxeyn doono 50% ilaa 60%. Xaddiga kuleylka ayaa isna sii ahaan doona mid u dhaxeeya 32°-39° guud ahaan Soomaaliya. Warbixinta ayaa lagu xusay in waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaarada Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS ay ku boorineyso dhamaan bulshada Soomaliyeed in ay muujiyaan taxaddar iyo feejignaan dheeri ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip