HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 24-4-2024

0
Wednesday April 24, 2024 - 10:03:25 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 91
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 24-4-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka qeyb galay dhaqan galinta heshiiska difaaca ee Turkiga iyo Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinay aan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo Danjiraha dowladda Turkiga, ayaa kaga qeyb-galay dusha markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Tur kiga, munaasabad ku saabsan dhaqan -gelinta heshiiska iskaashiga difaaca ee Labada dal.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Turkiga doorka uu ka qaadana yo dowlad-dhiska, gargaarka iyo garab istaagga dadka Soomaaliyeed, isagoo madaxweynuhu sheegay, in Turkigu xilli adag uu ku soo dhiirraday in ay so o gaaraan Soomaaliya.

"Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaa ca qarannimadeeenna iyo midnimadee nna dhuleed". Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweynaha ayaa sheegay dhaq an-gelinta heshiiskan in uu suurto gel inayo dib u soo celinta Ciidamadda Badda Soomaaliyeed oo awood u yees ha in ay kaligood sugaan difaaca bad da Soomaaliya.

Sida ku cad heshiiska, Turkigu ayaa siin doona tababaro iyo qalabayn ciida mada badda Soomaaliya, taasoo u og golaanaysa Soomaaliya inay ka ilaal iso kheyraadka badda iyo ka hortagga argagixisada, burcad-badeedda iyo faragalinta Shisheeyaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ku dhowaaqay hindise lagu casriyaynayo howlaha Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Is kaashiga Caalamiga XFS, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa shalay shir-guddoomiyay kulan ay iskugu yimaadaan Xoghayaha Joogta daiyo Agaasimayaasha Waaxyaha Wa saaradda oo diiradda lagu saaray isbe dello istiraatiijiyadeed oo ujeedkeedu yahay hagaajinta iyo dardargelinta sha qada.

Wasiir Fiqi ayaa faray howl wadeen nada fulinta qorsheyaal hiigsi leh oo dib loogu habeynayo arkiifiyada iyo ad eegyada qunsuliyadeed, iyadoo ujeed dadu tahay casriyaynta iyo ka dhigidda "degital” nambar iyo tixraac leh.

Mudane Fiqi ayaa caddeeyay muhii madda ay leedahay xiriirka labo gees oodka iyo midka dhinacyada badan, wuxuuna qeexay istiraatiiyado lagu xoojinayo xiriirada siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho, iyadoo la unkayo feylal dhammaystiran oo u samaysan hab juquraafi ah.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leeda hay in si la hubo loo keydiyo dukumiin tiyada iyo natiijooyinka ka soo baxa shirarka iyo wada hadallada dibadda si loo raad-raaco, loona fuliyo.

Wasiirka ayaa dhiirri geliyay hal-abu urka iyo wax-soo-saarka howl wadeen nada wasaaradda, isagoo sheegay in ay yihiin tiirar lama-huraan ah oo lagu gaaro guulo diblamaasiyadeed, ayna xoojinayaan sumcadda Soomaaliya ee dhanka caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Shirkadaha Korontada Muqdisho faray in ay il gaar ah ku eegaan goobaha danta guud iyo kuwa cibaadada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fe deraalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shirkadaha koronta da bixiya ee Muqdisho faray in ay ka shaqeeyaan sidii shacabku ay u heli la haayeen koronto qiimo jaban, awood leh la iskuna haleyn karo.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay kulan ay heshiis lagu mideynayo qaar kamid shirkadaha korontada bixiya ee Muqdisho ay gaareen ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dalka laga helo adeeg koronto oo ku filan , taas oo ay awoodi karaan guud ahaan sha cabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in heshiiskani uu horseedayo fursado waaweyn oo wax ka beddeli kara kor ontada dalka, taas oo fursad siineysa ganacstada Soomaaliyeed.

"Dawladdu waxa ay u dejisaa xeerar kaan iyo siyaasadahaan si loo abuuro nidaamka suuqa furan ee ganacsiyadu ku tartamaan tayeynta iyo baahinta adeeggooda iyo yareynta khasaaraha, kuwaas oo dhammaantood horseeda isku-filnaansho dhaqaale iyo kobaca wax soosaarka".

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Shirkadaha Korontada ka shaqeeya ay il gaar ah ku eegaan goobaha danta guud iyo kuwa cibaadada, kuwaas oo had iyo jeer loo baahan yahay in laga helo koronto joogto ah.

Wasiirka Tamarta iyo Biyaha XFS , Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in Wasa araddu ay wadahadal muddo sadex bil ood ah soo wadday taasna ay ku timid in heshiiskan la saxiixay eek u saabs an mideynta shirkadahan.

Heshiiska oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Tamar iyo Biyaha Xukuu madda F. Soomaaliya, ayaa waxaa kala saxiixday Banaadir Electric Comp any, BlueSky Energy iyo Mogadishu Supply.

R/Wasaaraha XFS oo Casho sharaf ku maamuusay Saraakiisha Turkiga ee saarnaa Markabka dagaal

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xam sa Cabdi Barre, ayaa kulan casho sha raf ah ku maamuusay Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Turkiga ee saarnaa markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga oo shalay soo gaaray dalkeenna, kaas oo qeyb ka ahaa dhaqan-gelinta heshiiska isk aashiga difaaca.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa til maamay in Markabka Difaaca Turkiga ee ku soo xirtay Muqdisho uu yahay dhacdo taariikhi ah oo xoojinaysa is kaashiga iyo walaalnimada Soomaali ya iyo Turkiga.

Kulanka cashada ayaa waxaa ku weh elinayeen Ra’iisul Wasaaraha, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhib aano, saraakiil ciidan iyo Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya.


Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo kulan la yeeshay Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoloji yada Maxamed Aadan Macallin (Max amed Soomaali) ayaa shalay kulan la yeeshay Madaxda Shirkadaha Isgaar siinta Dalka, waxaana looga wada hadlay xoojinta iyo xiriirka Wadashaq eynta ee ka dhaxeeyso Wasaaradda iyo Shirkadaha Isgaarsiinta.

Sidoo kale Shirkan waxaa qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaarad da Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq iyo qaar ka mid ah Agaasime Waaxee dyada Wasaaradda.

asiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiya da Maxamed Soomaali ayaa bogaa diyey Shaqada ay Shirkaddaha Isgaar siinta u hayaan Bulshada Soomalaali yeed iyo sida ay hanti badan ugaliyeen dalka iyaga oo qeyb weyn ka ah koba ca dhaqaalaha dalka.

"Sida aan la socono adduunka Shirka ddaha dal kasta leeyahay waa lagu faa naa, Wasaaradda waxa ay u shaqeys aa ganacsatada Soomaaliyeed, waxa ad u baahan tihiin in la xoojiyo shuruuc dii la idinku difaaci lahaa oo diyaar ah, duruufaha aad ku shaqeysaan waa fah mayaa, waxaana rajeenayaa in tartan ka Shirkaddaha uu noqdo mid hufan oo dan u ah bulshada Soomaaliyeed”.

Madaxda shirkadaha isgaarsiinta aya a dhankooda ka mahad celiyey kulan ka gaar ah ee ay la yeesheen Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, waxay na ballan qaadeen in ay si dhow u wa da shaqeyn doonaan.

Wasiir Maxamed Bare oo qeyb-galay shirka dhiggiisa ee dalalka ku mideysan Bulshada Sahel-Saharan states

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Xil. Maxamed Bare Maxamuud iyo wefdi uu hogaami naayo oo ay qeyb ka yihiin Agaasima ha Guud ee Wasaaradda Md.



Cabdiraxiin Warsame Diiriye iyo La tal iye Fahad Cali Xasan ayaa magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Libya ka ga qeybgalay meertada 4aad ee shirka Wasiirrada Dhallinyarada iyo Cayaara ha ee dalalka ku mideysan Bulshada Sahel-Saharan states (CEN-SAD mem ber states).

Shirkaan oo ay kasoo qeybgaleen Wasiirrada Dhallinyarada iyo Cayaar aha ee dalalka ku mideysan Bulshada Sahel-Saharan states ayaa looga doo day dhismaha Xarun Dhallinyaro (You th Centre) oo caalami ah oo ay yee shaan dalalka ku mideysan Bulshada Sahel-Saharan states, xaruntaas oo tababaro iyo xirfado u sameyn doonta Dhallinyarada ka soo jeeda dalalkaas.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Xil. Maxamed Ba re Maxamuud oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa tilmaamay muhiimadda ay dhallinyarada Soomaaliyeed u leeda hay dhismaha xarun dhallinyaro oo caalami ah taas oo sare u qaada aqoo ntooda iyo xirfadahooda iyo sida ay uga go’antahay Wasaaradda Dhallin yarada iyo Cayaaraha XFS inay dhallin yarada Soomaaliyeed kaga faa’ideyso fursadaha caalamiga ah oo ay ugu hor eyso xaruntaam dhallinyaro oo ay si wadajir ah u yeelanaayaan dalalka ku mideysan Bulshada Sahel-Saharan states.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa kaga mahadceliyay shacabka iyo dowladda dalka Libya, sida quruxda badan oo ay u marti-galiyeen meertada 4aad ee shi rka Wasiirrada Dhallinyarada iyo Cay aaraha dalalka ku mideysan Bulshada Sahel-Saharan states.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Duqa Muqdisho oo ka wada hadlay dhismaha golayaasha dowladdaha hoose

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gu daha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Cali Yuusuf Cali – Xoosh ayaa shalay booqday xa runta Aqalka dowladda hoose ee Xam ar isaga oo kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahn a Duqa Muqdisho mudane Yusuf Xus een Jimcaale (Madaale).

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta Wasaaradda Arrima ha Gudaha iyo Maamulka Gobolka Ba naadir, fulinta qorshayaasha hortabinta u leh labada dhinac iyo sidii la isaga kaashan lahaa horumarka iyo dhisma ha golayaasha dowladdaha hoose.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xarigga ka jaray mashaariic laga hirgeliyay Balcad

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa shalay gaaray degmada Balcad ee gobolka Shabeell aha dhexe.

Madaxweynaha ayaa xarigga ka jara y garoonka kubbadda cagta ee Dr. Ayu ub Jeenyo oo si casri loo dhisay iyo mashaariic kale oo laga hirgaeliyay gudaha degmadaas.

Socdaalka madaxweyne Cali Guudl aawe uu ku tagay degmada Balcad wa xaa ku wehlinaya Xildhibaan Cusmaan Xaadoolle oo ka tirsan golaha shacab ka BFS, xubno katirsan Golaha Wasiir rada, Baarlamaanka Hirshabeelle iyo masuuliyiin kale.

Soomaaliya iyo Kuwait oo iska kaashanaya tababarka Diblomaasiyadda

Agaasimaha Machadka Diblomaa siyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dib adda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh ayaa Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kuwait kula kulmay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mac-hadka Saud Nasser Al-Sabah ee Diblomaasiyadda Mudane Danjire Nasser Subiix Al-Sabiix.


Labada mas’uul ayaa waxay ka wad a hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga barnaamijyada tababarrada si kor loogu qaado khibradda iyo aqoo nta dublamaasiyiinta iyo fududaynta hindisayaasha aqoon isweydaarsiga si loo ballaariyo aragtida dhinaca dibloma asiyadda.


Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeyb-galay shir looga hadlay maareeynta musiibooyinka

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoom iyaha Hay’adda SoDMA, Md. Maxa muud Macallim Cabdulle ayaa xarunta ururka midowga Afrika ee Magalaada Adis-Ababa uga qeybgalay kal-fadhigii 14-aad ee shir-weynaha sannadlaha ah oo ay isugu yimaaddaan wadama da xubnaha ka ah Hay’adda African Risk Capacity (ARC) oo qaaradda Afr ika u qaabilsan Maareeynta Khataraha Musiibooyinka.

Shirkan oo ay ku kulmeen 39-ka dal ee xubnaha ka ah ururkaan qeeybtiisa farsamada waxaa gudoominayey Agaa simaha waaxda Maareeynta Khata raha Musiibooyinka SoDMA, Khadar sheekh Maxamed Nuur, waxaana shir ka qeybtiisa farsamo lugu go’aamiyey go’aanno farsamo oo la hordhigayay madaxda hay’addaha wadamadda xu bnaha ka ah oo uu doorkan guddoom iyey Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallim Cabdulle.

Hay’adda SoDMA ayaa ku guuleeysa tay doorashada xubin ka mid ah xubna ha maamulka hay’adda ARC Saddexd a sanno ee soo socota, taas oo uu ku matali doono Maxamed Cumar Maca lin (Wayaki), waxaana xusid mudan in Soomaaliya markii labaad ay qabato shir guddoonka Ururkaan tan iyo mar kii ay saxiixday heshiiska uu ku dhisan yahay ururka ARC bishii Abriil Sannad kii 2021.

SoDMA oo gargaar gaarsiisay deegaanka Masaggawaay ee gobolka Galgaduud

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA ayaa 1,300 oo qoys oo ku dhaqan degaanka Masaggaw aay ee gobolka Galgaduud u qeybisay gargaar kala duwan.

Gargarkaan ayaa iskugu jiray qayba ha kala duwan ee raashinka, iyadoo qoysaskii la gaarsiiyay iyo maamulka degaanka ay u mahad ceilyeen Hay’ adda Maareynta Musiiboyinka Qaran ka ee SoDMA.

Hay’adda SoDMA ayaa dhowr jeer gaarsiisay degaannada dhowaan laga xoreeyay Al-shabaab gargaar kala duwan, iyadoo dowladda federaalkuna ay halkaasi ka waddo soo celinta dha mmaan adeegyadii bulshada oo ay ho ray u cuuryaamiyeen Al-shabaab.

Markab dagaal oo laga leeyahay Tuirkiga oo kusoo xiranaya dekeda Muqdisho

Markab dagaal oo laga leeyahay dal ka Turkiga oo lagu magacaabo Kemalr eis ayaa shalay ku soo xiri doona de kedda magaalada Muqdisho ee caasi madda Soomaaliya, iyadoo tallaab adan ay qeyb ka tahay heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah oo ay dhawaan kala saxiixdeen Ankara iyo Muqdisho.

Waxaa la filayaa in madaxda dowlad da Soomaaliya ay la kulmaan cutubyo ka tirsan ciidamada badda ee Turkiga marka uu markabka dagaal ku soo xirto dekedda Muqdisho, taasoo noqo naysa tallaabadii ugu horreysay ee dhaqan gelinta heshiiskii la saxiixay bi shii hore ee February.

Waxaa hakad ku yimid shaqada de kadda Muqdisho iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la filayo in uu ka qeyb galo xafladda soo dhawey nta markabka ee badda Soomaaliya.

Sida ku cad heshiiskaas oo ay saxii xeen wasiirradooda gaashaandhigga, isla markaana ay ansixiyeen bishii Feb raayo ee baarlamaanka Soomaaliya, Turkigu wuxuu siin doonaa tababaro iyo qalabayn ciidamada badda Soo maaliya, taasoo u oggolaanaysa Soo maaliya inay ka ilaaliso kheyraadka ba dda iyo ka hortagga argagixisada, bur cad-badeedda iyo faragalinta Shishee yaha.

Heshiiska ayaa sidoo kale sare u qaa di doona horumarinta dhaqaalaha iyo xiriirka ganacsi ee labada dal, iyadoo Turkiga uu Soomaaliya ka caawin doo no sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen awooddeeda ballaaran ee kalluumey siga, dalxiiska iyo tamarta.

KENYA iyo Soomaaliya oo galay heshiis cusub oo la xiriira ganacsiga qaadka

Xoghayaha beeraha iyo xanaanada xoolaha ee Kenya Mithika Linturi ayaa ku dhawaaqay in Kenya ay heshiis dho ofinta qaadka ah la galeyso Soo maaliya 8da bisha soo socota ee Maa jo, si loo xaqiijiyo faa’iido dhaqaale, loo na abuuro hanaan sharci oo ganacsiga qaadku ku shaqeeyo.


Mr Linturi wuxuu hoosta ka xariiqay in qaadku uu laf-dhabar u yahay dhaqaa laha degmada Meru, kaasoo waxtar u leh nolosha dad badan oo degmadaas ku nool.

Xoghayaha wuxuu u ballan qaaday dad uu la hadlayey in xukuumaddiisa ay diyaar u tahay in ay ilaaliso dana hooda.

Sannadihii u dambeeyey waxaa ga nacsiga qaadka ee Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya hareeyey khilaaf soo noqnoqonayey, horena uma aysan jirin heshiisyo qaadka la xiriira oo ay la bada dhinac wada galeen.

Muddo ku dhawaad laba todobaad laga joogo ayaa dib waxaa u billowday qaadkii tegi jiray Muqdisho, ka dib mar kii muddo hakad ku jiray.

Cabdiwaaxid Barre Macallin oo ka mid ah dadka ka shaqaysta qaadka ee ka soo qaada Beeralayda ilaa ay u dho ofiyaan Soomaaliya ayaa sheegay in ay khaati ka joogaan wax uu isagu ugu yeeray "magafayaasha qaadka” oo lac ago dheeraad ah ka qaada ganacsa tada qaadka u dhoofiya Soomaaliya.

"Waa arrin dhib ku ah dadka nolol maalmeedkooda, beeralayda ilaa kuwa ku xiran ee wax ka hela, lacagta maa ha mid ah canshuurta oo Kenya u dha cda, iyo mid Soomaaliya u dhacda laa kiin waxay u dhacdaa kudlad isku xiran oo ku sii xiriirsan dad awood leh,” ayuu yiri Barre.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaadka Miiroowga ee Muqdisho tagaya sida maalin laha ah ku canshuurta lix dollar kiiladiiba.

Kenya waxay muddo raadinaysay suuq ay isku hallayn karto oo ay u dho ofiso qaadkeeda. Soomaaliya dhowr goor oo hore ayuu ganacsiga qaadku hakad galay sababo qaarkood siyaasado markaas taagnaa salka ku hayey, halka suuqii kale ee loo dhoofin jiray qaadka Kenya oo ah dalka Ingiriiska isna gabi ahaanba laga mamnuucay bishii Juun 2014. Soomaaliya weli kama aysan hadlin heshiiskaas.

Isha: BBC

Somaliland oo ka hadashay cida dishay aqoonyahan Cabdinaasir Dahable

Xukuumada Somaliland ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in uu amray dilka aqoonyahan Cabdinaasir Muuse Dahable oo Xamar lagu dilay bishii February ee sannadkan.


Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Guddaha Cabdillaahi Xuseen Maxamed ayaa sheegay in dilka Cabdinaasir uu amray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay in uu adeegsaday saraakiil ka tirsan Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo Hay'adda Sirdoonka ee NISA.

Waxa uu sheegay in baadhis ay sameeyeen ay ku ogaadeen cida dilka gaysatay isaga oo sheegay in 7 nin oo budhcad ah loo adeegsaday dilka Dahable.

"Madaxda Dowlada Federaalka ee Soomaaliya waxay leeyihiin dhaqan mujrim, waxa aynu ka warhayna in danbiilayaasha dadka laaya lasii daayo, kadibna dad kale oo masaakiin ah oo kasoo jeeda Baydhabo, Jilib ama Shabeelada Hoose ayaa la soo qabtaa oo lagaga hadliyaa" ayuu yidhi Wasiirku.

Dhinaca kale, Waxa uu ka hadlay dhallinyaro 5 ah oo Muqdisho ugu xidhan dilka Dahable, kuwaasi oo dhawaan la sheegay in jidhdil loo gaystay, isaga oo sheegay si arxan daro ah loola dhaqmay.

"Waxa aanu ogaanay in 5 tii inan ee Cabdinaasir la shaqaynayay in ay maalin walba xiniinyaha kalbad kaga qabanayaan, oo cidiyaha ka saarayaan, oo dhagaha kaga qabanayaan, oo ay figaynayaan" ayuu yidhi Wasiirku.

Dowlada Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in ay baadhis ku hayso dilka dahable, iyada oo xabsiga la dhigay qaar kamid ah dhallinyaradii ay isku shaqada ahaayeen Dahable.

Somaliland oo beesha caalamka ka codsatay in deeqaha si gaar ah loo siiyo

Somaliland ayaa beesha caalamka ka codsatay in lacagaha deeqaha ah si gaar ah loo siiyo, oo aan loo soo marin dowlada Soomaaliya.

Waraaq ay Wasaarada Qorshaynta Somaliland la wadaagtay waddamada deeqda bixiya, ayaa lagu sheegay muhiimada ay leedahay in la sameeyo dariiqyo ay beesha caalamku si gaar ah ugula macaamisho Somaliland.

"Annaga oo aqoonsan taageerada ayna siiyaan saaxiibaday, waxaanu hoosta ka xariiqaynaa muhiimada ay leedahay iyo baahida loo qabo in Somaliland si toos ah loola shaqeeyo, iyada oo loo marayo dariiqyo rasmi ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee mucaawinada" ayaa lagu yidhi warqada.

Waxa warqada lagu sheegay in loo baahanyahay in gargaarku uu noqdo mid kor loogu qaadayo nolosha dadka, iyada oo aan loo eegayn fikirkooda siyaasadeed, isla markaana, ay jiraan waddamo badan oo aan la aqoonsanayn oo si toos ah u hela deeqaha.

Ugu danbayn, Somaliland waxay ka mahad sheegatay taageerada ay ka hesho waddamada deeqaha bixiya, waxayna sheegtay in ay rajaynayso in ay sii kordhiyaan wada shaqaynta ay leeyihiin.

22

Lix iyo toban qof oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti

Hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in lix iyo toban qof ay dhinteen, siddeed iyo labaatan qofna la la'yahay ka dib markii ay doon ku degtay xeebaha dalka Jabuuti. IOM ayaa sheegtay in dadka la socday doonida ay ku jireen caruur.

Laba toddobaad ka hor ugu yaraan soddon iyo siddeed qof ayaa ku dhintay shil kan la mid ah oo ka dhacay xeebta Jabuuti.

Saraakiisha ayaa sheegay in tobankii sano ee la soo dhaafay ku dhawaad kun qof la diiwaan geliyay in ay dhinteen ama la la’yahay ka dib markii ay isla safar galeen. Waddadan ayaa caan ku ah dadka tahriibayaasha ah ee ka imaanaya dalalka Geeska Afrika, kuwaasi oo doonaya inay sii maraan dalka Yemen, si ay shaqo uga helaan Sacuudiga iyo dalalka kale ee Carabta.

Muhaajiriin uu ilmo yar ku jiro oo ku dhintay iyagoo ka gudbaya Kanaalka Egland

Ciidamada ilaallada xeebbaha Faransiiska ayaa xaqiijiyay in 5 qof ay ku dhinteen, iyagoo doonaya in ay ka gudbaan Kanaalka Egland.

Shanta qof ayaa isugu jiray 3 nin, naag iyo ilmo yar, sida ay sheegeen.

‘’Abaare shanti aroornimo ee Shalay, doon yar (oo ay saran yihiin dad ka badan 110 qof) ayaa ka shiraacatay xeebbaha Jarmalka (Wimerreux), ayay sheegeen.

Wakaaladda Warrarka u faafisa dalka Faransiiska ee AFP ayaa laga soo xigtay in ilmaha yar oo gabadh ah ay jirtay 4 sano.

madaxda militariga Mali oo hakiyay dhammaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed

Dhowr xisbi oo siyaasadeed iyo ururada bulshada rayidka ah ee dalka Mali ayaa sheegay in ay codsi u gudbinayaan maxkamadda sare si ay isugu dayaan in ay baabi'iyaan wareegto ka soo baxday madaxda militariga ee dalkaasi oo lagu hakiyay dhammaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed.

Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in xukunkaasi uu ahaa mid dulmi oo wax caburinayo.

Hogaamiyayaasha militariga Mali - oo xukunka la wareegay 2021 - ayaa markii hore balan qaaday in doorasho la qaban doono horaanta sanadkan.

Laakin waqtigii loo qabtay ayaa meesha laga saaray, wariyayaashuna waxay sheegayaan in milatarigu ay u muuqdaan kuwo go'aansaday in ay xukunka sii hayaan dhowr sano oo kale.

Waxa ay sidoo kale dhawaan ka mamnuuceen warbaahinta in ay tabiyaan dhaqdhaqaaqyada xisbiyada siyaasadda.



Maxay tahay farriinta cusub ee Xamaas ka timid ka dib dagaalka Qasa oo 200 maalmood galay?


Dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas ayaa galay maalintii 200-aad, kaas oo dhaliyey khasaare dhimasho, dhaawac, burbur iyo xaaalad bini’aadannimo oo daran sida ay sheegeen haya’addaha Qaramada Midoobay.

Iyadoo ay si gaabis ah u socdaan fursadaha caalamiga ee la doonayo in dhinacyada lagu dhexdhigo xabad joojin ayaa markan Ururka Xamaas soo saaray fariin cusub oo ku wajahan dagaalka socda.

Afhayeenka Guutada Al-Qassam, Abu Cubayda, ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah ciida mada Israa’iil l, 200 maalmood kadib markii uu dagaalka ka qarxay Qasa.

Waxaa isag si caro leh u hadlayey uu sheegay "in u diyaa rgaroobayaan iska hor imaad gudaha,hareeraha Falastiin iy xitaa caalamka oo dhan”

Abu Cubayda, wuxuu ku eedeeyay ciidanka Israa’iil in ay "ka faa’iidaysanayaan xaaladdooda dhulka ee ay ku hayaan bur bur aargoosi ah oo aan kala sooc lahayn, isaga oo sheegay in Israa’iil ay si aan waxba tarayn isugu dayaysay in ay soo celiso muuqaalkeeda tan iyo maalintaas,”

Abuu Cubeyda waxa uu khudbadiisa Talaadadii ku yiri: "Beenta ay dowladda Israa’iil sheegtay waxaa ka mid ah in ay ku xirto waxa loogu yeero guusha dagaalkan iyo duu llaankii Rafah, iyo in ay isku daydo in ay ku khiyaanto caa lamka in ay meesha ka saartay inta badan Qasm. guutooyin militari oo ku sugan Marinka Gaza oo ay ka baxeen guu tooyinka Rafah”.

Ergada gaarka ah ee QM u magacawdo Soomaaliya iyo hawlgalka aysan dhamaysan

Wuxuu ku eedeyey Israa’iil in ay ka gaabisay in la gaaro heshiis is dhaafsi maxaabiis ah, isagoo sheegay in ay "isku dayeyso in ay carqaladeyso dadaallada dhexdhexaadiyeyaa sha ah ee lagu doonayo in lagu gaaro xabbad-joojinta.”

Dhinaca kale, Israa’iil ayaa Salaasadii shalay weerarro ku qaaday qaybo kala duwan oo ka tirsan Marinka Qasa, duqeymihii ugu xoogganaa ee toddobaadyo socday, gaar ahaan Waqooyiga Marinka, oo ay Ciiddanka Israa’iil hore u yareeyeen joogitaankooda.

Dhaqdhaqaaqa Jihaad Islaami ah oo xulafo la ah Xamaas, ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarrada gantaallada ah ee lala beegsaday deegaannada Sderot iyo Kibbutz Niram, taasoo muujineysa awoodda kooxaha hubeysan ee Falastiiniyiinta ay u leeyihiin inay qaadaan weerarro xitaa ka dib 200 oo maalmood oo dagaal ah,

Israa’iil ayaa amartay daad-gureynta cusub ee Beyt Xaliya, ee waqooyiga Qasa, iyadoo ku tilshalayy aaggaas "aag dagaal oo khatar ah," sida uu sheegay afhayeenka ciidamada Israa'iil.

Dhanka Qasa, Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in tirada guud ee dhimashada Marinka ay kor u dhaaftay 34,000 oo qof tan iyo markii uu dagaalka billowday, in ka badan 77,000 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Waa maxay Guutooyinka Qassam?

Guutada Ciss al-Diin al-Qassam waa garabka milatari ee dhaqdhaqaaqa Xamaas, kaas oo la asaasay 1980-meeyadii. Waa garabka militari ee u xilsaaran arrimaha ciidan ee ururka.

Dhaqdhaqaaqa ayaa ku lug lahaa geeddi-socodka siyaa sadda Falastiiniyiinta tan iyo 2005, markii Israa'iil ay kala baxday ciidamadeeda iyo dadka degganaa Qasa, waxayna ku guulaysteen doorashadii sharci-dejinta ee 2006, ka hor in ta aysan xoojin awooddeeda Qasa, sannadkii xigay oo ay afgembiyeen dhaqdhaqaaqa Fatah ee uu hoggaamiyo Mad axweyne. Maxamuud Cabaas.

Wixii xilligaasi ka dambeeyay, garabka hubaysan ee ku su gan Qasa, waxa ay qaadeen tiro hawlgallo waaweyn ah oo ay kula dagaallamayaan Israa’iil.

Israa’iil, Maraykanka, Midowga Yurub iyo Boqortooyada Mid owday ee Ingiriiska, iyo sidoo kale quwadaha kale, waxay Xamaas guud ahaan, ama xaaladaha qaarkood u kala saa raan koox argagixiso ah.


Somaliland oo ka jawaabtay carada ay Jabuuti ka qaaday heshiiska badda ee Itoobiya

Wasiirka arrimaha dibadda ee maam ulka Somaliland Ciise Keyd Maxamuud ayaa ka jawaabay hadalkii wasiirka maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Da waaleh oo cadeeyey in Jabuuti iyo madaxweynaheeda Ismaaciil Cumar Geelle ay si weyn uga caroodeen talla abadii uu Muuse BIixi badda ku siiyey Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Ciise Keyd Maxamuud oo ku sugan Maraykanka ayaa u waramay Idaaca dda VOA, wuxuuna sheegay in wax dhibaato ah aysan u arkin hadalka wa siirka maaliyadda Jabuuti.

Sidoo kale Wasiir Keyd ayaa sheegay in Jabuuti aysan u geysan wax dhi baato ah, balse ay ka shaqeynayeen aayaha umadda reer Somaliland, markii ay gelayeen heshiiska Itoobiya, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Waxaa la weydiiyey sababta ay uga baxeen heshiiskii ay garwadeenka ka aheyd Jabuuti ee dowladda federaalka Soomaaliya ay la galeen, wuxuuna ku dooday in halkaas wax heshiis ah aan lagu gaarin, taasina ay sababtay in Somaliland ay iska daneysato.

Sidoo kale wuxuu sheegay in heshiis ka ay la galeen Itoobiya uusan dhabar jebin ku aheyn Jabuuti iyo arrimihii ay waday ee dhexdhexaadinta, balse uu ahaa mid ay muddo kasoo wada shaq eynayeen Somaliland iyo Itoobiya.

"Si fudud uma aanaan tegin Itoobiya, afar bilood ayaan ka shaqeynayey arr intaas, kulanka Jabuuti markii uu dha cayey anigu waxaan joogay Addis Ab aba, taasi waxay keentay in madax weynuhu uu Itoobiya tago si heshiis kaas uu u saxiixo, maadaama uu soo dhamaaday wadahadalkeenii a naga iyo Itoobiya,” ayuu yiri wasiirka arrima ha dibadda Somaliland.

Wasiirka ayaa meesha ka saaray in heshiiskaas uu ahaa falcelin ku saab san heshiiskii ay garwadeenka ka ahe yd Jabuuti, balse uu ahaa heshiis ay muddo afar bilood ah ka shaqeyney say wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo isagu uu hoggaamiyo.

Ugu dambeyntii wasiir Ciise Keyd ayaa sheegay in Jabuuti iyo Somaliland ay yihiin walaalo, isla markaana uu ka dhaxeeyo heshiis iyo walaalnimo soo jireen ah.

"Heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya meel aad u wanaagsan ayuu marayaa, wax kastana waxay u socdaan sidii loo qorsheeyey,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Ciise Keyd Maxamuud.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip